Maxaad ka ogtahay sirta ku gadaaman hubka nukliyeerka?

Hubka Nukliyeerka

Xigashada Sawirka, Alamy

Gantaalka nukliyeerka xambaara, waa midka ugu awoodda badan oo ilbiriqsiyo gudahood ku baabi'inaya wixi ku nool halkii lagu rido.

Waddamo badan ayaa la rumeysan yahay inay qariyaan tirada rasmiga ah ee hubka ay haystaan, haddana waxaa loo badinayaa in in ka badan 14,000 oo madax oo hubka nukliyeerka ah ay yaallaan dunida.

Maraykanka iyo Ruushka ayaa haysta tirada ugu badan hubka nukliyeerka ah ee adduunka.

Haddaba qormadeennan kooban waxaa ku eegeynaa arrimo sir ah oo ku gadaaman hubka nukliyeerka.

Hubka Niyukilarka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Halkee lagu hayaa?

Hubka niyukliyeerka oo ah hub si weyn wax u gumaada, khatar aad u weyna ay ka dhalan karto ayaa waddamada haysta waxay u xafidaan si weyn.

Waxaa hubkaas la dhigaa meelo kala duwan oo keyd u ah oo barriga, badda, maraakiibta dagaalka iyo kuwa quusa intaba isugu jira.

Waddamada hubka nukliyeerka ah haysta waxay ku keydiyaan meelo sir ah oo dhulka hoostiisa ah oo amnigooda aad loo ilaaliyo.

Marka laga reebo gantaallo yaalla saldhigyada daafaha caalamka ay ku leeyihiin ama gantaalaha nukliyeerka ee lagu qaado maraakiibta ama diyaaradaha.

Mareykanka oo kale gudaha dalkiisa wuxuu ku leeyahay 19 xarun oo nukliyeerka lagu keydiyo, haddana gantaallo nukliyeer ah ayuu geeyay saldhigyo uu ku leeyahay Turkiga, Kuuriyada Koonfureed iyo meelo kale oo Yurub ah.

Halka Ruushka uu leeyahay 12 xarun oo hubka nukliyeerka lagu keydiyo, isla-markaana laga tijaabiyo.

Yaa ka mas'uul ah?

Haddii ay dhacdo in la adeegsado hubka nukliyeerka ee sida weyn wax u gumaada mas'uuliyadda koowaad waxay saaran tahay madaxweynaha.

Madaxweynaha inuu gaaro go'aanka kama dambeysta ah ee in hubka nukliyeerka la isticmaalo waxaa ka caawinaya khubarro milatari, gaar ahaan, saraakiisha hubka nukliyeerka gacanta ku haysa, lambarrada sirta ah ee hubka lagu ridi karo qaybo ka tirsanna uu gacantooda ku jiro.

Askari ayaa si gaar ah ugu xilsaaran boorsada uu ku jira lambarka sirta Nukliyeerka

Xigashada Sawirka, OLIVER DOULIERY/AFP/GETTY IMAGES

Lambarka sirta ah

Madaxweyneyaasha waddamada haysta hubka nukliyeerka goob kasta oo ay u safrayaan iyo meel kasta oo ay aadayaanba waxaa la socota boorso lambarka sirta ah uu ku dhan yahay oo madaxweynaha u sahlaysa inuu fasaxo ridista hubka.

Tusaale ahaan boorsada madaxweynaha Mareykanka uu meel walba ula safro waxaa ku jira kaar loo yaqaanno 'Buskud'.

Kaarka aan ka sheekeynayno ma ahan mid iska caadi ah. Waa kaar uu ku qoran yahay lambarka sirta ah ee loo adeegsado marka la ridayo hubka halista ah ee nukliyeerka.

Boorsada waxaa sidoo kale ku jira aalado isgaarsiin oo uu madaxweynaha kula xiriirayo dad gaar ah, oo ay ku jiraan madaxa istraatiijiyadda xarunta dhexe ee nukliyeerka iyo madaxweyne ku-xigeenka.

Wuxuu boorsadaas wareejiyaa oo keli ah marka uu muddo-xileedkiisa dhammaado.

Markabka Gujiska ee Niyuklerka xambaara

Maraakiibta quusta oo badaha caalamka u kala goosha waxay ka mid yihiin maraakiibta xambaara gantaalaha nukliyeerka.

Waxaa maraakiibtan hubka nukliyeerka ay u xambaaraan si ay u fuliyaan weerarrada degdegga ah oo lagu bartilmaameedsanayo gantaallo meelo fog laga soo ridi lahaa.

Diyaaradaha howlgallada gaarka ah fuliya laftooda gantaalahaas wey qaadaan, inkasta oo ay yar tahay diyaaradaha in mar walba nukliyeerka lagu qaado.

Waxaa aad u yaraaday hubka nukliyeerka ee caalamka la isaga gooshiyo wixii ka dambeeyey dhammaadkii dagaalkii qaboobaa.

Dalalka haysta Nukliyeerka

Hubka Niyukliyeerka

Hubka nukliyeerka waxaa haysta 9 waddan oo kala ah Ruushka, Mareykanka, Faransiiska, Ingriiska, Shiinaha, Pakistan, Israa'iil, Hindiya iyo Kuuriyada Waqooyi.

Sanadkii 2017 ayay aheyd markii in ka badan 100 waddan ay ansixiyeen heshiiska Qaramada Midoobay ee lagu mamnuucayo hubka nukliyeerka guud ahaan caalamka.

Hindiya, Israa'iil iyo Pakistan ma aysan saxiixin heshiiska, Waqooyiga Kuuriya waxay heshiiskaas ka baxday sanadkii 2003-dii.

Dalalka haysta Nukliyerka

Heshiiska oo ku caan baxay NPT wuxuu xusay shan dal oo ay ku jiraan Maraykanka, Ruushka, Faransiiska, Ingiriiska iyo Shiinaha kuwaas oo dhamaantood tijaabiyay hubka nukliyeerka ka hor inta aan la dhaqangelin heshiiska.

Heshiisku wuxuu ka mamnuucayaa waddamada aan saxiixin heshiiska NPT inay sameystaan ​​hubka nukliyeerka.

Koonfur Afrika, iyo dalalkii hore ee Midowgii Soofiyeeti ee Belarus, Kazakhstan iyo Ukraine ayaa dhamaantood joojiyay yeelashada hubkan.

Sidoo kale, heshiiska wuxuu dhigayay in dalalka waqti kasta aysan sameysan karin nukliyeer.