Maxaad kala socotaa 10-ka qoys ee aduunka ugu qanisan, iyo halka ay ka timid hantidooda?

ALiceWalton waa gabadha aasaasaha Walmart Sam Walton.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Liiska sannadlaha ah ee qoysaska ugu qanisan adduunka ee ay shaacisay majalada Bloomberg, qoyska Walton, oo ah mulkiilaha dukaamada waawayn ee Maraykanka ee Walmart, ayaa kaalinta koowaad galay 2024 ka.

In ka badan lixdan sano ka dib markii Sam Walton uu furay dukaankiisii ​​​​ugu horeeyay ee Arkansas, ayaa waxaa wali aad u muuqda raadkii uu ka tagay kaas oo soo jiitay maalgashadayaasha saamiyada caalamiga ah, kuwaas oo qiimihiisu kor u kacay 80% sanadkan.

Mid ka mid ah siraha shirkadaha liiskan ku jira, sida uu qoray Bloomberg, waa in ay ilaashadaan midnimada lahaanshaha hantidooda, mararka qaarkoodna ay abuuraan heshiisyo ganacsi oo lagu maamulo isu geynta hantidooda.

Qaar badan oo ka mid ah qoysaska ku jira liiska sanadkan, sida laga soo xigtay Bloomberg, waxay noqdeen kuwo qani ah ah sababtoo ah faa'iidooyinka waaweyn ee laga diiwaan geliyey suuqa saamiyada.

1. Qoyska Walton

Rob, Alice iyo Jim Walton waxay dhaxleen hantida aasaasihii Walmart

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoyska: Walton

Shirkadda: Walmart

Hantida: $432 bilyan

Dalka: Maraykanka

jiilkii sadexaad: 3

Waltonku waxay leeyihiin ilaa 46% dukaamada, saamigaas oo saldhig u ah hantida faraha badan ee qoyska.

Aasaasaheeda, Sam Walton, ayaa waxaa uu si istiraatijiyad ah hantida ugu kala qaybiyay caruurtiisa si loo xoojiyo dhaqaalaha qoyska.

2. Qoyska Al Nahyan


Dhaxal sugaha Abu Dhabi Mohammed bin Zayed Al Nahyan waa qayb ka mid ah qoyska bilyaneerrada ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoyska: Al Nahyan

Warshadaha: wax soo saarka

Hantida: US$323 bilyan

Dalka: Imaaraadka Carabta

Jiilkii: 3

Dalka Imaaraatka Carabta, qoyska Al Nahyan ee talada haya ayaa hantidooda ka soo saaray ganacsiga shidaalka.

Hogaamiyaha Abu Dhabi (mid ka mid ah todobada imaaradood), Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, ayaa sidoo kale ah madaxweynaha dalka.

3. Qoyska Al Thani


Tamim bin Hamad Al Thani, Amiirka Qatar, waa xubin ka tirsan qoyska boqortooyada ee awoodda badan.

Xigashada Sawirka, PA Media

Qoyska: Al Thani

Warshadaha: warshadaynta

Hantida: US$ 172 (R$ 1 trillion)

Dalka: Qatar

Jiilkii: 8

Dawladda qoyska Al Thani ee xukma Qatar ayaa dano ganacsi ku leh islamarkana dhaqaala ak sameeya qaybta shidaalka iyo gaaska.

Xubnaha qoysku waxay hayaan jagooyin siyaasadeed oo caan ah waxayna leeyihiin shirkado waaweyn oo oo ka shaqeeya waxyaabo kala duwan.

Qoysku waa mid ballaaran, inkastoo awooddiisa dhaqaale ay ku urursan tahay dhowr meelood oo muhiim ah.

4. Qoyska Hermes

Axel Dumas, Agaasimaha Hermès

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoyska: Hermès

Shirkadda: Hermès

Hantida: US$ 170 (R$ 1 trillion)

Dalka: Faransiiska

Jiilkii: 6

Jiilka lixaad ee qoyska, oo ka kooban in ka badan 100 xubnood, ayaa leh shirkadda dharka qaaliga ah ee Faransiiska.

Xubnaha qoyska ee haya jagooyinka fulinta ee shirkadda waxaa ka mid ah Axel Dumas.

5. Qoyska Koch


Ganacsade Charles Koch iyo walaalkiis Bill ayaa ka mid ah deeq bixiyayaasha ugu weyn ee muxaafidka Maraykanka

Xigashada Sawirka, Getty

Qoyska: Koch

Shirkadda: Koch Inc.

