Shukulaatadu ma waxay sababtaa finanka wejiga?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shukulaatada ayaa muddo dheer loo arkayay inay sababto finan, iyada iyo waxyaabo kale oo macmacaan. Balse waxay u muuqataa in lagu degdegay sumcaddaas xun ee laga bixiyay.
Shukulaatada ayaa waxaa laga heystay aragti ah inay nabro sababto. Ma wax ka run ah ayaa jira? Mise waa wax uun ay waaliddiintu u sheegaan carruurtooda si ay uga fogaadaan waxyaabaha macmacaanka ee yaalla dukaamada?
Sanadihii 1960-meeyadii, dhowr daraasad ayaa u kuur galay xiriirka ka dhaxeeya shukulaatada iyo finanka. Daraasaddii ugu weyneyd – oo keliya wareysatay 65 qof – waxaa lagu ogaaday in wax xiriir ah uusan ka dhaxayn labadan. Balse daraasaddan ayaa lagu cambaareeyay in si hagaagsan aan loo sameyn.
Waxaa sidoo kale jira daraasado badan oo sheegaya in laga yaabo inuu xiriir ka dhaxeeyo cuntada iyo finanka – gaar ahaan tan Reer-Galbeedka, oo ay ku badan tahay dufanta, sokorta iyo manaafacaadka xoolaha.
Finanku waa xaalad maqaarka oo guud iyadoo ay sababto halka ay timuhu kasoo baxaan ee maqaarka oo ay xiraan saliid iyo unugyada maqaarka oo dhintay. Nabro amaba finan waaweyn oo si joogto ah uga soo baxa da'yarta amaba kuwa ku jira xilliga qaan-gaarka ayaa laga yaabaa inay tahay hidde, sida ay sheegtay Beibei Du-Harpur, oo ah dhaqtar xanuunnada maqaarka waxna ka dhigta Kings College London.
Kiisaska finanka dadka qaan-gaarka ah ayaa soo kordhayay sanadihii lasoo dhaafay, gaar ahaanna haweenka, balse ma jirto hal sabab oo arrintan loo saarin karo, sida ay sheegtay Du-Harpur. Balse, waxay intaa raacisay, in xaalado deegaan oo nolosheenna maalinlaha nagu yimaado ay door ka qaadan karaan.
"Guud ahaan, sida aan u nool nahay uma fiicna jirka aadmiga, waxaana laga yaabaa in finanku ay taasi sabab u yihiin," ayay tiri.
Mid ka mid ah daraasadaha, ayay baarayaashu ku doodeen in finanku ay uga sii daraan qaabka casriga ah ee aan u nool nahay – oo ay ku jirto cuntada Reer-Galbeedka oo ay ku badan yihiin sokorta iyo dufanta – balse waxay intaa raaciyeen xiriirka kala dhaxeeyo caafimaadka, difaaca jirka, cunnada, hurka jirka, isku buuqa iyo waxyaabaha deegaanku sababo oo u baahan baaritaan dheer.
Waxyaabaha nabraha keeni kara waxaa ka mid ah isku buuq, la dagaallanka caabuqa, amaba dhiigga caadada, sida ay sheegtay Zainab Laftah, oo ka shaqeysa Isbitaalka Guy's and St Thomas ee London isla markaana ah afhayeenka Ururka Maqaarka Britain.
Shukulaatadu ma nabro ayay sababtaa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Lixdan sano kadib markii ugu horreysay ee lagu sheegay inay sababto finan, dad badan ayaa weli shukulaatada u arka inay sababi karto. Ilaa 10-kii bukaanba sagaal ayay Laftah ku aragtaa isbitaalka kuwaasoo weydiiya cunnooyinka ay iska jari karaa si ay uga roonaadaan finanka – shukulaatada ayaana ka mid ah cunnooyinka ay dadka aad wax uga weydiiyaan.
"Waxaa jira xoogaa faham-waa, iyo wax yar oo ka run ah, sidoo kale," ayay tiri.
Iyadoo sababta ugu weyn ay tahay mid hidde, haddana cunnada ayaa kasii dari karta xaaladda, sida ay sheegtay Laftah. Dadka qaar ayaa waxaa u daran sida manaafacaadka xoolaha, ayay intaa raacisay, balse way yar tahay, waxaana loo nisbeyn karaa inaysan u dulqaadan karin qaadashada sida caanaha.
Baarayaasha qaar ayaa isku dayay inay meesha ka saaraan saameynta ay shukulaatadu ku yeelato shakhsiyaadka qaar si loo arko waxyaabaha lala xiriirin karo finanka, balse daraadaha ayaanan weli go'aan gaarin.
Daraasad la sameeyay sanadkii 2011 ayaa lagu falanqeeyay saameynta ay 100% shukulaatada madow ku leedahay finanka, taasoo micnaheedu yahay in sidoo kale la eego saameynta sokorta ku jirta shukulaatada. Waxaa la ogaaday in shukulaatada ay weli saameyso finanka, balse keliya 10 qof ayaa lagu tijaabiyay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cunnooyinka qaar ayaa uga sii dari kara nabraha, sida ay sheegtay Laftah, waxaana sabab u ah inay ku badan tahay heerka insulin-ta ee jirka, taasoo sare u qaadda hurka jirka .
Daraasad kale ayaa si guud looga sameeyay xiriirka ka dhaxeeya finanka iyo cunnada Reer-Galbeedka.
Daraasado badan oo bulshada lagu sameeyay oo ku aaddan xiriirka ka dhaxeeya nabraha iyo cunnida cunnooyinka ay ku badan yihiin dufanka iyo sokorta. Tii ugu weyneyd nooceeda, waxaa la daabacay sanadkii 2020, waxaana ka qeyb qaatay ilaa 24,000 qof. Baarayaasha ayaa ogaaday in cunnada Reer-Galbeedka ay caadiyan door ka qaadato finanka.













