Waa maxay xasaasiyadda biyaha laga qaado? maxaase lagu gartaa?

Falvia

Xigashada Sawirka, PERSONAL ARCHIVE

Qoraalka sawirka, Flavia ma aysan waligeed maqal qof xasaasiyad ku qaba biyaha iyada ka hore

Toban sano ka hor, xilligaas oo ay jirtay 14 sano ayey Flavia Leonel Santana isku aragtay jir cuncun iyo waxyaabo kasoo daadanaya maqaarka jirkeeda mar waliba oo ay qubeysato.

Iyada oo aaminsan in ay xasaasiyad ku qabto saabuunta ama shaambada ay isticmaasho ayey baddeshay dhammaan noocyada ay ka isticmaaleysay si ay usoo afjarto dhibaatadan.

Balse waxba iskama baddelin. Finanka iyo baraha guduudan ee maqaarkeeda kasoo daadanaya ayaa sii socday in ay kasoo baxaan jirkeeda mar waliba oo ay isku daydo in ay nadaafaddeeda ku dadaasho.

“Xitaa waxaan ku qubeystay biyo oo kaliya balse xasaasiyaddu way sii socotay,” ayey dib u xasuusatay Flavia.

Iyada oo xaaladdan dhibsanaysa ayey gabadhan da’da yar billowday in ay bal haddana u jeedsato dhanka hannaankeeda cunto, iyada oo u maleynaysa in ay xasaasiyadda ku qabto qaar ka mid ah cunnooyinka ay isticmaasho. Balse maalin uu roob da’ayey ayey shakiday in xasaasiyaddu wax kale tahay.

Iyada oo aan waligeedba maqal in biyaha xasaasiyad laga qaadi karo ayey gabadhan saameynta ku leh dhanka teknoolajiyadda go’aansatay in ay internet-ka ka billowdo baaritaan ku aaddan arrinkan. Waxay heshay dad sheegaya in ay la kumeen astaamo la mid ah kuweeda mar waliba oo ay biyo is taabsiiyaan. Si ay u hubiso waxay u tagtay dhaqtarka maqaarka.

“Xitaa ma garaneyn in xasaasiyadda noocaan ah ay jirto, markii aan dhakhtarka u tagay waxaan u sheegay shakiga aan qabo, kadib markii la baaray xasaasiyadda waxaa ii soo baxday in aan qabo cuncun, waxay ahayd wax lala yaabo, sababtoo ah ilaa waqtigaas weligey maan arag xasaasiyadda biyaha laga qaado mana jiro qof qoyskayga ka tirsan oo qaba cudurkan,” ayey sharraxday.

Dawooyinka lagula tacaalo xasaasiyaddu xal ma keenaan

Flávia waxay sheegtay inay caadi ahaan cabto biyaha oo aanay wax dhib ah kala kulmin. Si kastaba ha noqotee, waqtiyada kale ee maalinta, xasaasiyaddu way iskasoo baxdaa.

"Markaan ooyo ama aan ku dhidido qolka jimicsiga, meelaha jidhkayga ka mid ah ee qoyan waxay isu beddelaan casaan oo ay ka buuxaan finan yaryar, taas oo ay sii dheer tahay inay yihiin kuwo aad ii cuncuna oo hoolma," ayey tiri Flavia. Sida ay sheegtay gabadha da’da yar, meelaha ugu daran waa dhabarka, laabta iyo madaxa.

Si loo daweeyo dhibaatadan, Flávia waxa ay sheegtay in ay isku dayday dhawr dawo oo ka hortag ah oo ay dhakhaatiirtu kula taliyeen, laakiin midkoodna ma shaqayn.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Marka waxaad ku qasbanaanaysaa in aad la qabsato xasaasiyadda aadna ka fogaato biyaha iyo meelaha qoyan. "Waan iska ilaaliyaa in aan tago barkadda, sababtoo ah biyaha soo gaaraya jirka mudada dheer ayaa ugasii dara xaaladda oo xitaa keena nabarro maqaarka kasoo baxa. si dhaqso ah ayaanu dhaqaa, ilaa 10 daqiiqo, mar walbana si fiican ayaan isu engejiyaa. Xasaasiyaddu way kasoo raysaa wayna ka dhammaataa jirkayga muddo qiyaastii 30 daqiiqo ah kadib,” ayey tiri.

Marka laga reebo taxaddarradan, Flavia ayaa sheegtay in ay ku nooshahay nolol loo arko mid caadi ah. Waxay qabataa dhaqdhaqaaqyo jireed oo xoog leh sida jimicsiga iyo in ay asxaabteeda la ciyaarto.

"Waxaan had iyo jeer isku dayaa inaan qalajiyo dhididka si aan uga fogaado cuncunka, laakiin ma oggolaaado in xasaasiyaddu ay i xaddiddo," ayay tiri.

Sidoo kale sida laga soo xigtay Flávia, dhaqaatiirtu waxay sheegeen in xasaasiyadda biyuhu, sida ay lama filaanka ugu soo baxday oo kale, ay iska baabi'i karto mustaqbalka.

