Muxuu yahay cudurka naadirka ah ee kaa dhigaya qof aan cabsan?

Dareenka cabsida oo qofka iska waayo

In aad cabsi dareento waa xeelad badbaado. Dad aan badneyn ayaa qaba xaalad naadir ah oo aysan wax cabsi ah dareemeyn. Haddaba sidee ayey u nool yihiin dadkaas cabsi la'aan?

Ka waran haddii aad diyaarad iska soo tuurto adigoon waxba dareemeynin. Jirkaaga ma soo deynayo waxyaabaha cabsida aad ku dareento ama wadnahaaga ma sameynayo garaaca cabsida.

Taasi waa waxa uu dareemo Jordy Cernik oo ah nin u dhashay Britain kaas oo laga saaray qanjirada Adrenal-ka oo ah kuwa soo daayo dheecaanka cabsida. Qanjiradaas waxaa looga saaray in la yareeyo welwelkiisa maadama uu qabay xaalad ku keeneysay cabsi joogto ah.

Daaweyntaas wax yar ayey u shaqeysay. Jorday kaddib cabsida oo dhan ayaa ka istaagtay. Sanadkii 2012-kii ayuu aaday Disneyland, wuxuuna fuulay mid ka mid ah wiifoowyada, wuxuu ogaaday in uusan wax baqdin ah dareemeynin. Kaddib wuxuu baarashuut kaga soo duulay diyaarad. Wax cabsi ah ma dareemin. Wax yar ayuu wadnihiisa kacay.

Dadka qaba cudurka loo yaqaan Urbach-Wiethe waa wax aan ku cusbeyn. Waa cudur naadir ah oo ku dhawaad 400 oo qof laga helay in ay qabaan inta la ogyahay.

Bukaan qaba cudurka oo magaciisa loo yaqaan SM ayaa lagu sameeyay cilmibaaris.

"Waxaan tusnay astaan kasta oo filimada argagax leh oo aan heli karo" ayuu yiri Feinstein oo cilmibaaris ku sameynayay SM balse waxba ma dareemin.

Daraasad ayaa laga sameeyay

Sidoo kale cilmibaarista waxaa lagu sameeyay in la tuso khatar dhab ah sida masas iyo waxyaabo kale. "Waxaan tusnay khatar dhab ah sida masas. Gadaal ugama dagin ee way u sii dhawaatay", ayuu yiri Feinstein isagoo intaas ku daray, "waxay dooneysay in ay taabato".

Noocyada kala duwan ee cabsida

Sheekada waa mid ay adag tahay in dhaqso lagu fahmo. Qeybta maskaxda u qaabilsan in ay isku xirto dareemaha iyo qeybaha kale ee loo yaqaan Amygdala ayaa kaalin ka qaata noocyo gaar ah oo ka mid ah cabsida.

SM way ogtahay in aysan taaban karin wax kulul oo ay ku gubaneyso balse kama cabsaneyso in ay taabato. Wadnaheeda ma garaacmayo cabsida darteed. Sidoo kale SM ma garan karto muuqaalada cabsi ah oo dadka kale u dareemaan in laga baqo.

Cabsi la'aanta
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Waxay aaddaa dad ay tahay in aysan u dhawaan, markaas ayey dhibaato kala kulantaa, waxa ka dhashay halkaas waa awood la'aanteeda oo aysan uga joogi karin shaqsiyaadkaas," ayuu yiri Feinstein.

Cilmibaarayaasha waxay qof aysan aqoon weydiiyeen in uu aad ugu dhawaado oo masaafo aad u yar u jirsado. Waxay sheegtay in aysan dhib u arag in dadka ay aad ugu soo dhawaadaan.

Daraasada waxaa lagu ogaaday in qeybta maskaxda ee loo yaqaan Amygdala ay kaalin weyn ka qaadato qaabeynta jawaabta aan ka bixino waxa hareeraheena ka socda.

Feinstein iyo saaxiibadii waxay weydiiyeen SM in ay jiido hawada CO2, dadka qaar waxay dareemaan cabsi iyo cabursanaan. Seynisyahanada markii ay weydiinayeen waxay ka filayeen in aysan ka cabsan balse waxay la yaabeen in ay cabsatay. Labo bukaan oo kale oo qeybta maskaxda ee cabsida ka dhaawacan ayaa dareemay baqdin.

Cilmibaarista socotay mudada ka badan 10-ka sano ayuu ku ogaaday Feinstein in ay jiraan labo qeyb aan isku mid aheyn oo cabsida si kala duwan u dareema.

diyaarad ayuu ka soo duulay mana cabsan

Maskaxda qeybta loo yaqaan Amygdala marka ay dareento khatar sida burcad, mas ama bahal u soo dhawaanaya markaas kaddib ayey fariin u dirtaa qeyb kale oo maskaxda ka mid ah oo ku taal qeybta dambe ee madaxa taas ayaa sii dirta fariin lagu sii deynayo dheecaanka keena cabsida in uu galo dhiiga.

"Taas ayaa keeneysa in wadnahaaga kaco, dhiigaaga kor u kaco iyo dhammaan wax kasta oo jawaab u ah cabsida," ayuu yiri Feinstein.

Daraasada Feinstein waxay muujineysaa qeybta ugu hooseysa maskaxda oo ah tan qaabeysa marka jirka miirbeelo sida neefsashada taas ayaa waxaa kor u kiciya CO2 markaas ayeyna cabsida bilaabataa.

Muhiimadda ay leedahay cabsida

Cilmibaaristan waxaa lagu sameeyay hal qof oo ah SM, waxyaabaha lagu ogaaday waa wax iyada un ku kooban, mana ahan in qof kasta uu sideeda oo kale yahay.

Sidoo kale da'ada uu jiro qofka marka uu soo gaaro dhawaca maskaxda ayaa kaalin ka qaadan karta soo kabsashada qofka.

Daraasada lagu sameeyay SM waxay muujineysaa sida cabsida u kororto. Dhammaan xayawaanada iyo xamaaratada waxay leeyihiin dareen dhaliya cabsida taasina waa sida keenta in ay badbaadaan.

SM in ka badan nus qarni ayey u nooleyd sidaas iyadoon dareemeynin wax cabsi ah. xaalado kala duwan ayey soo martay.

"Mid ka mid ah su'aalaha ka dhashay arrinta SM ayaa ah in dareenka cabsida uusan muhiim u aheyn noloshan casriga" ayuu yiri Feinstein oo intaas ku daray in uu keenayo dhibaato ka badan wanaaga uu leeyahay gaar ahaan noloshada wadamada reer galbeedka oo waxyaabaha aasaaska u ah badbaadada la kafaalo qaaday.