Sida uu hoos ugu dhacay qiimaha shidaalka ee waddaanka ku caano maalay saliida ee hadda doonaya inuu ka guuro

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Shirkada way nee shidaalka Sacuudiga Aramco ayaa ka warbixisay hoos u dhac weyn oo ku yimid faa'iidada, ka dib markii shirkadda weyn ee tamarta ay hoos u dhigtay wax soo saarka iyo qiimaha saliidda oo aad hoos ugu dhacay 2023.

Faa'iidadeeda ayaa hoos u dhacday 25% oo u dhigmayso ilaa $121 bilyan oo doolarka Maraykanka ah ka dib markii shirkadaas ay rikoor jabisay sanadkii 2022 kii.

Laakiin xitaa tiradaasi weli waa faa'iidada labaad ee ugu sareysa abid ee shirkaddaan ay dawladdu taageerto ay sameyso.

Shirkaddu waxay sheegtay inay sare u qaadayso lacagaha ay siiso saamilayda iyada wax ku leh, balse waxa kale oo ay quudareyneysaa fursado ay ku maalgashadaan dalka Shiinaha.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Saami qaybsigaayaa la sheegay in uu sare u kici doono ilaa qiimo dhan $98bn oo doolar, kor u kaca oo la sheegay in uu ka badnaandoono sanadkii 2022 kii, xilligaas oo la helay faa’iido lacageed oo kor u dhaafeysa $161oo bilyan oo doolar oo faa'iido ah, oo noqtay rikoor. Sabbata faa’idadaas u timid ayaa lagu sheegay saameynta dagaalka Ruushka ee Ukraine uu ku yeeshay qiimaha tamarta. Qiimaha saliidda ayaa gaaray $130 foostadii sanadkii 2022 kii.

Dawladda Sucuudigu waxay leedahay ku dhawaad 95% dhaqaalaha shirkadda, sidaa darteed faa'iidada ayaa dhanka kale waxay keentay miisaaniyad dheeri ah oo boqortooyada Sacuudigu ay heshay sanadkii 2022 kii.

Sannadkii 2023 kii qiimaha saliidda ayaa dib u dhacay, waxaa uuna gaaray $85 doolar foostadii. Waxaa intaa dheer, Shirkadda Saudi Aramco ayaa hoos u dhigtay wax soo saarka si ay u caawiso dadaal loogu jiray hoos u dhigista qiimaha saliidda oo aad u qaaliyowday, balse taasi waxay nuqsaamisay faa’iidadii xad dhaafka aheed ee ay iyadu helaysay.

"Sanadka 2023-ka waxaan gaarnay dakhliga saafiga ah ee ugu sarreeya abide e faa’iido ahaan loo helo. Adkeysigeena iyo kartideena ayaa gacan ka geysatay socodka lacagaha cad, inkastoo ay hoos u dhaceen dhaqaaleheenii xooganaa," madaxa fulinta ee Aramco Amin Nasser ayaa sidaas ku yiri hadal uu soo saaray.

Sacuudi carabiya ayaa dooneysa in ay wax ka nadasho qaabka uu dakhligu ku soo galo dalkeeda, waxyna doonayaan meel aan shidaal ahayn in lacagi ka soo gasho.

Nasser ayaa sheegay in shirkaddu ay dhawaan ku dhawaaqi doonto maalgashiyo ay sameyn doonto, kuwaas oo intooda badan ah kuwa dib loo cusboonayn karo.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sidoo kale waxa uu doonayaa in nuuca maalgalinadaasi ay qayb ahaan ka mid noqdaan wali shidaalka, oo ay doonayaan in ay geeyaan shiinaha, halkaas oo ay sheegeen in ay dalabaad badan ka helayaan waqti xaadirkaan.

“Ila aiyo haatan waxaan ku jirnaa horraanta sanadka 2024 ta, dalab caafimaad qaba oo aad u badan ayaa naga soo gaaray dhinac Shiinaha” ayuu u sheegay Nasser weiyeyaasha.

Shirkada Aramco ayaa horay ugu leheed maalgalinno hore gudaha Shiinaha.

Waxa uu sheegay in uu rajeynayo in sanadka 2024 ta uu si fiican uga jawaabi doono dalabaadka iska soo dabadhacaya ee aadka ugu sareeya kuwii sanadkii hore.

Dhanka kale waxa uu carabaabay in shirkaddu ay wadahadlo la yeelan doonto shirkadaha gawaarida sameeya ee Faransiiska iyo kuwa Shiinaha intaba.