Hantida: US$ 148 (R$ 900 bilyan)

Dalka: Maraykanka

Jiilkii: 3

Frederick, Charles, David iyo William Koch oo walaalo ah waxay shirkadda shidaalka ka dhaxleen aabbahood Fred. Laakiin muran ka dib, Charles iyo David kaliya ayaa ku haray ganacsiga.

Shirkadda Koch waxay leedahay ganacsiyo ku dhanka batroolka, kiimikooyinka, tamarta, macdanta, tignoolajiyada kombiyuutarada, maaliyadda, ganacsiga badeecadaha, maalgashiga, iyo kuwa kale.

6. Qoyska Al Sacuud

Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa kamid ah qoyska

Xigashada Sawirka, Getty

Qoyska: Al Sacuud

waaxda: warshadaynta

Hantida: US$ 140

Dalka: Sacuudi Carabiya

Jiilka: 3

Hantida qoyska boqortooyada Sucuudiga ayaa ka timaadda ganacsiga shidaalka.

Qiyaasta Bloomberg waxay ku salaysan tahay wadarta lacag bixinta xubnaha qoyska boqortooyada lagu qiyaasay inay ka heleen 50kii sano ee la soo dhaafay Royal Diwan, oo ah madaxa fulinta ee boqorka.

Dhaxal sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan ayaa shaqsi ahaantiisa gacanta ku haya hanti qiimaheedu ka badan yahay hal bilyan oo doolar.

7. Qoyska Mars

Jacqueline Mars (dhexda) oo ay weheliso carruurteeda Graysen Airth iyo Katherine Burgstahler

Xigashada Sawirka, Getty

Qoyska: Mars

Shirkadda: Mars Inc.

Hantida: US$ 133 bilyan

Dalka: Maraykanka

Jiilkii: 5

Mars waxay caan ku tahay alaabteeda sida M&M's, Milky Way iyo shukulaatada caanka ah ee buskudka Snickers bar, in kasta oo alaabada daryeelka xayawaanka hadda ay ka badan yihiin kala bar dakhliga shirkadda.

8. Qoyska Ambani

Mukesh Ambani waa Guddoomiyaha iyo Maamulaha Guud ee Warshadaha Reliance

Xigashada Sawirka, Getty

Qoyska: Ambani

Shirkadda: Warshadaha ku tiirsanaanta

Hantida: US$99 bilyan (R$602 bilyan)

Dalka: Hindiya

Jiilkii: 3

Mukesh Ambani ayaa mas'uul ka ah warshadda saliidda sifeysa ee ugu weyn adduunka.

Waxa uu ku nool yahay dhismo ka kooban 27 dabaq oo ku yaalla Mumbai, waxaana la sheegay in uu yahay guriga ugu qaalisan ee gaarka loo leeyahay. Isaga iyo walaalkii waxay ka dhaxleen hantida aabbahood.

Qoyskan ayaa dhawaan si weyn looga hadal hayay xaflada arooska ee Mukesh Ambani iyo Radhika Merchant. Arooska waxaa ka horeeyay afar bilood oo dhacdooyin qaali ah, oo ay ku jiraan riwaayado ay sameeyeen xiddigaha caan ah sida Rihanna.

9. Qoyska Wertheimer

Alain Wertheimer iyo Gerard Wertheimer ayaa hantida ka dhaxlay awoowgood

Xigashada Sawirka, Getty

Qoyska: Wertheimer

Shirkadda: Chanel

Hantida: US$88 bilyan (R$535 bilyan)

Dalka: Faransiiska

Jiilkii: 3

Alain iyo Gerard Wertheimer oo walaalo ah waxay dhaxleen hantidii awoowgood u maalgeliyey Coco Chanel ee Paris 1920-kii.

Qoyskiisu waxay leeyihiin guri fashion ah iyo sidoo kale ka ganacsiga iyo qabashada tartanada iyo beero canab ah.

10. Qoyska Thomson

David Thomson, Madaxweynaha Thomson Reuters

Xigashada Sawirka, Getty Images

David Thomson, Madaxweynaha Thomson Reuters

Qoyska: Thomson

Shirkadda: Thomson Reuters

Hantida: US$87 bilyan ($529 bilyan)

Dalka: Kanada

Jiilka: 3

Qoysku waxay leeyihiin ilaa 70% saamiyada xogta maaliyadeed iyo shirkadda adeegyada Thomson Reuters.

Hantida qoyska ugu qanisan Canada waxay bilaabatay horraantii 1930-meeyadii markii Roy Thomson uu furay xarun raadiye oo ku taalay Ontario.