Cilmibaaris lagu sameeyay haweeney aan laheyn dareen cabsiyeed, maxayse tahay sababtu?

Fear

Xigashada Sawirka, Getty Images

SM waxay dhalatay 1965-tii, suuxdin ayaa ku bilaabtay iyadoo aad u yar. Markii hore waxaa loo maleeyay in buro ay maskaxda kaga taal taas oo keeneysay qalal. Balse qubarada caafimaadka ayaa ogaaday in suuxdinta ay ka timid labada qeyb ee maskaxda oo sii xumaaday.

Arrinta ugu weyn ee SM, soo wajahaday ayaa aheyd in aysan laheyn dareen cabsiyeed. Cilmbibaarayaasha ayaa u keenay masas nool, bahalo kale iyo filimo cabsi leh.

Markii la weydiiyay in ay cabsida sawir ahaan u muujiso waxay sameysay sawir-gacmeed ilmo garguuranayo. Cilmibaarista waxaa la dabaacay 2010-kii.

Dareenka qofka

SM, waxaa ku dhacay cudurka loo yaqaan Urbach-Wiethe. Waa xanuun naadir ah oo keena waxyaabahn oo kale sida dhaawac gaara unugyada dhismaha maskaxda qaabeeya.

Baaris lagu sameeyay waxaa lagu ogaaday in garaadkeeda uu yahay mid caadi ah mana jiraan wax gaar ah.

Cilladda ugu weyn ee laga helay waxay aheyd tan la xiriirta fahamka macluumaadka shucuurta ama dareenka.

Fear

Xigashada Sawirka, Getty Images

SM, waxay muujisay in aysan wax dhibaato ah ku qabin qiimeytna shucuurta sawiro laga qaaday wajiyada dad kala duwan marka laga reebo kuwa cabsida muujinaya.

Waxay u muuqatay in aysan awoodin in ay fahanto falcelinta cabsida marka ay eegeyso dadka kale. Sidoo kale ma fahmi karin wajiyada dadka ay cabsida ka muuqato balse waxay awood u laheyd xaaladaha dadka cabsi gelinaya.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sidoo kale wax dhibaato ah kuma qabin sawirka wajiga qof dareen kale muujinaya.

Cilmibaarista la sameeyay ayaa SM, lagu tusiyay masas iyo caarada nool si ay u dareento cabsi basle ma muujin inta ay socotay baarista wax astaan ah oo la xiriirta cabsi.

Waxaa jira dad iyaguna qabo cabsi joogta ah, maxaa lagu sababeyn karaa ?

Dr. Cabdrirashiid Maxamud Takar, oo bartay Cilmi Nafsiga ayaa dhowrkan sababood ku sharaxay sida ay ku imaan karto cabsida

"Cabsi la’aanta waxay ku imaan kartaa dhaxal, waxa kale oo ay ku imaan kartaa ayuu sheegay wax yaabo badan oo qofka noloshiisa soo maray, sida nolol dhib badan oo caruurnimadiisa soo martay." ayuu yiri Dr. Takar.

Mar uu ka hadlayey Dr. Cabdirashiid, qaabka loo daaweeyo ayuu sheegay in ay tahay si la mid ah sida loo daaweeyo cudurada maanka ku dhaco.

"Marka koobaad waxa lagu fiiriyaa in wixii qofkan dhibak u keenay in uu joojiyo , in lala hadlo oo lagala sheekeeysto , iyo qaabka seddexaad ee ugu danbeeya oo ah in dawooyin la siiyo."ayuu intaas raaciyey Dr. Cabdirishiid.

De Cabdirashiid Takar

Xigashada Sawirka, Dr Takar

Dr. Cabdirashiid, waxa u sheegay in ay jiraan xanuuno qofku ka qaado wax horrey usoo maray oo uu mar walba soo gocdo , waxayna taasi keentaa in qofka cabsi joogto ku noqoto oo l agariiro.

Wuxuu inta araaciyey in xanuunadaasi ay dadka soomaaliyeed ay aad ugu badan yihiin maadaama ay in muddo ah kusoo jireen dagaallo iyo dhibaatooyin aragagax leh oo ay mar walba soo xasuusan karaan.

xanuunada la xiriiar cabsdia

Fear

Xigashada Sawirka, Getty Images

SM, waxay sheegtay in ay nacebtahay masaska iyo caarada waxayna sheegtay in ay isku daydo in ay ka fogaato. Qof shaqaale ah ayaa ka codsaday hadii ay qaban karto mas wayna, weyna ka ogolaatay.

Calaamadda kale ee lagu arkay SM, waxaa ka mid ah in ay si weyn u dooneysay taabashada masaska waaweyn ee khatart ah.

SM, waxaa la geeyay Waverly Hills Sanatorium oo ah isbitaal hore oo ku yaalla Louisville, Kentucky, Mareykanka. Goobtaas waa meel aad looga cabsado.

Fear

Xigashada Sawirka, Getty Images

Markii ay u yimaadeen, SM, kooxda baaritaanka sameyneysay waxaa lagu lamaaniyay koox ka kooban shan haween ah (dhammaan ajanabi ayeey ahaayeen).

Bilawgiiba, SM waxa ay si bareer ah ugu hoggaamisay kooxda oo dhan cisbitaalka cidlada ah, iyada oo aan muujin wax calamad ah oo cabsi ah iyo in uu soo galo dariiq mugdi ah.

Markii xubnihii kale ee kooxdu dib u dhaceen, ayay si isdaba joog ah ugu qaylisay, "sidan, war isoo raac!"

Sidaa darteed, iyada oo loo marayo hababka xusuusta shucuureed ee ku tiirsanaanta maskaxda , kicinta qaar ayaan muhiim u ahayn dadka qaarkiis taas oo haddana muhiimad gaar ah u leh kuwa kale.

Kiiska bukaanka SM, ayaa muujiyay muhiimada qeybta masakaxda ee lagu aqoonsanayo dareenka cabsida.

Si kastaba ha ahaatee, shaqada la socota kiiskan caafimaad ee sanadaha socday ayaa muujisay waxtarka ay qeybta dareenka maskaxdu ka ciyaari karto dhinacyo kale oo aad u adag, sida dareenka ama garashada bulshada.

Fahamka sida ay maskaxdu uga shaqeyso cabsida

Fahamka sida maskaxdu uga shaqeyso cabsida iyada oo loo marayo kiisaska sida SM-yada waxay u horseedi kartaa daaweynta ka hortagta in cabsi ay hareeyso guud ahaan nolosheena.

Dr Cabdirashiif Takar ayaa BBCda u sheegay “in ay ay jiraan kiisas yar oo dunida ka jira oo ah dad aan cabsi dareemin. “

Wuxuu sheegay in inta badan sababta ugu weyn ay tahay qeyb masakxda ka mid ah oo laga maamulo cabsida ama dareenka qofka oo ay wax ka qaldan yihiin “

"Waxbaa uga dhacay ama sidaas ayuu ku dhashay , taasina waxa ay mararka qaarkood gelin karta qofka khatar". Ayuu intaas ku daray.