Ma dhab baa in gabdhaha jiimka sameeya ay raggooda garaacaan?

Jiimka

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Abdijaliil Osman
    • Role, Wariye madax-banaan
    • Reporting from, London

Baraha bulshada Soomaalida ay ku wada xiriirta ayaa si weyn loogu faafiyay muuqaalka sheekh lagu magacaabo Siciid Maxamed Faarax oo dhalinyarada Soomaalida ugu baaqaya in ay ka digtoonaadan gabdhaha GYM-ka qaada.

Sheekha oo khudbad jeedinayay ayaa sheegay in ay soo bateen dhalinyarada cabashada ka ah xaasaskooda, waxaa uuna intaa ku daray in guurku yahay raxmad isla markaana ay mudan tahay lammaanuhu in ay is ilaaliyaan labada dhinac.

“Intaas oo qof ayaa aniga ii yimaaday, mid lugta jaban tahay, mid dakhran yihiin, mid gacanta jaban tahay, war maxaa kugu dhacay markii aan dhahay, xaaskii ayaa xaleyto oo dhan gawda iga saareysay,” ayuu yiri Sheekh Siciid.

Sheekh Saciid ayaa u soo jeediyay dhalinyarada in lammanahooda ay weydiiyaan in ay GYM-ka aaddo ka hor inta aanay guursan.

“Dumar badan baa GYM-ka tagaya, Gym-ka waxaa ay u tageysaa odeygeeda, inta aadan guursan xaajiyadaada GYM-ka maad tagtaa, weydii” ayuu hadalkiisa raaciyay Sheekhu.

Jiimka

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, Sheekh Saciid

Maxay dumarku GYM-ka u qaadaan?

Hussien Tatiko

Xigashada Sawirka, Hussien Tatiko

Xuseen Cabdiqaadir Maxamed (Taatiko) oo tababare ka ah xarunta jirdhiska ee Dedicated Fitness Super Gym oo ku taalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya yaa qaba in gabdhaha ugu badan ee u yimaada GYM-ka, in ay u socdaan jimicsiga iyo isbadal guud oo ay ku sameeyaan jirkooda.

Xuseen Cabdiqaadir oo 10-kii sano ee u danbeysay ahaa tababare GYM ayaa sheegay in dhismaha misaanka iyo kordhinta miisaanka ay tahay sababaha ugu badan ee gabadhuhu u yimaadaan GYM-ka.

“Maya, wali ma arkin gabar u socoto sidii ragga ay isaga difaaci laheyd, waxa ugu badan ee ay u socdaan ee ay na weydiiyaan waa sidii ay miisaan isaga dhimi lahaayeen iyo sidii ay u hagaajin lahaayeen jirkooda” ayuu BBC-da u sheegay.

Xuseen Cabdiqaadir ayaa tibaaxay in ay sidoo kale jiraan gabdho barta feerka iyo difaaca, balse waxaa uu sidoo kale shaki galiyay in gabadhahaasi ay halis ku yihiihin ama ku noqon karaan ragooda.

“Hadalkaa waa wax lagu qoslo, laakiin waxaan anigu aaminsanahay in si kasta oo ay GYM u aaddo gabadha, ninka ragga ah aanay marna ka xoog badneyn”.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhinaca kale Xamdi Cali oo loo yaqaano (Hamdi alpi) oo iyana tababara ka ah mid kamid ah xarumaha jirdhiska ee Nayroobi ayaa sheegtay in sabab kala duwan ay gabadhaha Soomaalida u tagaan xarumaha jirdhiska.

Hamdi alpi ayaa sheegtay in hadalka Sheekhu aanay naqdineyn balse aanay jirin khatar intaa la eg ee uu Sheekhu ka digay.

Xamdi ayaa dhinaca kale qabta in marwalbo dumarku ay ka itaal yar yihiin ragu, balse ay sidoo kale jiraan dumar adag oo ay tahay in ragu aanay hoos u eegin.

“Marwalbo dumarku waa ay ka tabaryaryihiin raga, laakiin waxaa jira dumar sida aniga oo kale ah , aniga hadda uma maleynaayo in nin rag ah iga xoog badinaayo”. Ayaay tiri Xaamdi.

Sida ay qabaan bahda caafimaadka jimcisgu ayaa lagama maarmaan u ah, rag iyo dumarba, isagoo ka hortaga cudurro badan sida macaanka, kolestaroolka, wadne xanuunka iyo cudurrada cayilka la xiriiro.

Xamdi ayaa sheegtay in aanay marna dhiirogalineyn in lammaanuhu ay sameeyaan gacan qaad labada dhinac ah,laakiin waxaa ay iyadu aaminsan tahay in haddii qof rag ahi ay isqabsadaan aanu marna dhinaceeda dhulka dhigi karin.

“Horta ma u maleynayo in qof zowjkeyga ah aan ku xadgudbaayo, laakiin nin rag ah haddii uu isoo bareero boqolkiiba sagaashan in aan iska difaaci karo waan rumeysanahay”. Ayaay tiri.

Xamdi ayaa sheegtay in dumarka qaada GYM-ka gaar ahaan kuwa sameeya feerta ay ka helaan dhiirannaan iyo ad-adeyg taana ay keeni karto in gabadha GYM-ka qaada ay marar badan kasoo horeysa gacanta, rag badana ay ka cabsadaan.

“Dadka xitaa caalamka ka cayaaro feerta waa laga dareemaa, qofka marka uu feerta sameeyo, marwalbo waa qof careysan oo dagaal diyaar ah, marka waa suurta gal in marar badan gabdhuhu ay dagaalka la qabsadaan”. Ayaay sharaxday Xamdi Alpi.

Khubarada dhinaca caafimaadka ayaa walaac ka muujisay in wax aad u yar laga qabtay sidii loo yarayn lahaa saameynta ka dhalata dhaqdhaqaaq la'aanta ama jimicsiga ku yar dadka ku nool caalamka.

Dhaqdhaqaaq la'aanta ayaa sababta in dadka ay soo wajahaan xaalado caafimaad darro sida iney qofka ku dhacaan cudurrada wadnaha, nooca labaad ee cudurka macaanka ama sokorowga iyo noocyo ka mid ah cudurka cancer-ka. Arintaan ayaana keentay in dhalinyara badan ay ku dedaalaan in ay GYM-ka qaadaa.