Afar arrin oo laga ogaaday cudurka Asaasaqa afartii sano ee la soo dhaafay

Qalin lagu sharxayo sawir maskaxda laga qaaday

Xigashada Sawirka, Getty Images

Daawooyin cusub iyo baaris dhiig ayaa ka mid ah afar shay oo rejo geliyey dadka la nool cudurka Asaasaqa afartii sano ee la soo dhaafay.

Wax badan oo kale ayaa laga yaabaa inay soo baxaan si loo caawiyo qof walba - yar iyo weyn ee la tacaalaya xannuunka asaasaqa.

Waxaa jiray horumarro la taaban karo oo sannadihii u dambeeyay laga sameeyay in wax badan laga ogaado cudurka asaasaqa iyo daweyntiisa.

Waxaa ka mid ah hormarrada la taaban karo ee la gaaray afar arrin oo aan halkan idinku soo gudbin doono xilli bishan September la xusayo asaasaqa.

Muxuu yahay cudurka ?

Cudurka Alzheimers waa sababta ugu badan ee keenta asaasaqa dadka waaweyn, oo saameeya in ka badan 55 milyan oo qof, sida ay sheegtay xarunta caalamiga ah ee cudurka Alzheimer' ee la socoto xannuunkan.

Waxaa loogu magac daray Dr Alois Alzheimer, Sannadkii 1906-dii, waxa uu arkay isbeddel ku yimid unugyada maskaxda ee haweenay u geeriyootay calaamado ay ka mid yihiin xasuus-xummada iyo dhibaatooyinka dhanka hadalka ah.

Dr Sara Imarisio, oo ah madaxa cilmi baarista Alzheimer ee dalka UK, ayaa u sheegtay BBC: "Cilmi-baaristu waxay horumarinaysaa sida aan u baari karno, uga hortagi karno oon u daweyn karno cudurka asaasaqa.

"Sanado badan oo maalgelinta cilmi-baarista hormuudka ah, taageeridda dadka leh fikrado geesinimo leh, ayaa ina gaarsiiyey heerkan, iyadoo dawooyiinka cudurkan ay waddada ku soo jiraan," ayay tiri..

sawir muujinaya madaxa bina'aadamka iyo maskaxda

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

1:Horudhac weyn oo ka timid cilmi-baarista saameynta hidde-raaca (2022)

Daraasad "taariikhi ah" oo sanadkan la sameeyay ayaa xannuunkan la xiriirisay 42 hiddo-sido oo dheeraad ah markii ugu horreysay.

Saynisyahanno ku sugan sideed wadan oo ay ku jiraan Fransiiska, Mareykanka, UK iyo Australia, ayaa eegay hidde-sidaha 111,000 oo qof oo qaba cudurkan.

Waxay aqoonsadeen 75 hidde-sideyaal lala xiriirin kara khatarta sii kordheysa ee cudurka, oo ay ku jiraan 42 aan horay loo ogeyn.

Natiijada daraasaddan, oo lagu daabacay jariirada Nature Genetics, waxay bidhaaminaysaa in xannuunka asaasaqa ay sababaan arrimo badan, oo caddaynaya inuu jiro borotiin gaar ah oo keena bararka.

Professor Julie Williams oo ka mid ah qoraayaasha daraasadda ayaa shaqada la qabtay ku tilmaantay "horrumar weyn oo horudhac ah oo ku aaddan himiladeena ah inaan fahanno asaasaqa, oo ugu dambeyntii soo saarno daweyn dhowr ah oo loo baahan yahay si loo hakiyo ama looga hortago cudurka.

"Natiijadu waxay taageertay aqoontayada sii kordheysa ee ah in cudurkan uu yahay xaalad aad u adag, oo leh waxyaabo badan oo kiciya, dariiqooyinka noolaha iyo noocyada unugyada ee ku lug leh kicintiisa," ayuu intaa ku daray.

Cilmi-baaris kale ayaa muujisay in arrimaha hab-nololeedka, sida sigaarka iyo cuntooyinka qaarkood, ay saameeyaan cidda uu ku dhici karo asaasaqa.

Laakiin cilmi-baarayaashu waxay aaminsan yihiin in hidde-sidaha uu keeno khatarta ugu weyn.

Qof caawinaya bukaan ku nool tuulada Dax,oo Faransiiska ku taalla

Xigashada Sawirka, Getty Images

2: Tuulo la isugu keenay dadka qaba xanuunka

Faransiiska ayaa abuuray tuulo u gaar ah dadka qaba cudurka astaasilooga tusaale qaatay tuulo kale oo laga hirgaliyay dalka Netherlands taasi oo iyadana loogu talagalay dadka qaba xanuunka Asaasaqa.

