Hibo Nuura: Gabadha u istaagtay waxbarista haweenka ganacsatada ah ee aan aqoon qorista iyo akhriska

Hargeysa

Xigashada Sawirka, HIBO

    • Author, Fardowsa Sheekh Cabdiraxmaan
    • Role, BBC Somali
  • Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Iyada oo maanta la dunida laga maamuusayo waxqabadka haweenka iyo gabdhaha waxaa sheekadaan ku eegi doonnaa mid kamid ah gabdhaha Hargeysa oo haween badan u noqotay macallimad.

Sanadkii 1975-tii hay'adda Qaramada Midoobe ayaa meel marisay una aqoonsatay in 8-dda Maarso loo dabaal-dego xuska iyo is xusuusinta wax-qabadka haweenka iyo doorkooda bulshada.

Dunidu sanad kasta maalintan waxaa la sameeyaa hal-ku-dhig gaar ah oo diiradda saaraya arrimaha haweenka. Hal-ku-dhigga 2026 waa "Give To Gain", kaas oo muujinaya in marka bulshada ay taageerto haweenka sida waxbarashada, shaqada, iyo hoggaanka ay faa'iido u leedahay dhammaan bulshada. Marka haweenka la siiyo fursado iyo awood ay ku horumaraan, waxay gacan ka geystaan kobaca dhaqaalaha, horumarinta qoysaska, iyo dhismaha bulsho cadaalad ah.

Hargeysa

Xigashada Sawirka, HIBO

In badan oo kamid ah haweenka Soomaaliyeed sanado badan waxa ay dedaal ugu jiraan sidii ay u maareyn lahaayeen nolosha reerahooda, kan ay ka dhasheen ama kan ay u dhaxaan ee ay hooyooyinka ka yihiin, iyaga oo qaarkood aan heesan waxbarashadii aasaasiga ahayd.

Magaalada Hargeysa waxa jirta gabar isku hawshay in ay caawiso, jahligana ka saarto intii ay awooddo haweenka ganacstada ah, kuwaas oo aan garaneyn akhris-qoraalka iyo hab xisaabinta ganacsigooda.

Hiba Maxamed Dirir waa gabar da'yar ah oo ku nool magaalada Hargeysa, waxa ay muddo shan sano ah ku hawlan tahay garab siinta haweenka suuqleyda ah ee ganacsiyada yar yar ku haysta laamiyada, kuwaas oo aan aqoon 'akhris iyo qoraal' toona. Hiba waxa ay tilmaamtay in ay tahay arrin u baahan in laga sameeyo meelo ka badan inta ay hadda iyadu gaartay. "in badan waxa ay aaminsanayeen inaan anigu lacag ku qaadanayo, waxbarista bilaashka ah ee aan siinayo".

Maxaa ku dhaliyey Hiba shaqadan?

Qalinjebinta Ardayda

Xigashada Sawirka, HIBO

Qoraalka sawirka, Qalinjebinta Ardayda

Xilligii dadku ay kasoo baxayeen xayiraadihii ka dhashay Covid-19 ayey Hiba suuqa khudaarta magaalada Hargeysa kula kulantay haween ay ay dhibaato ka haysto adeegsiga lacagaha moobilka (Electronic money), taas oo ah qabka lagu tiirsan yahay inta badan deegaamada Soomaalida.

Hiba oo BBC Soomaali la hadashay ayaa sheegtay in kun haween suuqley ah ay ka aflaxeyn barnaamijkeeda waxbarista 'haweenka suuqleyda' kuwaas oo kala jooga magaalooyinka Boorama, Gebiley, Hargeysa iyo Burco.

Mar ay ka hadleesay sababtii ku dhelisay in ay barnaamijkaan billowdo ayey waxa ay tiri, "waxaan bilaabay 2021-kii, markii aan arkay baahiyaha waaweyn ee ay hooyooyinka u qabaan in ay waxbrataan, sababta oo ah marka aan suuqa kula kulmo hooyo,iyada oo lacagaheedii laga dhacayo, iyada oo aan waxba xisaabsan karin, iyada oo dadka leh moobilka (haraaga) ii eega, waqtigaas ayey igu dhalatay inaan aqoonteyda iyo qalinkeygaba aan ugu faa'iideeyo hooyooyinka suuqa jooga ee ganacsatada ah si ay u bartaan akhris-qoraalka iyo xisaabta oo ah labada ugu muhiim ee qofka magaciisa kaga eegan karto, kuna xisaabsan karto".

Ardayda oo Imtixaan u fadhiya

Xigashada Sawirka, HIBA's Facebook

Qoraalka sawirka, Ardayda oo Imtixaan u fadhiya

Dedaal dheer waxa ay Hiba ku bixisay sida ay sheegtay in ay ka miro dheliso hadafkeeda, caqab kasta oo ka hor imaadana aysan u joojin. Inkasta oo bilowgii hore ay la kulantay diidmo badan oo kaga imaaneesay haweenkii ay rabtay in ay waxbarto iyaga oo u arkayey in ay tahay qof ujeeddo kale u socda.

"Cqabaduhu waa ay badnayeen, laakiin in hooyooyinku i aamini waayaaan cabaqadda kowaad, inay igu dhahaan ma hay'ad baa kusoo dirtay, ma aaminsaneyn inaan bilaash wax ugu dhigayo". Ayay tiri.

