Nin sheegay in boqolaal la kufsaday lana aasay ayaa la xiray Hindiya

Xigashada Sawirka, Anush Kottary
Booliska dalka Hindiya ayaa xiray nin sheegay dhawaan in lagu qasbay in uu aaso haween la kufsaday ka hor inta aan la dilin.
Sheegashada ninkan ee ah in falkan la geystay ayaa qalaqal galisay magaalo diimeedka yar ee Dharmasthala ee ku taal gobolka koonfurta ee Karnataka.
Magaaladan ayaa qarniyo macbad u aheyd Hinduuga. Magaalada waxaa yimaada kumanyaal doonaya in ay si joogto ah u cibaadeystaan. Sidoo kale magaalada waa xarunta sameynta dharka taas oo muhiim u aheyd dadka deegaanka.
Muran siyaasadeed oo ka jiray gobolka ayaa keenay in dowladda ay sameyso koox gaar ah oo baaris sameysa si loo cadeeyo eedaha uu ninkan sheegayo ee ah in kufsi iyo dil la geystay.

Xigashada Sawirka, Geeta Pandey/BBC
Sarkaal ka tirsan kooxda baasrista oo aan dooneyn in magaciisha la sheego ayaa BBC-da u xaqiijiyay subaxnimadii Sabtiga in ninkan xiran loo haysto "been-abuur".
Horaantii bishii July ayaa nin da' dhexaad ah uu u gudbiyay booliska cabsho isagoo hortagay garsoorka si loo diwaangeliyo hadalkiisa. Ilaa hadda waa la qariyay ninkaas in la aqoonsado, waxaana la arkay nin xiran dhar madow oo wajigana u daboolan yahay.
Cabashada loo gudbiyay booliska oo BBC-da ay aragtay ayuu ninka ku sheegay in uu macbadka ka ahaa nadiifiye isagoo shaqadaas qabanayay intii u dhexeysay 1995-tii ilaa iyo 2014-kii, wuxuuna sheegay in lagu qasbay in uu aaso meydka boqolaal gabdhood iyo haween da'yar kuwaas oo si xun loo kufsaday kaddibna la dilay.
Wuxuu sheegay shan dhacdo kuwaas oo uu bixiyay cadeymahooda. Wuxuu kaloo sheegay in ay jiraan kuwa kale oo badan. Qaar ka mid ah dhibanayaasha waxa uu sheegay in ay ahaayeen caruur.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wuxuu sheegay in uu dhuumanayay ilaa iyo sanadkii 2014-kii kaddibna uu soo laabtay markaas uu hadlay maadama damiirkiisa u ogolaan waayay in uu sii aamusnaado.
Ninkaas nadaafada ka shaqeynayay ma magacaabin qof balse wuxuu eedeeyay maamulka macbadka iyo shaqaalaha. Madaxa macabdka ayaa beeniyay isagoo ku tilmaamay in ay tahay been aan raad laheyn.
Marka la horgeeyay garsoorka waxa uu ninka keenay cadeyn ahaan lafo madaxa bani'aadan. Wuxuu sheegay in ay ka mid aheyd meyd uu aasay kaddibna isla goobtii kasoo bixiyay dhawaan.
"Lafaha uu keenay kama soo bixin meesha uu sheegay in lagu aasay meydadka," ayuu yiri sarkaal ka tirsan baarista.
Toddobaadyadii la soo dhaafay waxay kooxda baarista faageen meelo ku yaal gudaha iyo hareeraha Dharmasthala si loo cadeeyo waxa uu ninkan sheegayo. Markii dambe wuxuu sheegay 13 goobood oo qaarkood ay adag tahay in la gaaro.
Ilo kooxda baarista ah ayaa BBC-da u xaqiijiyay in lafo bani'aadan laga helay labo goobood oo ka mid ah meelaha uu ninka sheegay, waxaana loo diray baaris. Ma cada lafahaas dadka ay yihiin.

Xigashada Sawirka, Anush Kottary
Eedahan waxay keeneen in indhaha lagu hayo qoyska Heggade oo ah kuwa leh dhaxalka maamulka macbadka.
Qoraal ay u soo direen BBC-da ayuu maamulaha guud, Veerendra Heggade oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Hindiya ku muujiyay taageerada ay u hayaan baarista.
Macbadka "wuxuu dhabtii soo dhaweynayaan kooxda baarista ay dowladdu magacawday"
"Si buuxda ayaan u taageereynaa baartista. Si weyn ayaan u aaminsannahay garsoorkeena iyo hay'ada baartista iyo dastuurka Hindiya" ayuu yiri xildhibaanka.
Eedahan waxay sidoo kale keeneen khilaaf siyaasadeed oo weyn. Waxaa looga dooday golaha baarlamaanka gobolka iyadoo xubnaha xisbiga mucaaradka BJP ay ka dhigeen "olole" ay kaga horjeedaan macbadyada Hinduuga.
Wasiirka arrimaha gudaha, G Parameshwara, oo ka tirsan golaha xisbiga talada haya ayaa sheegay in dowaldiisa aysan wax dan ah ka laheyn in ay cid difaacdo ama ay fadeexeyso.
"Runta waa in ay soo baxdaa" ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray "Hadii aan waxba la helin, maamulka Dharmasthala wuu sii xoogeysanayaan, hadii ay wax soo baxaan cadaalad ayaa la sameynayaa".










