Sidee ayaa saxarada dadka looga sameyn karaa shidaalka diyaaradaha?

Way adag tahay in la rumaysto laakiin waa xaqiiq jirta, shirkad cusub oo dhinaca duulista ah ayaa soo saartay nooc ka mid ah shidaalka diyaaradaha kaas oo laga farsameeyay khashinka dadka ama saxarada.
Khuburro dhanka Kkiimikada ah oo ka howlgala shaybaar ku yaalla magalada Gloucestershire ee dalka Ingiriiska ayaa khqashinka u beddelay (kerosene).
James Hygate, Maamulaha Guud ee shirkadda Firefly Green Fuels, ayaa yiri: "Waxaan rabnay inaan helno shidaal qiimo jaban oo runtii aad u fara badan”.
Tijaabooyin madax-bannaan oo ay sameeyeen maareeyayaasha duulista hawada waxaa lagu ogaaday in shidaalka uu la mid yahay midka caadiga ah ee diyaaradaha.
Kooxda shirkadda Firefly Green Fuels, oo kaashanaysa Jaamacadda Cranfield ayaa si ay u baarto saameynta kaarboonka ee wareegga nolosha ee shidaalka ayaa shaacisay 90% uu yahay mid uu hooseeyo kaarboon uu leyahay marka loo eego shidaalka caadiga ah ee dunid laga isticmaalo.
Mr Hygate, oo 20 sano ka shaqeeynayay sidii loo sameeyna lahaa shidaal kaarboon-yar ayaa sheegay in inkasta oo shidaalka cusub uu kiimiko ahaan la mid yahay kerosene-ka fossil-ka, haddana uusan lahayn karboon sameyn leh.
"Dabcan tamarta ayaa loo isticmaalayaa wax soo saarka, laakiin marka la eego shidaalka, waa mid ka karboon yar 90%" ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, BBC
Adduunka oo dhan, duullimaadyadu waxay ka qayb qaataan ku dhawaad 2% qiiqa kaarboonka adduunka, kaas oo gacan ka geysta isbeddelka cimilada.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
In kasta oo uu yahay mid yar marka la fiiriyo haddana waxaa uu leeyahay saameyn ballaaran kaarboonka hawada sida lagu sheegay daraasadda la sameeyay.
Waxaa socda qorshe lagu soo saarayo diyaarado koronto ku shaqeeya iyadoo shirkad ku taal Cotswolds ay ballan qaadday diyaarado kartonto loo adeegsanayo marka la gaaro 2026.
Helidda shidaal cusub oo diyaradaha waxaa loo arkaa in ay tahay fursad dahab ah oo adduunka oo dhan laga soo dhaweeyo xilli ay caalamka oo dhan walaac xooggan laga muujinayo isbeddalka cimilda.
Dr Sergio Lima oo ka mid ah khabiirrada qeybta ka aha daahfurka shidaalka cusub ayaa sheegay in hannaanka 20 sano ka hor uu kasoo bilabay beer yar oo ku taal magaalada Gloucestershire.
Waxa uu leeyahay Shirkadda Green Fuels, oo hadda iibisa qalabka ay saliidda caadiga ah ee loogu baddalayo shidaalka la cusuboonaysiiyo ee biodiesel, waxayna macaamiil ku leedahay adduunka oo dhan.
Dr Sergio Lima oo khuburro kale oo ka tirsan Imperial College, London, ayaa si wada jir ah, waxay sameeyeen hannaan u beddela qashinka oo ay ka mid yihiin saxada in shidaal laga sameeyo.
Dr Lima, oo sidoo kale ah agaasimaha cilmi-baarista ee Firefly Green Fuels, ayaa yir “ shidaalka waa mid dunid aad looga baahan oo aan lahayn wax karboon ah “.
Machadka DLR ee Tignoolajiyada Xarunta Hawada Sare ee Jarmalka, oo la shaqaynaya Jaamacadda Washington ayaa sheegay in shidaalka ay darsi doonaan in uu yahay mid la isticmaali karo iyo inkale.
Sidoo kale waxaa tijaabooyin kale oo dheeraada ah shidaalka ku sameeyn doona mustaqbalka UK SAF oo ah (Sustainable Aviation Fuels)iyo Jaamacadda Sheffield
Waaxda Gaadiidka ee Ingiriiks ayaa kooxda siisay deeq cilmi baaris oo dhan £2 milyan oo yururo.

In kasta oo hannaanka khashinka iyo saxarada shidaalka looga dhigayo ay qaadanayso waqti badan iyo dhaqaale hadda waxaa loo arkaa in ay noqno doonto xal waar oo muhiim ah.
Dr Hygate oo ka mid cilmi baarayaasha arrinta ku howlan ayaa sheegay in qof kasta oo sanadkii uu saxarooda qashin laga soo saaro 4-5 litir oo shidaal oo shidaal ah.
Sida xogta cilmi barista lagu sheegay diyaarad rakaab ah oo ka duuleeysa London kuna socota New York waxay u baahan doontaa khashinka ama saxarada sanadkii 10,000 oo qof.
Wadarta biyaha bullaacadda khashinka iyo saxarada ee Boqortooyada UK waxay dabooli doontaa 5% wadarta shidaalka uu u baahan yahay Ingiriiska.
Tallaabadaan waxaa soo dhaweeyay dadka u ololeeya deegaanka oo ayagu ku adkeysanaya in dadku u baahan yihiin kaliya inay yareeyaan duulista, oo ay u isticmaalaan dalagyada wax soo saarka cuntada ama tamarta, si shidaal looga sameeyo.