Tirada dufcadaha ka aflaxay waxbarista bilaashka ah ee Hiba

HIBO IYO KAMID AH ARDAYYDA

Xigashada Sawirka, HIBO

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tan iyo markii ay Hiba bilowday in ay haweenka waxbarto, kadib waxa ay ku dartay in ay baraha bulshada kula wadaagto dadka ku xiran waxa ay qabaneyso, sida ay inoo sheegtay waxa ay uu ka caawiyey in ay hesho bulsho badan oo taageerta shaqada ay hayso. Halkaas oo kaliya kuma ekaane waxa ay heshay dhalin yaro kale oo kala qeyb-qaadata waxbarista haween jooga meelo ka baxsan Hargeysa, sida Burco iyo Boorama. Taas oo uu suuragelisay in ay barnaamijkeeda ay ka baxaan 8 dufcadood, sida ay shaxareyso Hibo.

"Dufcadeydii koowaad 2021-ka dhammaadkiisii ayey baxday, Hargeysa ayey ka qalin jabiyeen, 50 hooyo ayaa ka baxay, guud ahaanna shantii sano ee aad soo wadnay waxaa qalin jabiyey 'Hargeysa oo ay ka baxeen 6 dufcadood, iyo dufcadaha 7 iyo 8 oo ka kala baxay Burco iyo Boorama", ayey tiri Hibo Maxamed.

Dhanka kale, Hibo waxa ay dedaalkeedaas ay ku muteesatay abaalmarrino kala duwan oo ay ka heshay ururada haweenka, kuwa dhalinyarada qeyba kala duwan ee waxbarashada, ganacsata iyo kuwa kale.

Sidoo kale, haweenka ay waxbarto waxa ay ka qadaa imtixaan si loogu soo xiro waxbrashada kadibna ardayda kaalimaha hore gala waxa ay helaan abaalmarino, kuwaas oo ay sheegtay in ay kasoo ururo bulshada, haweenka qaar ay ku guuleestay abaalmarin in ay xajka tagaan ah, qaar Kalena lacago. "abaalmarinta waa raadiyaa, iminka sanadka marka uu ii dhamaado, oo aan qolada cusub diiwaan gelinayo ayuunbaa hadana doonaa, wax ururiyaa, dadka samafalka usoo bandhigaa maalmaha qalinjebinta, meheradaha tagaa iyo shaqsiyaadna waa u tagaa".

Dhanka haweenka ay waxbartay waxa ay ka mahadceliyaan kaalinta ay Hibo ka qaaadatay isbeddelka ku yimid naftooda mid kamid ah haweenka ayaa tirir "waxaa imtixaanka la'igaga qaaday xisaab iyo qoraal aad ayuu u fududaa, waxaana rajeenayaa inaan hore usii socdo, waxa aan hadda garanayaa sida aan u hubiyo lacagta la ii diro, qofna ma weydiinayo".

Waa tuma Hiba Maxamed?

Hiba oo Abaalmarin la guddoosiinayo

Xigashada Sawirka, Hibo's Facebook

Qoraalka sawirka, Hiba oo Abaalmarin la guddoosiinayo

Hibo Nuura Maxamed Dirir waxa ay ku dhalatay magaalada Burco. Waxbarasho ahaan heerka iskuulka waxa ay kaga baxday isla Burco, halka heerka kowaad e jaamacadda ay ku qaadatay magaalada Hargeysa, iyada oo baratay cilmiga Sofwere Engneering.

Hiigsiga Hiba waa mid aad u sarreeya oo waxa ay dooneysaaa in ay dhaxal uga tagto haweenka Soomaaliyeed inta ay gaari karto.

"Waxaan hiigsanayaa inaan dhsio iskuul caalamiya oo hooyooyinka la hadaayaan oo u gaar ah, la aqoonsan yahay, meel kasta gaara, Soomaaliland dhaafa gobollo badan iyo meelo badan oo Soomaalida ah gaara, hooyo kasta suuqeeda ay ku hesho waxbarasho dhammeystiran, hadhowna sida jaamacadaha u qalinjebisa iyada oo waxbratay", ayey tiri.

Hibo waxa ay hadda hormuud u tahay ilaa 200 oo dhalinyaro ah kuwaas oo ku mideesan waxbarista haweenka aan hore u helin waxbarashada aas-aasiga ah, gaar ahaan kuwa suuqyada jooga. Mar ay sharraxeysay sida ay ku hesho dhalinyaradaan macalimiinta ah ayey sheegtay in ay qaarkood iyadu raadiso, iyada oo kusoo bandhiga Faceebook-gga, iyada oo kusoo qoreysa goobta iyo tirada ay u baahan tahay, halka qaar kalena ay iyagu lasoo xiriiraan sidaas ay ku qorto, kadibna ay u tababbarto macalinimo. Dhammaantood waa samafalayaal go'aansaday in ay haweenka caawiyaan.

Sidoo kale, Hiba waxa ay aas aastay hay'ad samafal ah (Hibo Foundation) oo ay ugu talo-gashay in ku caawiso dadka dan'yarta ah ee nolosha ku adagtahay, waxa ayna lacago kasoo ururisa dad kala duwan oo kala jooga dalka iyo dibadda, waxa ayna sheegtay in Soonkii labaad ay sameeneyso ka warqabka haweenka iyo guud dadka suuqleyda ah.