Muuqaalka Hitler oo qoslaya ay xaaskiisa ka duubtay ee dadka ka yaabiyay

Hitler iyo caruurtiisa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Guud ahaan taariikhda waxa ku duugan halyeyyo boqorro iyo kali-taliyeyaal ah kuwaas oo xasuuq bareer ah geystay.

Waxaan jecelnahay inaan ogaano noloshooda. Halyeyadaas waxaa ka m kid ah kiiskii Adolf Hitler.

Intii u dhaxaysay 1941-1945, Dagaalkii Labaad ee Adduunka, Hitler ayaa lagu eedeeyay inuu xasuuqay 600,000 oo Yuhuud ah oo ku jira xerooyinka ciqaabta. Waxaa la sheegaa in xilligaas uu ahaa qof aan noloshiisa faraxsanayn oo aan jaxaanjixin.

Laakin muuqaalo laga soo duubay xaaska Hitler ee Eva Braun oo sawirtay noloshiisii gaarka ahayd ayaa muujinaya sheeko ka duwan. Sawirkaan ayaa muujinaya Hitler oo si farxad leh ula dhoola cadeynaya xaaskiisa, qoyskiisa iyo asxaabtiisa. Taas macnaheedu waa in nolosha gaarka ah ee Hitler ay ahayd mid ka duwan.

Hitler miyuusan lahayn saaxiibo?

Hitler

Muuqaalo ay duubtay xaaska Hitler ee Eva Braun ee noloshooda gaarka ah ayaa la sii daayay 1970-meeyadii. Dadka ayaa la yaabay markii ay arkeen muuqaalkan.

Sababtoo ah muuqaalkan, Hitler wuxuu u eg yahay qof naxariis badan, faraxsan, dhoola cadeynaya.

Waxaa laga dheehan karaa muuqaaladaas qaarkood inuu lahaa saaxiibo dhow.

Taariikhyahan Jarmal ah oo lagu magacaabo Heike Gortemaker ayaa sheegay in Hitler mar walba ay ku hareeraysaayeen saaxiibadiisa ugu dhow.

Heike Gortemaker ayaa baadhay shakhsiyada Hitler iyo xaaskiisa Eva Braun oo uu ka qoray taariikh nololeedkooda.

Waxay tiri, "Dadkii u dhowaa isaga aad bay u jeclaayeen, waxay rumaysnaayeen oo ay taageereen fikradda siyaasadeed ee Hitler, waxay ka caawiyeen inuu gaaro hadafkiisa."

“Laakin dhimashadiisa ka dib 1945-tii, sawirkiisa oo isaga oo kali ah oo ku baahay Jarmalka ayaa wuxuu u muuqday nin murugo ay ka muuqatay oo aan saaxiibo lahayn,” ayuu yiri Gortemaker.

Xaaskiisa oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri, "Iyagoo u muujinaya inuu yahay nin saaxiib la'aan ah, go'doosan ayay Jarmalku iska fogeeyeen Hitler, fikradda Naziga iyo dembiyadii ay galeen Naziyiinta."

Xaaskii Hitler

Maxay ahayd xaaladda maskaxeed ee Hitler?

Muuqaalka ku saabsan nolosha gaarka ah Hitler ee ay soo dhigtay xaaskiisee Eva Brown waa mid naxdin badan.

Heike Gortemaker ayaa tiri, "Hitler naftiisa uguma kalsooneen oo wuxuu ku tiirsanaa dadka kale sidaas darteed wuxuu u baahday saaxiibo si ay u xaqiijiyaan waxa uu samaynayo. Waxay intaas ku dartay, "Wuxuu u baahnaa saaxiibo aqbala isaga hogaamiyenimadiisa."

Waxaa jiray farqi weyn oo u dhexeeya Hitlerkii masraxyada ka jeedinayay khudbadaha xamaasadda leh iyo Hitler-ka kujira noloshiisa gaarka ah.”

Khiyaanadii cajiibka ahayd ee looga adkaaday Hitler

Hitler

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sanadkii 1943, sirdoonka Britain ayaa dejiyay qorshe lagu marin habaabinayay Jarmalka oo ku saabsanaa khiddada duullaan, waxaana falkaas hadda laga sameeyay filin.

Qorshaha beenta ah oo ku soo beegmay xilli dagaalkii labaad ee dunida uu marayay meel adag, ayaa waxaa Jarmalka loogu muujiyay in ciidamada isbahaysiga ee ay Britain kamid ahayd ay duullaan ku ahaayeen Giriigga, halka bartilmaameedkooda saxda ah uu ahaa jasiiradda Sicily.

Qorshaha oo loo bixiyay Hawlgalka Mincemeat ayaa waxa uu ku salaysnaa in meydka nin askari loo ekaysiiyay lagu xiro warqaddo been abuur ah oo lagu faahfaahinayay xogta qorshaha duullaanka, kadibna meydkaas lagu tuuray biyaha badda Spain, si ay u helaan ciidamadii Jarmalka.

Xogtaas been abuurka ah ayaa ugu dambeyn gaartay Jarmalka, waxaana la rumaysan yahay in dalkaas uu amray in taangiyadiisa, madaafiicda goobta, iyo doonyaha dagaalka uu u diray Giriigga, Sardinia iyo Balkans si uu uga difaaco duullaankaas.

Ciidamada isbahaysiga ayaa 10-kii July 1943 waxa ay weerar kadis ku qaadeen Sicily oo ay ku sugnaayeen ciidamada Naziga.

Lama oga inta ay gaarsiisnayd guusha laga gaaray Operation Mincemeat, hase yeeshee Sicily ayaa Nazigii looga xoreeyay muddo kooban, waxaana yaraa khasaaraha milateri ee isbahaysigii ka soo gaaray duullaankaas.