25 dal oo Viso gaar ah siinaya dad ku shaqeeya xirfad aad loo jecel yahay

Digital

Xigashada Sawirka, Getty Images

In ka badan 25 waddan ayaa billaabay barnaamijyo fiisooyin gaar ah lagu siinayo dadka ku shaqeeya dhijitaalka.

Waddamadan waxay dadka xirfaddaas leh u oggolaanayaan fursad ay muddo dheer si sharci ah uga dhex shaqeysan karaan dalalkooda, iyagoo xor u ah inay meel kasta degi karaan.

Haddii aad ka fikirto Dubai, waxaa hubaal ah inay maskaxdaada ku soo dhacayaan dhismeyaasha dhaadheer ee dhal-dhalaalaya, jasiiradaha macmalka ah iyo xarumaha aan tirsiga lahayn ee laga dukaamaysto.

Laakiin waxaa suurtagal ah in sidoo kale dhowaan loo aqoonsado meel istaraatiji ah oo u dhaxaysa Yurub iyo Aasiya, marka ay timaado martigelinta kumannaan dadka fogaanta-internetka ku shaqeeya ah oo ka kala yimid adduunka oo dhan.

Isku day lagu doonayo in lagu soo jiito hibo cusub oo gobolka ah dartiis, bishii Maarso ee 2021-kii Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa ku dhawaaqay oggolaanshaha degenaanshaha hal sano ah ee reer guuraaga dhijitaalka ah.

Canshuur-la'aan

Dalku-ku-galku wuxuu u oggolaanayaa xirfadleyaasha ajnabiga ah sida Julien Tremblay, oo ah 31 jir injineer software ah oo ka yimid Montreal, inuu ku noolaado Dubai isagoo sii wadanaya shaqada uu u hayo shirkad ka dhisan dibadda.

Julien Tremblay

Xigashada Sawirka, JULIEN TREMBLAY

Waxaa kale oo ay siinaysaa dadka cusub ee soo galaya deggenaasho iyo inay helaan inta badan adeegyada dadweynaha.

Tusaale ahaan Tremblay, wuxuu si sharci ah u kireyn karaa guri, wuxuuna xitaa furan karaa akoon banki, iyadoo laga dhaafayo cashuurta dakhliga.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Markii aan billaabay in aan noqdo reer guuraaga dhijitaalka ah (shan sano iyo bar ka hor) waxaa jiray xulasho fiisooyin aad u yar," ayuu yiri Tremblay, “kaddib markii aan hubiyay in fursadaha sida midka Imaaraadka Carabta ay beddelayaan sharciyada.

"Waxay kaa saarayaan hubanti-la'aanta sharciga ah, waxayna kuu oggolaanayaan inaad si buuxda ugu hoggaansanto shuruucda canshuurta meesha aad ku nooshahay. Haddii aad rabto inaad noqoto qof aan deggeneyn waddankaaga hooyo, sidoo kale aad bay u sahlan tahay inaad caddeyso inaad ka tagtay oo aad tahay ajnabi."

Waagii hore, reer guuraaga dhijitaalka ah waxaa haystay caqabado dhanka sharciga ah.

Looma oggolayn farsamo ahaan inay ka shaqeeyaan waddan shisheeye, sidoo kalena ma ahayn shaqaale maxalli ah.

Fiisaha cusub ee reer guuraaga dhijitaalka ah ayaa abuuraya aasaas adag, isagoo samaynaya qaab-dhismeed sharci oo keenaya xasillooni maskaxeed oo dheeraad ah oo ay helayaan dadka fogaanta ku shaqeeya iyo shirkadaha ay u shaqeeyaan labadaba.

Looma baahna in loo arko istaraatiijiyad looga hortagayo canshuuraha: inta badan dadka guurguurka ay shaqadooda ku xiran tahay waxay bixiyaan canshuurta dalalkooda si ay u ilaashadaan dhalashada ama ay u helaan faa'iidooyinka caafimaadka iyo lacagta howlgabka.

Shuruudaha Visa-da

In ka badan 25 dal iyo maamullo ayaa durba billaabay fiisaha reer guuraaga dhijitaalka ah, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ka soo baxday Machadka Siyaasadda Socdaalka, oo ah hay'ad madax-bannaan oo fadhigeedu uu yahay Mareykanka.

Dubai

Xigashada Sawirka, Getty Images

Isbeddelkan, oo uu sababay cudurka safmarka ah, ayaa ka billowday waddamo yar oo Yurub iyo Kariibiyaanka ah oo ku tiirsan dalxiiska.

Laakiin hadda dalalka waaweyn sida Imaaraadka Carabta, Brazil ama Italy ayaa billaabaya hindise iyaga u gaar ah.

Shuruudaha fiisaha way ku kala duwan yihiin dalalku, laakiin waxaa lagaaga baahan yahay caddaymo la xiriira in aad tahay shaqaale fogaanta internetka ku shaqeynaya, caymiska safarka iyo dakhliga ugu yar ee bishii, si loo hubiyo in dadka haysta ay iskood isu masruufi karaan iyagoo aan qaban shaqooyinka maxalliga ah.

Shuruudaha dakhliga ee ugu yar waxay u dhaxayn karaan $5,000 bishii marka la joogo Imaaraadka ilaa $2,770 gudaha Malta ama $1,500 gudaha Brazil.

Waxaa kale oo jirta lacag lagu dalbado dal-ku-galka oo ah (inta u dhaxaysa $200 iyo $2,000), iyo inta ay gaarayso muddada joogista, taas oo u dhaxeyn karta lix bil ilaa labo sano, iyadoo ku xiran nooca fiisaha.

Shaqada Digital-ka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tirada reer guuraaga dhijitaalka ah ee adduunka waxaa xilligan lagu qiyaasaa 40 milyan oo qof.

Dalalka kale ee ka shaqeynaya barnaamijyada lagu soo jiidanayo waxaa ku jira Talyaaniga iyo Chile.

Dhibaatooyinka barnaamijka

Fiisooyinka reer guuraaga ah ee dhijitaalka ah waxay bixiyaan fursado badan oo rajo leh, laakiin waxay sidoo kale abuuri karaan dhibaatooyin cusub.

Tusaale ahaan, waxay kordhin karaan qiimaha nolosha ee maxalliga ah iyo tartanka kheyraadka, waxayna abuuri karaan "mudnaan kala yeelasho," sida ay qabaan Kate Hooper iyo Meghan Benton, oo cilmi-baareyaal u ah Machadka Siyaasadda Socdaalka.

Cilmi-baadhayaashu waxay tusaale u soo qaateen Bali (Indonesia) iyo Goa (Hindiya) oo ah meelaha dhibaatooyinka kala kulmay barnaamijka hadda socda ee reer-guuraaga dhijitaalka ah sanadihii u dambeeyay.