Maxay tahay caqabadda ugu weyn ee hor taalla doorashada Puntland ee khalkhalka galin karta doorashada

Doorashada Puntland

Waxaa lagu wadaa in guddiga xallinta khilaafaadka Puntland ay soo saaraan liiska xubnaha ku soo baxay golaha wakiilada Puntland.

khilaafka doorashada Puntland oo soo jitamayay muddo dheer ayaa wali u muuqda mid aysan xalkiisa fari ka qodnayn.

Doodda oo markii hore ahayd qaabka loo qabanayo doorashada ayaa hadda isu badashay tirada xildhibaanada soo dooranaya madaxwaynaha.

Isimmada Khaatumo ayaa 23 bishan soo saaray go'aan ay ka gaareen xulista xildhibaanadii ay ku lahayeen Puntland kuwaas oo dhan 17 xildhibaan.

Waxay Isimada Khaatumo go'aankooda ku sheegeen in aysan xildhibaanno u soo xuli doonin doorashada bisha soo socda ka dhici doonta Puntland.

Go'aanka Isimmada ayaa yimid xilli xulista xildhibaanadu ka socoto Puntland, qaar badan oo ka mid ahna ay odayaasha dhaqanku soo saaraan.

Go'aanka ka dib ayaa isimo badankood ka soo jeeda Bari iyo Sanaag oo 30 ah waxay sheegeen in doorashada lagu galo 49 xubnood.

Isimadan oo uu horkacayay Boqor Burhaan ayaa waxay soo jeediyeen in doorashada 8 janaayo lagu galo 49 xildhibaan ka dib-na laga wada tashado qaabkii tirada dhiman loo buuxin lahaa.

Go'aanada ay soo saareen isimada Puntland iyo kuwa SSC waxay sii huriyeen khilaafka doorashada Puntland.

Xubnaha mucaaradka Puntland ayaa qaarkood si taxadar ku jiro u soo dhaweeyay go'aanada isimada labada dhinac.

Isimada dhaqanka ee SSC-Khaatumo

Xigashada Sawirka, BARAHA BULSHADA

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Balse waxaa go'aanka Isimada si wayn uga soo horjeestay madaxwaynaha Puntland saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku adkeysanaya in doorashada madaxwaynanimada ee bisha soo socota lagu galo 66 xildhibaan inta laga helayo xeerar cusub.

"Waxaan ogeysiineynaa cid walba Puntland wali sidii ay ku asaasneyd ayay ku asaasan tahay inta laga helayo xeerar iyo qawaaniin wax ka badala".

Madaxwayne Deni ayaa carabka ku adkeeyay in doorashada madaxwaynanimada Puntland loo qabto sidii horey ay u ahaan jirtay oo ahaa 66 xildhiban.

"Waxaan rajeynaynaa sida dastuurka Puntland uu qabo 8 Janaayo in doorashada dhacdo, taasoo 66 ku suleysan anaga oo ixtiraameyna go'aanada iyo aayo ka tashiga Khaatumo" ayuu yiri Mr Deni.

Balse go'aanka madaxweyne Deni waxaan la qabin oo kana soo horjeestay madaxwayne ku xigeenka Axmed Karaash.

Karaash bayaan uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in uu taageersan yahay in doorashada lagu galo 49 xildhibaan isla markaana aan lagu darin xubnaha SSC.

"Waxaan si buuxda usoo dhaweynayaa in doorashadan lagu galo 49 iyadoo la xaq-dhawrayo go’aankii masiiriga ah ee bulshada deeganadaas" ayuu yiri.

Madaxwayne ku xigeenka, Axmed Cusmaan Karaash ayaa dhanka kale sheegay in uusan marnaba aqbali doonin in 17 xubnood ay doorashada ka qeyb galaan.

"Marnaba ma aqbali doono 17 xubnood oo aan haysan matalaada bulshada deegaanadaas sifo kasta ha ku yimaadeene," ayuu yiri.

"Waxaan ka digayaa talaabo kasta oo keeni karta xasilooni daro siyaasadeed iyo mid amni" ayuu intaa ku daray.

SICIID CABDULLAAHI DENI

Xigashada Sawirka, X

Muxuu yahay miisaanka iyo Micnaha ay Puntland ugu fadhido Khaatumo

Khilaafkan ayaa soo if baxaya iyada oo waqtiga qabashada doorashada madaxwaynanimada ay ka harsan tahay hal toddobaad.

