Maxay tahay kooxda loo maaro la'yahay ee maanta dad badan ku dishay iskuul ku yaalla Uganda?

ADF

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kooxda ayaa geysata weerarro dhowr ah

Ilaa 40 qof, oo badankood arday ah, ayaa ku dhintay galbeedka Uganda kaddib weerar ay halkaas ka geysteen maleeshiyaad lala xiriirinayo kooxda isku magacowday Dowladda Islaamka (IS).

Siddeed qof oo dheeraad ah ayaa xaalad khatar ah ku jira, weerarka oo ka dhacay dugsiga sare ee Lhubiriha oo ku yaalla deegaanka Mpondwe.

Wiilashii ku jiray qolalka la jiifto ayaa ka mid ahaa ardaydii dhimatay. Dhowr kale, oo badankood gabdho ahaa ayaa la afduubtay, sida ay dowladdu sheegtay.

Xoogagga Isbahaydiga Dimuqraaddiga (ADF) - oo xaruntoodu tahay Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo (DRC) - ayaa lagu eedeeyay weerarka.

Digniin: Dadka qaar ayaa laga yaabaa in faahfaahinta warkan ay dhibsadaan.

Weerarka ayaa dhacay abbaaro 23:30 (20:30 GMT) Jimcihii wuxuuna ka dhacay iskuul ku yaalla degmada Kasese ee galbeedka Uganda.

In ka badan 60 qof ayaa iskuulka wax ku baraneysay, badankoodna halkaas ayay ku noolaayeen.

Ilaa shan looga shakisan yahay inay ADF ka tirsanaayeen ayaa weerarka qaadday, iyagoo gubay dhismayaasha iskuulka xadayna cuntadii bakhaarka ku jirtay, sida ay sheegeen ciidamada Uganda.

Wiilasha qaar ayaa gubtay amaba la daldalay, sida uu warbaahinta u sheegay Maj Gen Dick Olum.

Lama yaqaanno da'da dadka ku dhintay weerarkan.

Sidee ayay ku bilaabatay kooxdan?

Uganda

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qolal ay ardaydu jiiftay ayay maleeshiyaadku gubeen

ADF waxaa laga aasaasay bariga Uganda waxayna dagaal la galeen madaxweynaha muddada dheer xilka haya, Yoweri Museveni, iyagoo ku eedeeyay inay dowladdu dhibaato ku heyso Muslimiinta.

Muslimiinta ayaa ilaa 14% ka ah bulshada Uganda, sida laga soo xigtay xogta dowladda, inkastoo Golaha Sare ee Muslimiinta Ugandan uu ku qiyaasayo ku dhowaad 35%.

Qaar ka mid ah xubnaha Muslimiinta Uganda ayaa sheega inay cambaareyn ku wajahaan gudaha bulshada dalkaas, sida goobaha waxbarashada iyo shaqada.

Kaddib markii ciidanka Uganda uu ka adkaaday sanadkii 2001, ADF ayaa dib ugu laabtay oo saldhig ka sameystay gobolka North Kivu ee DRC.

Aasaasaha kooxdan, Jamil Makulu, ayaa lagu xiray Tanzania sanadkii 2015 wuxuuna haatan ku jiraa xabsi ku yaalla Ugandan.

Mucaaradka ADFayaa ka howl galayay gudaha DRC 20kii sano ee la soo dhaafay.

Ku biiriddooda IS

Uganda

Xigashada Sawirka, ISLAMIC STATE PROPAGANDA

Ninka xilka kaga dambeeyay Makulu, waa Musa Seka Baluku, ayaa markii ugu horreysay sheegay inuu taageerayo kooxda isku magacowday Dowladda Islaamka sanadkii 2016, balse April 2019 ayay IS markii ugu horreysay aqoonsatay howlaha ay ka heyso aaggaas.

Dowladda Islaamka waa koox inteeda badan laga adkaaday, waxayna kooxo xiriir la leh ku leeyihiin gudaha Bariga Dhexe iyo Afrika.

Kaddib sanado aysan si shaac ah uga howlgalin Uganda, ADF ayaa lagu eedeeyay weerarro xiriir ah oo ay dabayaaqadii 2021 geysatay waxaana ka mid ahaa weerar is miidaamin ah oo ka dhacay caasimadda Uganda ee Kampala.

Maxay Congo ku hayaan?

Congo

Xigashada Sawirka, BBC MONITORING

Sida laga soo xigtay UNHCR, ADF ayaa ilaa 200 oo rayid ah ku dilay isla markaana barakaciyay 40,000 oo kale gudaha gobolka Beni tan iyo bishii January 2021. Kooxdan ayaa sidoo kale beegsata dowladda iyo ciidamada QM.

Tan iyo kacdoonkii IS ee DR Congo, weerarrada ayaa kordhay.

Waxay ku xooggan yihiin deegaanka Beni ee gobolka North Kivu.

Waxay inta badan beegsadaan milatariga, balse weerarrada ugu dhimashada badan waxay u geystaan dadka Kirishtaanka ah.

Congo waxaa inta badan ku nool bulsho Roman Catholic ah. Muslimiinta ayaa ilaa 10% ka aha bulshada dalkaas.