Dal meel mariyey sharci da'da dadkiisa hal ama laba sano dib u celinaya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadka Kuuriyada Koonfureed waxay dib u noqdeen hal ama laba sano oo da’dooda laga jarayo sida sharciga cusub uu dhigayo, kaas oo labada hab ee tirsiga da’da qaranka waafajinaya tirsiga da’da ee heerarka caalamiga ah.
Sharciga ayaa meesha ka saaraya hal hab tirsi oo ilmaha Koonfur Kuuriya da’da u xisaabinaya marka uu caloosha galo taas oo ka dhigan marka ilmuhu dhasho in hal sano jir loo xisaabiyo.
Hab tirsiga kale ee sharcigu meesha ka saaray ayaa ah in ilmuhu hal sano jir noqonayo marka ay kow tahay bisha kowaad (janaayo) ee sannadka, iyada oo aan loo eegeynin in uu 12 bilood jirsaday iyo in uuba dhashay bishii u dambeysay ee sannadka tagay, taas oo qofka ka dhigaysa 1 bil jir.
U beddelashada tirinta da'da ee ku salaysan taariikhda dhalashada ayaa dhaqangashay Arbacadii.
Madaxweyne Yoon Suk Yeol ayaa si xooggan u riixayey isbeddelkan markii uu u tartamayey xafiiska sannadkii hore. Hababka dhaqameed ee tirinta da'da ayaa abuuray "kharash bulsho iyo dhaqaale aan loo baahnayn", ayuu yiri.
Tusaale ahaan, khilaaf ayaa ka dhashay lacag bixinta caymiska iyo go'aaminta xaq u yeelashada barnaamijyada kaalmada dawladda.
Markii hore, habka tirsiga da’da ee loogu isticmaalka badan yahay Kuuriya wuxuu ahaa nidaamka "da'da Kuuriya" oo qarniyo jiray, kaas oo qofku uu hal sano jir noqdo isla marka uu dhasho iyo gaaritaanka kowda bisha jannayo ee ugu horreysa oo sannad kale u noqonaysa. Tani waxay ka dhigan tahay in ilmaha dhasha 31 Disember uu noqon doono laba sano jir maalinta xigtaba.
Nidaam gooni ah oo "tirsiga da’da" ah, oo sidoo kale dhaqan ahaan looga isticmaali jiray dalka, ayaa qofka kasoo qaadaya eber jir marka uu dhasho wuxuuna hal sano ku darayaa marka ugu horreysa ee uu gaaro kowda bisha Jannaayo.
Tani waxay ka dhigan tahay tusaale ahaan, xilliga qormadan la qorayo oo ah 28 bisha June 2023, qofka dhashay 29-kii Juun ee sannadkii 2003 wuxuu noqonayaa 19 sano jir marka loo eego nidaamka caalamiga ah, 20 sano jir marka loo eego kan "da'da tirinta" iyo 21 sano jir marka loo eego nidaamka "da'da Kuuriya".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xildhibaanada ayaa u codeeyay in meesha laga saaro tirsiga dhaqameed bishii December ee la soo dhaafay.
Tallaabadan ka sokow, sharciyo badan oo jira oo xisaabiya da'da qofka ee ku salaysan nidaamka sannadlaha "tirsiga da’da" ayaa sii jiraya. Tusaale ahaan, Kuuriyada Koonfureed waxay iibsan karaan sigaarka iyo khamriga marka ay u buuxsanto 19 sano oo la xisaabiyey 12 bilood sanndkiiba.
Saddex ka mid ah afartii qof ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale taageeray jaangoyntan, marka la eego ra'yi ururin ay samaysay shirkadda maxalliga ah ee Hankook Research bishii Janaayo ee 2022.
Dadka qaar, sida Jeongsuk Woo, waxay rajeynayaan in isbeddelku uu gacan ka geysan doono burburinta dhaqanka kala sareynta ee Kuuriya.
"Waxaa jira dhaqan kala sarreysiin ah oo da’da ku salaysan. Tani waxay caddaynaysaa xitaa nidaamka luqadda adag ee ku salaysan da'da ... Waxaan rajeynayaa in la baabi'iyo nidaamka 'da'da Kuuriya' iyo la qabsiga heerka caalamiga ah inay ka takhalusaan dhaqamadii hore ee la soo dhaafay,” ayuu yiri 28-jirkan oo xagta sameeya.
Mid kale oo deggan Hyun Jeong Byun ayaa yiri: "Waan ka helay, sababtoo ah hadda waxaan ahay mid laba sano ka yar sidii hore. Dhalashadaydu waa December, sidaas darteed waxaan mar walba dareemayay in nidaamka da'da Kuuriya uu iga dhigayo mid bulsho ahaan ka weyn waxa aan ahay.
"Hadda oo Kuuriya ay raacayso heerka caalamiga ah, mar dambe uma baahan doono inaan sharraxo 'da'dayda Kuuriya' markaan dibadda aado."
Dhakhtarka 31-jirka ah ayaa sheegay in waaxda caafimaadka ee Kuuriyada Koonfureed ay mar hore qaadatay nidaamka da'da caalamiga ah.
Habab dhaqameed da’ tirsi, ayey sidoo kale isticmaalaan wadamada kale ee Bariga Aasiya, laakiin intooda badan way iska tuureen.
Japan waxay qaadatay halbeegga caalamiga ah sannadkii 1950-kii halka Kuuriyada Waqooyi ay raacday 1980-meeyadii.














