Cali Jeyte: Muxuu salka ku hayaa khilaafka kala dhaxeeya Hirshabeelle?

Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo guddoomiye Cali Jeyte
    • Author, Abdikadir Yussuf Ali
    • Role, BBC Somali

Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa weli ku adkeysanaya inuu yahay guddoomiyaha gobolka, isagoo hore u sheegay in wixii hadda ka dambeeya Hiiraan aanay ka sii mid ahaan doonin maamulka Hirshabeelle.

Cali Jeyte ayaa xil ka qaadi tiisa ku tilmaamay mid lagu kala dhantaalayo guulihii laga gaaray dagaalka ka dhanka ah ururka al-Shabaab. Wuxuu sheegay in aaney sax aheyn tillaabada xilka looga qaaday. Waxaa la aaminsan yahay in khilaafka kala dhaxeeya maamulkaas uu salka ku hayo arrimo dhowr ah oo gaaraya ilaa saddex qodob.

Haddaba aan eegno qodobbadaas:

Mideynta canshuuraha

Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in sababta keentay xil ka qaadista Cali Jayte ay tahay in isaga iyo siyaasiyiin kale ay ka horyimaadeen mideynta canshuuraha gobolka Hiiraan iyo Hirshabeelle inteeda kale.

Wasiirka ku xigeenka war-faafinta maamulka Hirshabelle Cabdishakuur Cabdullaahi Axmed (Shaashaa) ayaa BBC-da u sheegay in inkastoo xilku meerto yahay haddana uu guddoomiyihii hore caqbad ku noqday horumarka maamulkaas isla markaana uu diiday awaamir kale oo ka timid dhanka madaxda.

“Cali Jayte iyo siyaasiin kale oo dano gaara ka leh Hirshabeelle ayaa waxay ka shaqeynayeen in aysan Hirshabeelle horey u socon, waxay ka hor yimaadeen in la mideeyo canshuurta oo aasaas u ah Hirshabeelle,”

Wuxuu intaa ku daray in tillaabada uu kaga horyimid mideynta canshuuraha maamulka ay noqtay mid ka mid caqabadaha uu maamulkaasi wajahay, taas oo keentay in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu xilka ka xayuubiyo Jeyte maaddaama shaqooyinkii loo igmaday uu ka soo bixi waayay oo ay ugu horreyso arrinta canshuuraha, sida uu wasiirku sheegay.

Cali Jeyte Cismaan oo ka jawaabaya eedeynta ah inuu diiday in canshuurta la mideeyo ayaa BBC-da u sheegay in eedeytaasi aysan waxba ka jirin oo arrintu intaa ka weyn tahay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

“Aniga marka loo eego labada nin ee aniga madaxda ii ah mardhow ayay shaqada soo galeen anigana 80-kii baan shaqo dowladeed soo galay marka nidaam waan aqaannaa ee canshuur ma ah waxa la isku hayo, waxa uu Shabaab xabadda u ridiyo oo uu u dabbaal degeyo ayaa ah waxa saxda ee la isku hayo.”

“Meeshaan canshuur lagama qaadee waxaa lacag yar laga qaadaa gawaarida xamuulka ah iyo kuwa dadweynaha maamulkan awgiis ayaana loo qaadi waayay sababtoo ah waxaan ku iri hala sameeyo miisaaniyad lagu qaado canshuurta in misaaniyad la sameeyana waa ay ka baaqsadeen,” ayuu yiri Jeyte.

Wuxuu intaa raaciyay “waa ii yimaadeen waxayna igu yirahdeen canshuur baa la qaadayaa laakiin baroorta orgiga ka weyn, waxa loo socdo canshuur ma ahayn aniga canshuur ma diidin, nidaam qof ku yimidna nidaam ma diidi karo.”

“Dagaal baanu galnay oo muddo sannad ah socday marka wax loo socday waadna arki doontaan haddii Alle idmo in dadaalka intaa la’eg oo laga xorreeyay shabaab dib gacanta loogu celiyo ayaa aniga xilka la iga qaaday. Waxaan markale idiin caddeeynayaa inaan aniga canshuur diidin waa been,” ayuu yiri Jeyte.

