Filimka beeralaydu 'ayuutada' u gashay samayntiisa ee adduunka wada gaadhay

Filimkan oo gaadhayey134-daqiiqo ayaa la sameeyey1976
Qoraalka sawirka, Filimkan oo gaadhayey134-daqiiqo ayaa la sameeyey1976

Badhtamihii 1970-meeyadii, nus milyan ka mid ah beeraley ku nool gobolka Gujarat ee galbeedka Hindiya ayaa isku darsaday lacag gaadhaysa labo rubi midkiiba, si ay u sameeyaan filim heersare ah.

Manthan (The Churning), oo uu filim sameeye ka yahay filim sameeyaha caanka ah ee Shyam Benegal, ayaa noqday filimkii ugu horeeyay ee ay dad badan maalgeliyaan.

Filimkan oo gaadhayey134-daqiiqo oo la sameeyey1976 wuxuu ahaa sheeko khayaali ah oo ku saabsan hiddaha dhaqdhaqaaq iyo wax isweydaarsi ee iskaashatooyinka caanaha, kuwaas oo Hindiya ka saaray waayihii caano yaraanta kana dhigay in ay maanta ahaato dalka waxsoosaarka caanaha ugu horreeya adduunka.

Sheekada waxaa ay ku fadhidaa Verghese Kurien - oo loo yaqaan "Milkman of India" oo loo yaqaan dib u cusboonaysiyihii wax soo saarka caanaha ee dalkaas. Hindiya maanta waxay soo saartaa ku dhawaad rubuc wax soo saarka caanaha adduunka.

Ku dhawaad 50 sano ka dib markii la sameeyay, Manthan oo dib loo soo casriyeeyey ayaa wacdaro ka dhigaya bandhigyada rooga-cas ee adduunka. Toddobaadkan isaga oo billado iyo bandhigba ku sameeyey xaflad filimeedka Cannes.

Waayihii dib u so bandigidda

Cajaladihii filimka oo ay ka soo wareegtay afartan sano iyo dheeraad ayaa la hayey, kuwaas oo aan la jaanqaadi Karin casriga.
Qoraalka sawirka, Cajaladihii filimka oo ay ka soo wareegtay afartan sano iyo dheeraad ayaa la hayey, kuwaas oo aan la jaanqaadi Karin casriga.

Cajaladihii filimka oo ay ka soo wareegtay afartan sano iyo dheeraad ayaa la hayey, kuwaas oo aan la jaanqaadi Karin casriga.

Taas oo keentay in mar kale loo qalab qaato sidii looga dhigi lahaa hab casri ah oo tignoolajiyadda hadda jirta la jaanqaadi karta.

Kaddib muddo ku dhaw 17 bilood oo laga shaqaynayey sidii loo cusbanaysiin lahaa hadhaagii, dhawaan ayaa lagu guulaystay in dib looga dhigo habka tayada sarreeya ee 4K.

Benegal, oo ka mid ah dadka ugu mudan kolka ay tahay shaleemada Hindiya, ayaa sheegay in filimkan uu yahay ‘mid ku qaali ah.

"Waa wax cajiib ah in la arko filimkii oo dib u soo noolaaday sida iyadoo aan samaynay shalay. Waxa uu u muuqdaa mid ka wanaagsan daabiciddii hore," ayuu yidhi filim sameeyahan 89 jir ah.

Habka iskaashiga, beeralayda yaryar waxay keeni jireen oo iibin jireen caanaha, xilliyadii subax iyo galabba iyaga oo ku iibiya ameelo kala duwan.

Caanihii ayaa habkaa laga beddelay iyada oo hadda si casri ah loo farsameeyo lagana soo saaro caano dhigmaya, subag iyo noocyada burcadka ee kala duwan.

Waagaas oo kacaankaasi socday ayaa Kurien – soosaarihii ugu sarreeyey caanaha, uu soo jeediyey in xarumaha kala duwan ee caanaha laga ururiyo oo laga jaro lacag gaadhaysa laba rubi.

Filimka ayaana weli ah mid aad loo daawanayo maadaama ay weli dhacaan waxa ay sheekadiisu ku saabsanayd.
Qoraalka sawirka, Filimka ayaana weli ah mid aad loo daawanayo maadaama ay weli dhacaan waxa ay sheekadiisu ku saabsanayd.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Taa oo samayntii filimkaa ka dhigtay dhammaan beeralaydaa gobolkaa maalgashadayaasa iyo soosaarayaasha filimkaas. Taas oo keentay in lacagtii qaadhaanka ee la ururiyey lagu sameeyey filimkii.

"Beeralayda si sahal ah ayay u aqbaleen maadaama sheekadooda aannu tebinaynay," ayuu yidhi Benegal.

Sheekada filimka ayaana ah, dhakhtar bartay caafimaadka xoolaha oo ka socda dawladda ayaa isaga iyo kooxdiisu caafimaadku imanayaan tuulo ku taalla gobolka Gujarat oo aad u kala qaybsan. Kuwaas oo markiiba lagu kacayo, marka ay dhexda u galaan siyaasdahaas kala duwan iyo caqabado kaga imanaya kooxo si gaar ah caanaha uga ganacsada, taas oo loo hawlgeli doono midayntooda iyo guul gaadhidooda.

Baahintii koowaad filimka ayaa lagu baahiyey Gujarat, taas oo uu marki shacbiyad helay. Maadaama, soosaarayaashii maalgashaday ay ahaayeen daawadayaasha ugu badan ee uu helay.

Manthan ayaa si weyn loogu soo bandhigay caalamka oo dhan, xilli uu gaadhay xataa in lagu soo bandhigo shirkii golaha guud ee Qaramada Midoobay, wuxuuna ku guuleystay abaal-marin heer qaran ah isagoo gobolkii lagu soo bandhigay jooga.

Benegal wuxuu yidhi Manthan "wuxuu u adeegayaa filimkan oo ina xasuusinayaa sida ay filimmada iyo shineemadu ay isbeddel bulsho u keeni karto

Filimka ayaana weli ah mid aad loo daawanayo maadaama ay weli dhacaan waxa ay sheekadiisu ku saabsanayd.