Muxuu ahaa kulanka ducada Yahuudda ee lagu qabtay Sacuudiga?

.

Xigashada Sawirka, x/twitter

Wasiirka Isgaadhsiinta Israa’iil ayaa ka hadlay in kulan duco subaxeedka Yuhuuda ah lagu oogay Sacuudiga, xilli is fahamkii iyo isu soo dhawaanshihii labada dal uu xawli ku socdo.

Shlomo Karhi - oo ah wasiirkii labaad ee Israa'iil ah ee booqda boqortooyada Sucuudiga usbuucii la soo dhaafay - ayaa sheegay in "wax walbaa ay ku bilowdaan talaabooyin yar yar oo hore loo sii qaaday".

Maalin duceedkan, oo ay ka qaybgaleen ku dhawaad 10 nin, ayaa ka dhacay hoteelka Karhi uu degganaa, waxaana ku jiray saddex Yahuud oo ku sugnaa Riyadh balse aan ka mid ahayn wafdiga Karhi.

Sawirro uu sii daayay xafiiska Karhi ayaa muujinayay ka qaybgalayaasha oo xidhan dhar dhaqameedka dalkaas, kuwaas oo kor u haya laamo timireed, xilli ay u taagnayeen saf saf sida oo kalena ay xusayeen ciidda Sukkot.

Waxay sidoo kale ka akhriyeen Kitaab yar oo Tawreed ah, oo uu safaaradda siiyey mid ka mid ah "Yahuudda deegaanka ah," sida uu sheegay afhayeenka Karhi.

.

Xigashada Sawirka, X/TWITTER

Karhi, oo ah Yuhuudda Ortodokska ah, ayaa ka degay Boqortooyada fiidnimadii Isniinta, isaga oo hoggaaminaya wefti Israa’iiliyiin ah oo ka qaybgalaya Shirweynaha aan caadiga ahayn ee Midowga Boostada Adduunka ee 2023.

Wasiirka oo uu weheliyo guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha ee Knesset David Bitan, ayaa safarkan sameeyay wax ka yar toddobaad ka dib markii saaxiibkiis Likud Haim Katz uu noqday wasiirkii ugu horreeyay ee Israa’iil ah ee dalkan soo booqda.

Booqashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo Israa’iil iyo Sucuudigu ay ku sii dhowaanayaan heshiis caadi ah oo lagu soo celinayo xidhiidhka ka dhexeeyey, xilli qorshahan Maraykanku gadh-wadeen ka yahay, kaas oo haddii la soo gebagebeeyo noqon doona horumar taariikhi ah oo ay Israa’iil ku yeelanayso Bariga Dhexe.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Horaantii bishii hore, wafdi Israa’iili ah oo ka kooban sagaal qof ayaa u duulay Sacuudiga si ay goobjoog uga noqdaan shirka Guddiga Raadraaca Adduunka ee UNESCO. Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay madaxa hay’adda qadiimiga u qaabbilsan Israa’iil, waxaana ka mid ahaa diblomaasiyiin, sida uu sheegay sarkaal Israa’iili ah.

Safarradda ayaa imaanaya iyadoo maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu si firfircoon ugala shaqeynayo Riyadh iyo Jerusalem inay isku dayaan inay dhexdhexaadiyaan oo xidiidh caadi ah u dhexmaro labadan dal.

Iyada oo qayb ka ah qaab-dhismeedka heshiiskan, Sacuudiga ayaa sidoo kale weydiisanaya Mareykanka heshiis weyn oo dhanka difaaca ah iyo heshiisyo hub oo muhiim u ah, iyo sidoo kale beddelka ah tanaasulka Israel ee Falastiiniyiinta.

Isagoo ka hadlayay bishii hore Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil “ay qarka u saaran tahay” heshiis taariikhi ah oo ay la gasho Sacuudiga.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, oo ah dhaxal-sugaha Boqortooyada, ayaa isna Fox News u sheegay in "maalin walba aan iskusii dhowaanayno" in dalkiisa uu caadi ka dhigo xidhiidhka uu la leeyahay Israa'iil, isagoo caddeeyay in arrinta Falastiin ay weli tahay "mid aad muhiim u ah" oo ka mid ah geeddi-socodka heshiiska.