Sidee gaariga weyn ee qaraxa siday uu ku tagay bartamaha Beledweyne?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Waxa isa soo taraya su’aallaha dadka reer Beledweyne ay iska waydiinayaan dayaca amni ee ka jira magaalada iyo dhacdadii ugu dambeysay ee Sabtidii lagu dilay 34-ka qof, laguna dhaawacay 48 kale, kaddib markii gaari nooca xamuulka qaada ah oo waxyaabbaha qarxa lagu soo raray lagu qarxiyay xaafad ku taalla bariga Beledweyne.
Gaariga wayn ee qaraxa siday ayaa la sheegay in uu markii hore soo maray bar hubin, oo sidoo kale lagu qaado canshuurta oo ku taala Buundo Liiqliiqato, halkaas oo warqadda canshuur bixinta looga jaray. Nin ah dadka gawaarida kala gudbiya, lagana yaqaanno magaalada ayaa la socday gaariga qaraxa.
Gaariga ayaa socodkiisa sii watay, isagoo markii dambe yimid bar kale oo lagu hubiyo gaadiidka, markaas oo loo diiday in uu gudbo, illaa baaris dhamaystiran lagu sameeyo.
Booliska ayaa sheegay in ay hayeen xogta gaariga qaraxa siday, sidaad daraadeedna markii ay maqleen in uu ka gudbay buundo Liiliiqato ay ka dabo direen ciidan kale oo iskugu jira booliis iyo milatari si ay uga hor istaagaan in uu u gudbo bartamaha magaalada, iyagoo uga daba yimid barta hubin ee horseed ee uu gaarigu taagnaa. Nasiib darase halkaas ayuu isku qarxiyay ninkii gaariga waday, waxana dhacday musiibo ay dad badan ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.
Taliyaha Booliska Beledweyne ayaa BBC-da u xaqiijiyay in gaariga qaraxa siday uu ka gudbay bar koontarool oo canshuurta lagu qaado.
“Way jirtaa in bar hubin uu soo maray gaariga qarax siday oo canshuur looga qaaday, ciidamo isku dhaf ah oo boolis iyo milatari iskugu jira waa joogeen, waana kontoroolka ku yaala Buundo Liiqliiqato, marka sababtii uu ku soo maray iyo raggii damiinka ka ahaaba waa lagu daba joogaa, waana la keenayaa, cid walba oo kiiskaas ku lugta lahaydna gacantaan ku soo dhigi doonaa” ayuu yiri taliyaha Booliska Beledweyne Axmed Cali Aadan.
Mar taliyaha wax laga waydiiyay in uu jiray nin magaalada laga yaqaanay oo gaariga damiin ka ahaa kaas oo buundada Liiqliiqato ka soo gudbiyay ayaa ku jaawabay, “waa jiraa nin la yaqaanno oo gaariga la socday oo markii horena la soo maray buundo Liiqliiqato, markii dambena la yimid goobta qaraxu ka dhacay, maaddaama gobollada dhexe laga yaqaanno dad la yiraahdo Qabbaan oo baabuurta kala gudbiya, oo waxas ka shaqaysta, marka in uu ogaa qaraxa iyo in uusan ogeynba hadda wuu dhintay, waxana socota baarista la xiriirta arintiisa” ayuu yiri taliye Axmed.
Booliska ayaa rumeysan in gaariga qarxa siday uu ka yimid galbeedka gobolka Hiiraan, halkaas oo ay wali ku xooggan yihiin ururka al-Shabaab.
Falcelinta dadka deegaanka

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dadka magaalada ayaa sheegaya in khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Beledweyne uu u sahlay in al-Shabaab qarax noocan ah fuliyaan kuna laayaan dad badan.
Waxay rumeysan yihiin in tan iyo markii uu bilowday khilaafka maamulka ee ka taagan Gobolka Hiiraan uu yaraaday dagaal kii lagu hayay kooxda Al-Shabaab, taasina ay u sahashay kooxda inay soo weerarraan Beledweyne.
“Sidee ku soo gudbay gaariga qaraxa siday oo canshuur looga soo qaaday, hiiraan state ma naqaan, hirshabeelle ma naqaan, cid kale ma naqaan, arintu reer ayay taagan tahay , wixii reerku ku tashado ayaana sameynaynaa” ayay tiri Xaliimo Sacdiyo oo kamid ah haweenka ku nool Beledweyne oo iyadoo caraysan la hadlay weriyayaasha.
Dadka magaalada ayaa ku jahwareersan labada maamul ee mid kastaahi sheegay in uu isagu xukumo Beledweyne kuwaas oo kala ah, maamulka gobolka ee hoostaga Dawlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Maamulka Hiiraan State ee uu hoggaamiyo Cali Jeyte Cismaan.
Cali Cabdi Xasan oo kamid ah aqoonyahanka Beledweyne ayaa sheegay in iyadoo aan xal loo helin khiaafka maamul ee ka taagan magaalada ay adkaan doonto in la maareeyo amniga.
“Amni marka laga hadlayo waa in uu masuuliyad yeesho, iyo cid lagu ogyahay oo loo raacdo haddii ay wax qaldamaan, halkan maamullo iska soo horjeeda ayaa wada jooga mid kastaahina uu masuuliyad sheeganayo, sida daraadeed dayac weyn ayaa jira oo haddii aan khilaafkaas xal loo helin keeni karta dhibaato intaa ka badan” ayuu yiri Cali Cabdi Xasan.
Khilaafka siyaasadeed ee ka taagan gobolka Hiiraan

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Bishii Juun ee sanadkan ayaa madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlawe Xuseen waxa uu xil ka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo sidoo kale udub dhexaad u ahaa kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab. Madaxweyne Guudlawe waxa uu gudoomiye u magacaabay Cabdillaahi Axmed Maalin (Sufuroow).
Cali Jeyte ayaa diiday xil ka qaadista lagu sameeyay, wuxuna sheegay in gobolka uu ka madax bannaan yahay maamulka Hirshabeelle, isaguna wixii hadda ka dambeeya uu madax u yahay maamul u gooniya Gobolka Hiiraan.
Magaalada waxa wada jooga ciidan ka kala amar qaata Dawladda Federaalka, Maamulka Hirshabeelle iyo Maamulka Cali Jeyte ee Hiiraan State.
Booliska ayaa sheegaya, in iyadoo waxaas oo ciidan ah oo kala afkaar ah ay joogaan magaalada ay adag tahay in xal loo helo amniga Beledweyne.
Dhawaan shir magaalada Maxaas ee Gobolka Hiiraan lagu qabtay oo uu ka qaybgalay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, ayna ka qaybgaleen siyaasiyiinta Bariga Gobolka ka soo jeeda ayaa lagu heshiiyay in hoos loo dhgo khilaafka siyaasadeed, loona midowbo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Arinta siyaasadda ahna la xaliyo dagaalka kaddib.