Dadka u kuurgala arrimaha Puntland ayaa ka digaya in khilaafka uu saameyn ballaaran ku yeelan karo jadwalka doorashada 8 janaayo.

Cabdinaasir Maxamed Yusuf (Buraale) oo ka tirsan xarunta cilmibaarista ee PDRC ayaa sheegaya in khilaafka uu yahay mid xasaasi ah isla markaana xal u helidiisa uu waqti badan u baahan yahay.

"Arrinta waxa xasaasiga ka dhigaya ama culeyska weyn ay u leedahay waa waqtiga ay ku soo beegmayso, waxay ku soo aaday xilli ay wax yar ka harsan yahay waqtigii ay ahayd in doorashada ay Puntland ka dhacdo" ayuu yiri.

Mr Cabdinaasir ayaa sidoo kale sheegay in iyada oo geedi socod iyo sharciyad aan la marin ay Khaatumo ka go'do ay Puntland ay dhul ahaan, siyaasad iyo dad ahaanba ay saameyn ku yeelan karto.

"Waa arrin wayn oo dhinicii loo qaadaba culeyskeeda leh, Puntland oo ay ka maqan tahay Khaatumo oo qaabki sharciga ahaa oo nidaam iyo geedi socod la isla ogol yahay laga wada qeyb galay si fiican loo dhirindhiriyay, su'aal walbana laga jawaabay intaas iyada oo aan marin puntland inay ka go'do waxay ku tahay arrin wayn oo dhul ahaan, dad ahaan iyo siyaasad ahaanba saameyn leh," ayuu yiri Buraale.

Waxaa uu intaa ku daray in ka go'idda SSC ee Puntland ay tahay mid micno wayn ugu fadhida Puntland, isla markaana awood siyaasadeed iyo mid dad-ba ay ku waynayso.

"Mar walba Khaatumo dhul iyo dad aad u ballaaran dadkii asaasay-na ka mid ah, miisaanka iyo codka iyo awoodda wax goyneed ee Puntland ay leedahay-na wax wayn ugu fadhiya ayay ahaayeen," ayuu intaa raaciyay.

Waxaa fikir kaa ka duwan qaba Faysal Axmed Warsame gudoomiyihii hore ee dalladda bulshada rayidka ee Puntland oo isagu sheegaya in wax walba ay ku xiran yihiin liiska xildhibaanada ee soo bixi doona.

Feysal ayaa farta ku fiiqay in haddii liiska guddiga ee 66ka xildhibaan ee la soo saari doono uu noqdo mid ay ku wada qancaan mucaaradka iyo madaxwayne Deni ay doorashada dhici karto maadaama uu waqtiga kooban yahay.

"Arrinta ugu muhiimsan waxaa weeye hadda maadaama xilli doorasho lagu jiro islamarkana 8 bisha soo socota la galayo doorasho madaxwayne, liiskana uu soo baxayo 31 bishan oo barito ah wax kale oo laga gaaro ma laha, waxaa ugu muhiimsanna waa in ay ka heshiiyaan siyaasiyinta taasaa ugu muhiimsan" ayuu yiri Feysal.

"66 haddii ay soo baxaan oo la isla aqbalo oo musharaxiintu aqbalaan sababtoo ah hadda waxa dooda isku haya waa musharaxiin mucaaradka ah iyo madaxwaynaha jooga," ayuu intaa ku daray

Mudanayaaasha baarlamaanka ayaa ah 66 xildhibaan oo ka kooban dhamaan gobollada Puntland hase yeeshee waxay u muuqataa in hadda ay noqonayaan 49 mudane oo kaliya.

Ka sokow in Sool iyo Buuhoodle ay leeyihiin tirada ugu badan ee hal beel ku leedahay baarlamaanka Puntland, waxay haddana sidoo kale leeyihiin gudoomiye xigeenka labaad ee Barlamaanka oo inta badan noqonayey mudane ka soo jeeda degmada Buuhoodle.

Sida muuqata waxaa is badal ku imaanayaa tirada xildhibaannada baarlamaanka Puntland ka dib go,aankii Isimmada dhaqanka ee Khaatumo.

Mudanayaaasha baarlamaanka ayaa ah 66 xildhibaan oo ka kooban dhamaan gobollada Puntland, hase yeeshee waxay u muuqataa in hadda ay noqonayaan 49 mudane oo kaliya.

In caqabaddan la xalliyo iyo in lagu sii kala qaybsamo ayaa la kala ogaan doonaa dhawaan, ayadoo xilliga doorashada la qaban lahaana uu aad u soo dhawaaday.