'Waxaan dalkeenna hooyo ee Soomaaliya kasoo caawineynaa dhinaca UK"

Cabdiraxmaan Mustafa

Dhibaato, gaajo iyo dhimasho. Tani waa xaaladda dhabta ah ee ay wajaheyso Soomaaliya, taasoo ay sababtay abaar burbur xoog leh u geysatay adeegyadii raashinka ee waddanka.

Soomaaliya waxa ay sanadkan si dirqi ah uga badbaadday in ay ka dhacdo macluul dhammeystiran balse tirada dadka ku nool xaaladda aadka u xun ayaa weli la filayaa in ay sii badato bilaha soo socda gudahooda.

Cabdiraxmaan Mustafa Salaan, oo ah Soomaali heysta dhalashada Britain, xubno ka tirsan qeyskiisuna ay ku nool yihiin waddanka ku yaalla Bariga Afrika, waxaa ku adkaatay in uu eego dhibaatada dhaceysa.

Wiilkan 21 jirka ah waxa uu Soomaaliya ku sugnaa shan bil ka hor, waxa uuna sheegay inuu goob jog u noqday “dhibaato maalinle ah” xilli ay jirtay “abaar aad u daran”.

“Waxaad arki kartaa lafaha lo’da oo dhulka daadsan, waxaad arki kartaa tirade geedaha dhimanaya iyo geedo qallalan oo meel kasta yaalla,” ayu uku yiri wareysi uu siiyay barnaamijka BBC Newsbeat.

“Kuleylka xad-dhaafka ah ee aan ka dareemay maqaarkeyga waxa uu ahaa mid halis ah. Xitaa haddii aad guriga ku jirtid na, waxay la mid tahay sida adigoo bannaanka jooga.”

Carruur ayaa ku dhimata abaarta sii xoogeysaneysa ee Soomaaliya

Xigashada Sawirka, BBC/ Ed Habershon

Qoraalka sawirka, Carruur ayaa ku dhimata abaarta sii xoogeysaneysa ee Soomaaliya

Helitaanka biyaha iska socda waxay dadka qaar u qaadan karaan mid aan weligiis hakad galeynin, balse Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in uu qiimaha biyaha dareemay markii uu joogay Soomaaliya.

"Haddii aad wax yar oo biyo ah dhulka ku daadiso, waxay dadku u arkayaan sidii inaad dambi gashay,” ayuu yiri.

“Waxaan fahmay sida ay biyuhu qaali uga yihiin halkaas iyo sida uu helitaankooda u yahay mid dhif ah.”

Isku dayidda caawinta Soomaaliya

Sida ay qabaan shaqaalaha gurmadka ee ka howl gala waddanka, dagaallada sokeeye ee Soomaaliya waxay caqabad ku yihiin in loo gurmado deegaannada ay baahidu ka jirto.

“Waxaan arkaa dad la dhibaatoonaya gaajo, carruur u dhimaneysa nafaqo darro iyo hooyooyin uur leh oo aad u nafaqo darreysan,” ayey tiri Ridwaan Xareed oo ka tirsan shaqaalaha gargaarka ee Soomaaliya.

Gabadhan 25 jirka ah ayaa dalka ka shaqeynaysa iyadoo wakiil ka ah hay’adda Human Appeal waxa ayna la kulantaa “xasarado badan”.

“Hay’adaha gargaarka bani’aadannimo waxay sii wadaan in ay sameeyaan wax walba oo suurtagal ah si ay wax uga qabtaan xaaladda sii xumaaneysa iyo si ay u badbaadiyaan nolosha dadka balse ma dhihi karo waa shaqo ku filan marka la barbar dhigo xasaradda ka jirta Soomaaliya.”

Ridwaan Xareed

Xigashada Sawirka, Human Appeal

Qoraalka sawirka, Ridwaan Xareed
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Roob la’aan isku xigtay oo ay uga sii dartay xaaladda isbaddalka Cimilada ayaa hadda khatar gelinaya hannaankii nololeed ee caadiga ahaa.

Warsame Cali oo ay isla shaqeeyaan Ridwaan ayaa ka walwalsan roob la’aanta sii jiri doonta bilaha soo socda.

Waxa uu la kulmay qoysas ay xubno ka geeriyoodeen “baahi awgeed, maadaama ay heli waayeen wax ay cunaan”.

Caawinaadda ay bixiyaan Warsame iyo Ridwaan waxaa ka mid ah xarun caafimaad oo nafaqo siisa hooyooyinka iyo carruurta nafaqo-darradu heyso.

“Balse baahida jirta ayaa aad uga weyn waxa ay awooddo hay’addu, sababtoo ah waxaa aad u weyn xajmiga musiibada,” ayuu yiri Warsame.

Waxaa kale oo kira dadaallo caawinaad looga raadiyo UK, iyadoo la sameeyay bogag kaalmada lagu raadiyo iyo baaqyo kala duwan.

Dadka sidaas sameeya waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan, oo tebiye ka ah RajoRadio – oo ah raadiyihii ugu horreeyay ee Soomaali leedahay oo laga hirgeliyo Birmingham, kaasoo ku shaqeeya dhinaca digital-ka.

Isagoo adeegsanaya boggiisa internet-ka ayuu isku dayaa in uu fursad ay ku hadlaan siiyo bulshada Soomaalida ah, waxa uuna sheegay in ay jiraan dad badan oo diyaar u ah in ay wax caawiyaan balse aan garaneynin si ay ula xiriiraan hay’adaha samafalka.

“Halkaas ayey Idaacadda Rajo kasoo galeysaa shaqada,” ayuu yiri.

"Waxaan rabnaa inaan awood u yeelanno aruurinta lacagta iyo maalgelinta hay’adaha samafalka eek u jira furinta hore.”

“Waxaan isku dayeynaa inaan caawinno dadka ku sugan Soomaaliya,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.