Maxaa ku qorana warqada ay xaaska Erdogan u dirtay dhigeeda Maraykanka Melania Trump?

Xigashada Sawirka, Reuters
Marwada koowaad ee dalka Turkiga ayaa ku boorisay Melania Trump inay ka hadasho caruurta ku dhibaataysan dagaalka Israa'iil ee Gaza.
Emine Erdogan ayaa ammaantay taageerada ay marwada koowaad ee Mareykanka u fidisay carruurta ay saameysay duullaanka buuxa ee Ruushka uu ku qaaday Ukraine, iyadoo ka codsatay inay "kordhiyo u qareemida " Falastiiniyiinta.
Warqad ay daabacday madaxtooyada Turkiga Sabtidii, ayay Mrs Erdogan ku sheegtay in Qasa ay noqotay "xabaalaha carruurta", iyada oo u sheegaysa Marwada Trump: "Waa inaan u midayno codkeenna iyo xooggeenna ka hortagga caddaalad-darradan."
Arrintani waxay imaaneysaa xilli khubaro ku takhasustay amniga cuntada oo ay taageerto Qaramada Midoobay ay qiimeeyeen in nus milyan qof ay la ildaran yihiin macaluul magaalada Qasa – waxaana naftooda halis ugu jira nafaqo-darro ilaa 132,000 oo carruur ah.
"Oraahda ilma aan la garanayn' oo lagu qoray marooyinka kafanta u ah kumannaan carruur reer Qasa ayaa damiirkeena ku furaysa dhaawacyo aan laga soo kaban karin," ayay qortay marwada Erdogan.
Warqadda ayaa xaaska Trump ka codsanaysa in ay "u muujiso Qasa dareen la mid ah kii ay u muujisay carruurta Ukraine kuwaas naftooda ku waayey dagaaka"
Xaaska Erdogan waxay sidoo kale ku dhiirrigelisay xaaska Trump in ay si toos ah ugu baaqdo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, in uu joojiyo musiibada bani'aadantinimo ee ka jirta Qasa.
Horaantii bishan, Marwada Trump waxay u dirtay madaxweyne Vladimir Putin warqad ay ku codsanasyo inuu ka fiirsado xaaladda carruurta – hase yeeshee, ma aysan xusin carruur gaar ah.
Marwada koowaad ee Turkiga ayaan inta badan ku lug yeelan siyaasadda, iyada oo inta badan doorata in ay si firfircoon uga shaqeyso arrimaha deegaanka - taas oo ay ammaan kaga kasbatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.
Si kastaba ha ahaatee, Marwada Erdogan waxay horey u qortay warqado loo diray lamaanayaasha hoggaamiyaasha caalamka sannadkii 2016, ayna uga hadashay xaaladda dadkii reer Suuriya ee ku xayirmay dagaalka sokeeye, iyadoo bishii Maarso cambaareysay tallaabooyinka Israa'iil ee Qasa.
Warqadda waxaa la daabacay kadib warbixin si adag u cambaareysay xaaladda bani'aadantinimo ee ka jirta Qasa.
Warbixinta ay soo saartay IPC, ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in macaluul ka jirto magaalada Qasa iyo nawaaxigeeda, iyadoo ka digtay in in ka badan 640,000 oo qof ay wajihi doonaan xaalado "musiibo ah" laga bilaabo bartamaha Agoosto ilaa dhammaadka Sebteembar.

Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Warbixinta Jimcihii la soo saaray, IPC waxay sheegtay in yaraanta cuntadu si gaar ah ay u saameysay carruurta – qiyaastii hal cunug ayaa saddexdii carruur ahba waxay la daalaa dhacayaan nafaqo-xumo daran.
Israa'iil ayaa beenisay in macaluul ka jirto Qasa. Waxa kale oo ay ku eedaysay khubarada IPC inay yihiin kuwo dhinac u janjeera iyo inay beddeleen habka qiimeynta macaluusha, isla markaana ay adeegsanayaan xog ka timid Xamaas. Hay'adda IPC waxay iska diiday dhaleeceyntaasi.
Warbixintan ayaa ku soo beegantay iyadoo Israa'iil ay isku diyaarinayso inay qaado weerar cusub oo milateri oo ay doonayso inay ku qabsato magaalada Qasa.
Wasaaradda caafimaadka ee Qasa ayaa sheegtay in 61 dhimasho ah 24-kii saac ee la soo dhaafay kadib weerarrada Israa'iil. Waxay sheegtay in siddeed qof oo ay ku jiraan laba carruur ah, ay u dhinteen nafaqo-darro isla muddadaas.
Hal weerar oo lagu qaaday xero barakac oo ku taalla koonfurta magaalada Khan Younis, 19 qof ayaa lagu dilay, sida ay sheegtay wakaalada wararka Falastiin ee Wafa.
Milatariga Israa'iil ayaa Qasa ka bilaabay olole ay kaga jawaabayaan weerarkii ay Xamaas hoggaaminaysay ee lagu qaaday koonfurta Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023, kaas oo ku dhawaad 1,200 oo qof lagu dilay, 251 kalena lagu qafaashay.
Ugu yaraan 62,122 qof ayaa lagu dilay Qasa tan iyo markaas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.
Inta badan dadka Qasa ayaa sidoo kale dhowr jeer barakacay; in ka badan 90% guryaha ayaa lagu qiyaasaa inay waxyeello gaartay ama burbureen, sidaas oo kale daryeelka cafimaadka, biyaha, fayadhowr iyo nadaafada ayaa la sheegaa inay burbureen.