"Maaddaama ay tani tahay xasaasiyad soo baxday intii aan noolaa oo aanan weligey isku arkin tan iyo yaraanteydii, dhaqaatiirtu waxay ii sheegeen inay sidoo kale iska baabi'i karto xilli ka mid ah noloshayda. Laakiin taasi, waxaan ogaan doonaa oo kaliya waqtiga. Ma jiro qof qoyskayga ka mid ah oo qaba, waxayna ahayd wax gabi ahaanba nagu cusub dhammaanteen," ayay raacisay.

Flavia

Xigashada Sawirka, PERSONAL ARCHIVE

Qoraalka sawirka, Xaaladaha qaar waxaa laga yaabaa in xasaasiyadani qofka ku keento neef qabatow iyo jal xumo

Maxay tahay xasaasiyadda biyaha?

Xasaasiyadda biyaha waa kaliya falcelin maqaarku ka sameeyo biyaha, haddey qabow ama kuleyl yihiin, kuwa macaan iyo dhanaanba.

Si la mid ah xasaasiyadaha kale waxay sababaysaa in jirku yeesho goobo casaan ah, barar iyo cuncun daran iyo in ay nabarro kasoo baxaan jirka – kuwaas oo la mid ah sida qaniinyada quraanjada oo kale. Calaamadahan waxay badanaa baaba’an 30 ilaa 60 daqiiqo ka dib marka jirku engago.

Waxa keenaya cuncunka iyo nabarrada ayaa ah in jirka qofku u arkayo biyaha maaddo qalaad, kadibna nidaamka difaaca ayaa soo saaraya unugyada la dagaalama maaddooyinka shisheeye ee jirku u arko cadow si uu isu ilaaliyo.

Unugyada maqaarku waxay markaas soo daayaan kiimikooyin keena in xididdada dhiiggu ay kala fidaan, taasoo keenta casaan, cuncun iyo maqaarka oo barara. Waxaa xasaasiyaddan loo yaqaan dhanka caafimaadka “Aquagenic urtikaria”.

"Aquagenic urtikaria waa xasaasiyad naadir ah, taas oo ah sababta xogta iyo daraasadaha lagu sameeyay ay u yar yihiin. Xasaasiyaddan ayaa ku badan haweenka, iyada oo badanaa soo ifbaxda xilliga qaan qaarka ama ka dambe, sababtuna waxay tahay habka difaaca oo asna qaan gaaraya, si kastaba ha ahaatee, weli ma jirto gunaanad ku aaddan sharaxaadda ku saabsan sababta ay u saamayso in badan oo ka mid ah dadweynahan," ayay sharraxday Gabriela Andrade Coelho Dias, oo xubin ka ah waaxda sayniska ee cudurka urtikaria ee ASBAI (Ururka Brazil ee xasaasiyadda iyo difaaca).

Xaaladaha sii daran ee nooc ka mid ah xasaasiyadda ayaa sidoo kale keeni karta calaamado ay ka mid yihiin neefta oo ku yaraata qofka iyo jalka oo yaraada.

"Waa in aan eegno in nabarradani ay u sii socdaan bararka dibnaha iyo cunaha, taas oo muujin karta xaalad aad u halis ah, bukaankuna waa inuu si degdeg ah ula tashadaa dhaqaatiirta", ayuu ka digay Reinaldo Tovo, Isuduwaha Xarunta Maqaarka ee Isbitaalka Sírio-Libanês.

Biyo koob lagu shubayo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ogaanshaha cudurka waxaa sameeya dhakhtarka maqaarka

Baaritaanka iyo daweynta xasaasiyaddan

Ogaanshaha cudurka waxaa sameeya dhakhtarka maqaarka iyadoo loo marayo baaritaanno caafimaad iyo tijaabooyin, kuwaas oo uu ugu caansan yahay baaritaanka biyaha.

Inta lagu jiro baaritaankan, waxaa bukaanka laabta laga saaraya maro lagu qooyay biyo heerkulkoodu yahay 35-37°C ama cusbo ayaa la saarayaa laabta bukaanka. Cadaadiska laabta la saaray ayaa laga qaadaa qofka qiyaastii 30 daqiiqo ka dib. Haddii bukaanku ka sheegto cuncun ama ay soo muuqdaan astaamo, baaritaanka waxaa loo arkaa mid wanaagsan.

Sida laga soo xigtay dhakhaatiirta takhasuska leh ee ay BBC-du maqashay, cudurku ma'aha mid la daweyn karo, daawaynta kaliya ee cudurka urtikaria aquagenic waxay ka kooban tahay isticmaalka dawooyinka xasaasiyadda lidka ku ah ama ‘corticosteroids’. Laakin, sida Flavia oo kale waxaa laga yaabaa in daawadu aysan wax saameyn ah yeelan. Way ku kala duwan yihiin bukaannadu.

"Maaddaama aysan suurtagal ahayn in la iska ilaaliyo taabashada biyaha, dawooyinka antihistamine ee la tacaalidda xasaasiyadda, ayaa badanaa loo qoraa bukaanka. Markaa, bukaanku waxa uu si joogto ah u qaataa lidka-xasaasiyadda, si uu isugu dayo in uu iska ilaaliyo kacdoonkale”, ayay tiri Beni Grinblat, dhakhtarka maqaarka ee isbitaalka Albert Einstein.