Qoyska Soomaalida ah ee ay ku dhacday musiibada la xiriirta dilalka wiilashooda

Doolaal

Xigashada Sawirka, Google

Wiil Soomaali ah ayaa lagusoo warramayaa in uu dilay walalkiis oo da' ahaan aad uga yaraa. dilka ayaa ka dhacay magaalada Eden Prairie ee gobolka Minnesotta ee dalka Mareykanka.

Wiilka dilka geystay oo lagu magacaabo Doolaal Bayle Ciid ayey boolisku sheegeen in uu ahaa qof qabay xanuunka dhimirka, waxaana jirtay in marar badan uu geystay falal sababay in xabsiga la dhigo.

Qoyska wiilkan ayaa waxa horay ugu diiwaan gashanaa dhacdooyin murugo leh oo la xiriira dilal.

Booliska ayaa sheegay in dhowr mar lasoo wacay xilliga uu dilku dhacay kadibna ay tageen guriga, waxa ay halkaasi kula kulmeen Doolaal oo lagu tuhmay in uu dilka geystay.

Guriga waxaa ku sugnaa xilliga uu dilku dhacay saddex carruur ah oo uu ku jiro wiilka la dilay, balse boolisku ma aysan sheegin in qof weyn uu guriga joogay.

Wiilka yar oo lagu magacaabayay Cabdalla Ciid ayaa loo qaaday isbitaal waxaana ugu dambeyn la xaqiijiyay in uu geeriyooday, iyadoo ay dhakhaatiirtu sheegeen in loo maleynayo in ceeji lagu dilay, balse weli waxaa socda baaritaan lagu hubinayo sida uu dilku u dhacay.

Abdalla

Xigashada Sawirka, Google

Booliska ayaa rumeysan in ninkan dilka lagu eedeeyay uu isagu wacay kadib marka ay yimaadenna uu ku hadlay hadallo is dhaafsan isagoo sidoo kale u hadlay sida qof ay baqdin badani ka muuqato.

kiisaska horay loogu xiray

Dhammaadkii sanadkii 2022-kii ayaa xabsiga lagasoo daayay Doolaal iyadoo loo xiray kiisas kala duwan laguna xukumay xabsi dheer.

Cilmi Waare oo ah wariye ku sugan Mareykanka ayaa BBC u sheegay in horraan wiilkan loo xiray iya oo ay jiraan sababo kale oo ka dambeeyay in xabsiga la dhigo.

Cilmi ayaa yiri: "wiilkan ayaa horraan la xiray isagoo lagu eedeeyay in uu qof ku dhex weeraray goob jimicsi ama GYM halkaasi oo uu dhaawacyo ku gaarsiiyay, sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in uu guri u dhacay isla markaana uu qaatay alaabo yallay guriga, waxaa xilligaasi lagu xukumay siddeed sano iyo bar, dhammaadkii sanadkii hore ayaa lagasoo daayay xabsiga walow si aad ah loo ilaalinayay xaladdisa iyadoo laga cabsi qabay in uu naftiisa waxyeelleeyo".

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, "wiilkan waxaa si gaar ah ula socotay walaashiis, waa uu xanuunsanaa oo dawooyin ayuu qaadanayay, xabsiga kadib ayaa si gaar ah loo ilaalinayay".

Qoyska iyo dhibka ku dhacay

Qoyska wiilkan xanuunsan ee la sheegay in uu dilka geystay ayaa horraan la kulmay Dhacdooyin kala duwan oo murugo leh kadib markii mid kamida wiilasha qoyska ay dileen booliska midna haatan uu sababsaday gacanta walaalkiis halka kan lagu eedeeyay dilkana uu marti u noqday xabsiyada Mareykanka.

Qoyska

Xigashada Sawirka, Google

Wariye Cilmi Waare oo sharraxaya sida ay qoysku wax u gaareen ayaa yiri: "Horay qoyskan wiil ay dhaleen ayaa booliska Minnisota ay dileen, boolisku waxa ay sheegeen in wiilku uu qoray ulasoo baxay, waxaa ay sheegeen in ay isdifaacayeen oo ay isticmaaleen awoodda loo baahanyahay, maadamaa uu naftooda khatar ku ahaa, haatan waxaa wiil kale uu dilay walaalkiis kayar oo isagana dhowaan xabsi lagasoo daayay".

maxkamadeynta Doolaal

kadib kiiska eedeynta ee dilkan oo weli uu socdo baaritaankiisa ayaa haatan waxaa maxkamad lasoo taagay eedeysane Doolaal Bayle.

Cilmi Waare oo markale ka warbixinaya ayaa yiri, " Maxkamad ayaa lasoo taagay Doolaal jimcihii, waxaana lagu eedeeyay dil aan la qorsheynin heerkiisuna yahay midka labaad, haddii dambigan lagu caddeeyana waxaa uu muteysan karaa xabsi 40 sano ah".

Kiisaskan noocani oo kale ayaa inta badan lagasoo tebiyaa Mareykanka, iyadoo dadka dhimirka ka xanuunsanaya ay waxyeelleeyaan naftooda iyo mid kalaba, waxaa inta badan la bixiyaa digniinno la xiriira arrintan iyo in qofka xanuunsanaya si gaar ah loola socdo xaaladda iyo daweyntiisa intaba.