Waa dalalkee kuwa Yurub ee Soomaalidu ku nool yihiin ee digniinta laga soo saaray

Xigashada Sawirka, AFP
Iyadoo inta badan dalalka Yurub ay ka jiraan dabaal-dagyada ciidda masiixiga ayaa hadda waxa jira digniimo ay soo saareen hayadaha amaanka ee dalalkaasi qaar.
Dalalkaas qaarkood ayaa ah kuwa ay Soomaalidu ku nool yihiin.
Mas'uuliyiinta Jarmalka, Austria iyo Spain ayaa sheegay in Islaamiyiinta xagjirka ah ay qorsheynayaan weerarro ku dhow xilliga ciidda Christmas-ka iyo sannadka cusub.
Dalka Faransiiska, shan nin oo da’doodu u dhaxayso 20 ilaa 23 jir, ayaa laga soo qabtay Meurthe-et-Moselle, sida ay warisay majalada Le Parisien.
Sirdoonka Faransiiska ayaa sheegay inay dabagal ku hayeen ragga oo xiriir la leh ururro argagixiso oo dambiilayaal ah, waxaana la helay iyaga oo indha indheynaya suuqa Kirismaska ee Strasbourg.
Muuqaal laga duubay suuqa ayaa hay’adaha amaanku sheegeen inuu ku jiro tuhmane leh "halkaasna, waanu tooganaynaa" .
Raggan ayaa la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin dhaq-dhaqaaqa Salafiga, oo ah firqadda Islaamka Sunniga ah oo xiriir la leh kooxaha kala duwan ee argagixisada Islaamiga ah.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Gérald Darmanin ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo "feejignaan aad u weyn" inta lagu jiro xilliga kirismaska.
Faransiiska ayey ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan qaarada Yurub.

Xigashada Sawirka, DPA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Daraasiin booliis ah ayaa la dhigay meel u dhow kaniisada St. Stephen ee Vienna. Ma jirin wax khatar ah oo ka dhashay weerar degdeg ah oo ka dhaca aagga, wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay Axaddii.
Sabtidii, afar qof ayaa lagu xiray Austria. Warbaahinta ayaa sheegaysa in tuhmanayaasha laga yaabo inay xiriir la leeyihiin dowladda Islaamiga ah-Khorasan (IS-K), oo ah koox xiriir la leh kooxda Daacish.
Waxaa sare u kacday cabsida laga qabo weeraro ka dhaca dalal badan oo Yurub ah inta lagu guda jiro maalmaha ciida.
Degmooyinka Ottakring oo ku taal caasima Vienna iyo Saarland, oo Jarmalka ah waxaa ka socda dadaalo lagu doonayo in lagu baajiyo weerarrada suurtagalka ah ee Christmas-ka iyo habeenka sanadka cusub, sida wargeyska Bild ee ka soo baxa Jarmalka uu sheegay.
Booliska Vienna ayaa sare u qaaday heerka feejignaanta argagixisada, gaar ahaan dabayaaqadii todobaadkan, iyadoo ay ugu wacan tahay baaqyada ku aaddan weerarrada ka dhanka ah dhacdooyinka Masiixiyiinta ee argagixisada Islaamka ee Yurub oo dhan.
Kaniisadaha St. Stephen's Cathedral ee Vienna iyo Cologne Cathedral ee Jarmalka ayaa loo aqoonsaday bartilmaameedyo halis ah, taas oo keentay in la kordhiyo tallaabooyinka amniga, oo ay ku jiraan waxyaabaha lagu baaro walxaha qarxa.
Taliyaha booliiska magaalada Cologne ee ku taal galbeedka Jarmalka , Michael Esser ayaa sheegay in talaabooyinka lagu xaqiijinayo amaanka la fuliyey si loo xaqiijiyo amniga booqdayaasha kaniisadda habeenka Kirismaska. Tallaabooyinkan waxaa ka mid ah in lagu baadho kaniisadda eeyaha wax uriya iyo baaritaanka dadka soo booqda ka hor inta aan la gelin.

Xigashada Sawirka, AP
Horaantii bishaan, 7 qof ayaa lagu xiray Germany, Denmark iyo Netherlands, kuwaas oo looga shakisan yahay inay qorsheynayeen weerarro.
5tii Diseembar Ylva Johansson oo ka tirsan guddiga arrimaha gudaha ee Yurub ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu wajahayo "khatar weyn oo weeraro argagixiso" xilliga fasaxa.
Sidoo kale dalalka Jarmalka,Holland iyo Demnark ayaa dhawaan sheegay inay xireen tuhmanayaal loo haysto inay xiriir la leeyihiin kooxda Xamaas ee ka dagaalamaysa Qasa, kuwaas oo sida ay laamaha amaanka dalalkan sheegeen doonayey inay weeraro ka fuliyaan xarumaha dadka Israa’iiliyiinta ah ee ku nool qaarada Yurub.
Sidoo kale waxa sare loo qaaday digniinta weerarada xiliga ciida masiixiga dalal badan ka mid ah Yurub.













