Digniin laga bixiyay halis masiibo ah oo ka dhalan karta Nukliyeerka

Xigashada Sawirka, Reuters
Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta Nukliyeerka ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo tallaabo kasta oo milateri oo laga geysta meel u dhow warshadda Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee ku taalla dalka Ukraine. Qaramada Midoobey waxay ka digtay 'khatarta dhabta ah ee ka dhalan karta masiibo Nukliyeer'
iyadoo ka digaysa "khatar dhab ah oo ah masiibo Nukliyeer ah". Madaxa hay'adda IAEA Rafael Mariano Grossi ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay wararka sheegaya in gantaallo lagu garaacay xarunta ugu weyn ee tamarta Nukliyeerka ee Yurub.
Waxay arrintani kusoo aadeysaa xilli Ukraine ay sheegtay in qeybo kamid ah warshadda ay si 'daran uu waxyeello ugu geysteen duqeymaha militeriga Ruushka'. Ciidamada Ruushka ayaa bishii March ee sanadka qabsaday warshadda Nukliyeerka ee Zaporizhzhia.
Ruushka wuxuu ilaaliyay shaqaalaha warshadda ee u dhashay Ukraine balse Ukraine ayaa ku eedeysay ciidamada Ruushka inay gantaallo ku garaaceen goobaha ay dadka degan yihiin ee u dhaw warshadda iyagoo 'argagax gelinayaa' shacabka.
Duqeymihii Jimcihii laga geystay warshadda waxay 'hoosta ka xariiqeen halista dhabta ah in masiibo Nukliyeer ka dhaco halkaas isla markaana halis gelin kara caafimaadka bulshada iyo deegaanka Ukraine iyo dhulka ka baxsan" ayuu yiri Mr Grossi oo bayaan kasoo saaray weerarka.
Wuxuu intaa raaciay "Awood kasta oo militeri oo ka dhan ah warshadda waxaa ka dhalan karaa masiibo horseedo cawaaqib xumo"
Shaqaalaha Ukraine waa inay gutaan shaqooyinka waajibaadkooda shaqo iyagoo aan la kulmin wax hanjabaad ah ama cadaadisa ah" ayuu yiri madaxa hay'adda quwadda Atoomikada adduunka Rafael Mariano Grossi.
"Si looga ilaaliyo shacabka ku nool Ukraine iyo caalamka halista shil Nukliyeer ah waa in aan meel iska dhignaa aragti kala duwanaanshaheena, waa in aan haatan tallaabo qaadnaa, hay'adda IAEA waa diyaar"ayuu yiri Mr Grossi maalmo ka hor sheegay in in 'gebi ahaanba adduunka uu faraha ka baxay'.
Mid kamid ah shaqaalaha warshadda Zaporizhzhia ayaa sheegay in gantaallada Ruushka ay ku qasbeen in la xiro qeyb kamid warshadda isla markaana ka digay halista shucaaca Nukliyeerka.
Duqeymahan Ruushka waxay gebi ahaan horseedeen halis daran oo ku aadan badqabka shaqaalaha" ayuu yiri shaqaale ka howlgal warshadda oo qoraal soo dhigay barta Telegram.

Xigashada Sawirka, ENERGOATOM/REUTERS
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xukuumadda Moscow waxay sheegtay in Ukraine ay ka dambeysay weerarka. BBC-da uma suurtagelin inay xaqiijiso wararka sheegay in duqeymaha ay burburiyeen warshadda Nukliyeerka ee Ukriane.
Si kasta ha ahaate, Midowa Yurub ayaa cambaareeyay waxa ay ku tilmaameen 'dhaqdhaqaaqyada militeri ee uu Ruushka ka geystay agagaarka warshadda'
"Tani waa xadgudub halis ah oo mas'uuliyad-darro ah oo ka dhan ah xeerarka badbaadada nukliyeerka iyo tusaale kale oo ah in Ruushku iska indho-tiray xeerarka caalamiga ah," ayuu yiri, Josep Borrell oo ah diblumaasi ka tirsan EU.
Wuxuu ku baaqay in hay'adda IAEA loo ogolaado inay gasho warshadda. Dad rayid ah oo ku sugan meel u dhaw warshadda oo lagu magacaabo Nikopol, ayaa BBC u sheegay in ciidamada Ruushka ay gantaallo ku garaacayeen deegaannada u dhaw warshadda iyo in militeriga Ruushka lagu arkay halkaas.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa Jimcihii sheegay in duqeyn kasta oo lag geystay warshadda Nukliyeerka uu yahay 'dambi aan laga xishoon oo falal argagixiso ah'.