Ma ahan oo keliya in aanu dowlad-goboleedku awoodin in uu dakhli kasoo xareeyo labada gobol, balse beelo dega gobolka Hiiraan ayaa sheegay in aanay aqoonsaneyn dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

Aasaaskii Hirshabeelle

Xildhibaanada Hirshabeelle

Xigashada Sawirka, Radio Muqdisho

Bishii October ee sanadkii 2016 ayaa si degdeg ah loo dhisay dowlad-goboleedka Hirshabeelle. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd loogu qabto magaalada Jowhar.

Tan iyo markaas Hirshabeelle waxaa ka jiray xasilooni darro siyaasadeed, iyadoo la isku daray labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Jowhar waxa ay noqotay caasimadda dowlad-goboleedka halka madaxweynuhuna uu kasoo jeeday gobolka Hiiraan.

Intii ay socotay hawsha maamul sameynta, ayaa beelo deggan Hiiraan ku doodeen in gobolka Hiiraan uu noqdo dowlad-goboleed gaar ah halkii lagu qasbi lahaa in uu la midoobo gobolka Shabeellada Dhexe.

Ilo wareedyo ay BBC la hadashay oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ayaa sheegay in arrimahaan ay salka ku hayaan siyaasad.

“Markii hore ee uu madaxweyne Xasan Sheekh sameynayay maamulka Hirshabeelle dhibaato badan ayuu kala kulmay taas oo sababtay inuu go’aan deg-deg ah gaaro marka Hirshabeelle waxaa la dhisay iyada oo aan wax badan laga heshiinin.”

“Xilligii uu madaxweynaha ahaa Sheekh Shariif ayaa waxa uu u kala qeybiyay Shabeellada sare iyo Hiiraan. Shabeellada sare oo ay caasimad u tahay Buuloburte.” Ayay inoo sheegeen ilo madax bannaan.

Waxaa sidoo kale khilaaf ka dhashay arrimo la xiriira metelaadda, iyadoo beelaha kasoo jeeda labada gobol ay dalbadeen kuraas badan.

Habkan degdegga ahaa ayaa maamulka ka dhigay mid kala qeybsan oo aan si caadi ah u shaqeynin.

Doorashadii Cali Guudlaawe

Madaxweyne Cali Guudlaawe

Xigashada Sawirka, Hirshabeelle State House

Xiisadda waxaa ay cirka isku sii shareertay kadib markii bishii Nofeembar 2020 madaxweynaha dowlad-goboleedka loo doortay Cali Cabdullaahi Xuseen ‘Guudlaawe’ oo kasoo jeeda Shabeellada dhexe, iyadoo islamarkaana magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ay tahay caasimadda dowlad-goboleedka Hirshabeelle. Arrintaan ayay beelaha qaar u arkeen inay jabineyso heshiis horay loo gaaray oo ahaa in xilka madaxweynaha la siiyo qof ka soo jeeda Hiiraan.

Xiisadahan siyaasadeed ayaa dhaliyey abaabulka ciidamo hubeysan, gaar ahaan xilliyadii ay jireen xiisadihii doorashada dadban.

Dabayaaqadii sanadkii 2020-kii, Abuukar Warsame ‘Xuud’ oo horay u ahaa jeneraal ciidan ayaa duleedka magaalada Beledweyne ku abaabulay maleeshiyo la magac baxday Golaha Samatabixinta Hiiraan, wuxuuna dalbaday dhismaha dowlad-goboleed u gaar ah gobolka Hiiraan.

Maleeshiyada ayaa ku dhawaaqday in madaxda Hirshabeelle aan loo oggolaan doonin inay tagaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, taasoo dib u dhigtay caleema saarkii Madaxweyne Guudlaawe, oo markii ugu horreysay tagay Beledweyne 26-kii Febraayo 2022 kadib markii ay dowladda federaalka geysay ciidamo magaaladaas.

Xaaladahan ayaa mar kale dowlad-goboleedka ka dhigay mid aan iyada qudheedu wada shaqeyn, waxayna caqabad ku noqdeen in horumar iyo dowlad wanaag laga sameeyo Hirshabeelle.

Xaaladahan waxay ka dhasheen maaddaama aanu jirin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay in jilayaasha siyaasaddu aanay heshiis ku ahayn awoodaha muhiimka ah ee dowlad-goboleedka, iyo qaabka awoodahan si nabad ah loogu tartami karo.