Sacuudiga oo Mareykanka ku war geliyay weerar ay suurtagal tahay iney ku soo qaaddo Iiraan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wargeyska Wall Street Journal ayaa daabacay warbixin khaas u ah oo uu ku sheegayo in dowladda Sacuudiga ay ku wargelisay suurtagalnimada weerar ay kusoo qaadi rabto Iiraan, sida ay shaacisay BBC-da laanteeda luuqadda Pashto-ga.
Maqaalka ayaa lagu sheegay in xukuumadda Riyaad ay dhiggeeda Washington la wadaagtay caddeymo ku saabsan weerarka laga cabsi qabo.
Markii ay arrintan soo baxday, wararku waxa ay sheegayaan in Mareykanka iyo xulafadiisa ku sugan gobolka ay sare u qaadeen heerka feejignaanta ee ciidamadooda gobolka wixii ka dambeeyay qeylo-dhaanta kasoo baxday Sacuudiga.
Dhanka kale, Wargeyska kasoo baxa Mareykanka ee lagu magacaabo Washington Post oo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah oo ka war qaba xogta ay la wadaagtay Riyaad ayaa qoray in caddeymaha loo cuskaday weerarrada ay Iiraan la damacsan tahay meelo ka mid ah Sacuudiga ay u muuqdaan kuwo sax ah.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka, Patrick S. Ryder, ayaa Talaaladii sheegay in Washington iyo Riyaad ay sameynayeen wadatashi ka dib markii uu qiray warka ku saabsan in heegan la geliyay ciidanka Mareykanka eek u sugan gobolka.
Waxa uu intaas ku daray in Mareykanku uu adeegsanayo xuquuqda isdifaacidda, isagoo ciidankiisa isticmaalaya meel walba oo ay joogaan, ha ahaato Ciraaq ama meel kale.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hase yeeshee, Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Mareykanka ayaa sheegay in uu jiro walaaca amni ee soo kordhay, isagoo hoosta ka xariiqay in Mareykanka iyo Sacuudiga ay si dhow isula shaqeynayaan militeri ahaan iyo sirdoon ahaan labadaba.
Waxa uu intaas ku daray in waddankiisa uusan ka labalabeyn doonin isdifaaciddiisa iyo difaacidda xulafadiisa.
Qaar ka tirsan saraakiisha Mareykanka ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in khatarta kasoo wajahan Iiraan ay tahay isku day ay ku doonayaan in ay beesha caalamka uga mashquuliyaan mudaharaadyada dowladda ka dhanka ah ee ka socda gudaha dalkooda.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya heerka diyaar garow ee uu Mareykanku u sameeyay weerarka ay suuragalka tahay in ay fuliso Iiraan.
Sarkaal Mareykan ah ayaa telefishinka CNN u sheegay in Mareykanku uu heegan geliyay diyaaradihiisa noocoodu yahay F-22 ee ku sugan Sacuudiga si uu uga hortago weerar kasta oo ay soo qaaddo Iiraan.
Balse sarkaal kale ayaa sheegay in Mareykanku uusan wax isbeddel ah ku sameynin diyaargarowgii uu horayba ugu jiray, maadaama halistan aysan ahayn mid si toos ah u saameyneysa Mareykanka.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wargeyska Wall Street Journal oo ah warbaahintii ugu horreysay ee shaacisay arrintan ayaa soo xigtay saraakiil Sacuudi ah oo sheegaya in weerarrada ay suurtagalka tahay in ay Iiraan fuliso ay ku jiraan kuwo lala damacsan yahay Ciraaq, gaar ahaan gobollada Kurdistan iyo Erbil.
Dowladda Iiraan weli wax jawaab ah kama aysan bixin wararka ku saabsan weerarka suurtagalka ah, balse mudaharaadyada ka socda dalkeeda waxay u aragtaa farogelin ay ku hayaan dalalka “cadowgeeda” ah.
Hussain Salami oo ah madaxa Ciidanka Kacaanka ayaa sheegay in dibadbaxyada ay yihiin natiijada ficillo ay sameeyeen Sacuudiga, Israa’iil iyo Mareykanka, waxa uuna ugu hanjabay in ay Iiraan ku sameyn doonto aargudasho.
Tan iyo billowgii mudaharaadyada ka socda Iiraan, Ciidanka Kacaanka Iiraan waxa ay dhowr jeer weerarro gantaallo ah ku qaadeen meelo uu ka mid yahay gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq, halkaasoo ay ku dhinteen tobannaan rayid ah.
Intii ay weerarradaas socdeen, ciidanka Mareykanka eek u sugan aagga waxa ay soo rideen diyaarad nooca uusan duuliyaha saarneyn ah oo ay leedahay Iiraan.