Injineerkii Nashqadeeyay ayaa u sheegay wargeyska Le Monde in tuuladu aysan yeelan doonin deyrar muuqata, balse si wanaagsan ugu dhex milmayaan nolosha bulshada iyo dhaqanka ee magaalada.

Bukaan qaba xanuunka asaasaqa oo timaha loo hagaajinayo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Madeleine Elissalde, oo 82 jir ah, ayaa ka mid ahayd dadkii ugu horreeyay ee soo degay.

"Waxay la mid tahay inaad guriga joogto," Elissalde ayaa sidaa tiri. "Si wanaagsan ayaa naloo daryeelaa." "Xusuus la'aanteeda ma aha mid daran," ayay tiri Elissalde inanteeda Aurie oo intaa ku dartay in hooyadeed ay "dib u heshay raaxada nolosheeda."

Mid ka mid ah natiijada tuuladan loogu talagalay dadka la nool xanuunka ayaa ah in dadka ku nool agagaarka ay u muuqdaan inay beddeleen aragtidooda ku wajahan dadka la nool xanuunka asaasaqa.

Sahan iyo daraasad lagu sameeyay dadka tuulada martida loo yahay oo uu daabacay Ururka isu tagga Asaasaqa August 2022 ayaa muujinaysa in aysan dadka dhib u arkin dadka la nool xanuunkan,

Baaritaan lagu sameynayo tijaabooyiinka

Xigashada Sawirka, Getty Images

3. Mareykanka ayaa ansixiyay dawaddii ugu horreysay ee Alzheimers muddo 20 sano ah (2021)

Daawadii ugu horreysay ee cudurka Asaasaqa oo la helo muddo 20 sano ah oo baaritaan la sameynayay ayaa waxaa ansixiyay laamaha xakameynta daweeyinka ee Mareykanka bishii June 2021.

Bishii March 2019, tijaabooyinka caalamiga ah ee dawooyinka ee Aducanumab, oo ay ku lug lahaayeen ilaa 3,000 bukaan, ayaa la joojiyay. Waxaa la ogaaday inaysan waxtar badan lahayn.

Laakiin dabayaaqadii sanadkaas, shirkada dawooyiinka so saarta ee Maraykanka ee Biogen ayaa faahfaahisay xog badan waxayna ugu dambeyntii sheegtay in daawadu ay shaqeysay.

tijaabo maskaxda

Xigashada Sawirka, Getty Images

 Si kastaba ha noqotee, December 2021 Hay'adda Daawooyinka Yurub (EMA) waxay tiri diiday ansixinta daawadani.

EMA waxa ay sheegtay in daawada Aducanumab aanu u muuqan mid wax-tar u leh daawaynta dadka waaweyn ee leh calaamadaha marxaladda hore ee cudurka Asaasaqa. Waqtigii la ansixiyay ee Maraykanka, tiro ka mid ah saynisyahanno ayaa sheegay in ay jirto caddayn yar oo tijaabo ah oo muujinaysa in ay daweynayso maskaxda dadka qaba asaasaqa.

Iyadoo daawada cusub ay ku jirto suuqa Maraykanka, waxaa jira shaki dalalka kale ay ka qabaan waxtarkeeda.

Unugyada Maskaxda

Xigashada Sawirka, Getty Images

4: Baarista asaasaqa ka hor inta aan la arkin calaamadihiisa(2019) Saynisyahannada ayaa horay u sheegay sanadka 2019 inay si sax ah u aqoonsan karaan dadka uu soo hayo ama halista ugu jira cudurka asaasaqa ka hor inta aysan astaamuhu soo bixin.

Waxay rumaysnaayeen in tani ay gacan ka geysan karto horumarka laga gaaray tijaabooyinka daawaynta cudurka.

Saynisyahanada Maraykanku waxa ay awoodeen in ay isticmaalaan heerarka dhiiga si ay u saadaaliyaan in uu qofka ku dhici karo xanuunka. Cilmi-baarayaal ka socda Jaamacadda Washington School of Medicine, oo ku taal gobolka Missouri ee Maraykanka, oo wax ku qoraya joornaalka Neurology, waxay cabbireen heerarka borotiinka amyloid beta ee dhiigga 158 qof oo ay da'doodu ka weyn tahay 50.

Markii cilmi-baarayaashu ay ku daraan macluumaadkan iyo laba arrimood oo kale oo halis u ah cudurka - dadka ay da'doodu ka weyn tahay 65 sano iyo dadka leh nooc hidde-side ah ee loo yaqaan APOE4 - saxnaanta baaritaanka dhiigga ayaa soo hagaagtay ilaa 94%.

BBC ayaa ka soo xigatay khubaro UK ah sanadka 2019 in natiijadu ay tahay mid rajo-gelin leh iyo tallaabo loo qaaday dhanka xal u helidda xanuunka asaasaqa.

qof irbad lagu mudayo

Xigashada Sawirka, Getty Images