Qaramada Midoobay oo dalbaneysa in la baaro sidii ay u dhamatay Aysenur Ezgi

ysenur Ezgi Eygi

Xigashada Sawirka, International Solidarity Movement

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in baaritaan buuxa lagu sameeyo dilka haweeney haysatay dhalashooyinka Mareykanka iyo Turkiga oo ka dhacday Daanta Galbeed ee dhulka la heysto, xilli ay dibadbax ka socdeen Jimcihii.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in Aysenur Ezgi Eygi, oo 26 jir ah, ay toogteen ciidammada Israa’iil, xilli ay ka qaybqaadanaysay mudaaharaad toddobaadle ah oo lagaga soo horjeeday ballaarinta deegaamaynta Yuhuudda ee magaalada Beita ee u dhow Nablus.

Milatariga Israa'iil ayaa sheegay in ay dhankoodu "fiirinayaan wararka sheegaya in qof ajnabi ah uu ku dhintay rasaas ka dhacday aaggaas".

Qoyska Ms Eygi ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay aad uga naxeen oo ay ka murugoodeen in uu meesha ka baxay qof ay jecelaayeen oo "uaad ugu heelanaa u dhaqdhaqaaqidda xuquuqda aadanaha".

Qoyska ayaa sheegay in uu jiro muuqaal muujinaya in gabadhooda ay dishay rasaas uu ganay mid ka mid ah askarta Israa’iil, waxayna ku baaqeen in Maraykanku uu baaro.

Askar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Mareykanka ayaa ku booriyay Israa’iil inay baarto dhacdada. Sean Savett, oo ah afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, ayaa sheegay in Washington "ay aad uga xumaatay geerida naxdinta leh ee ku timid muwaadin Mareykan ah".

"Waxaan la xiriirnay dowladda Israa'iil si aan u weydiisano macluumaad dheeraad ah oo aan ka codsano in baaritaan lagu sameeyo shilka," ayuu yiri Mr Savett.

Bayaan ay soo saareen qoyska Ms Eygi, waxay ku sheegeen in marka la eego duruufaha jira, baaritaanka Israel uusan ahayn mid ku filan in lagu go’aan gaaro" waxayna ugu baaqeen Mareykanka inuu sameeyo baaritaan madax-bannaan oo "xaqiijiyo isla xisaabtan buuxa oo lagu sameeyo dhinacyada ku lugta leh dambiga.".

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Stéphane Dujarric, oo ah afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ayaa yiri: "Waxaan dooneynaa inaan aragno baaritaan buuxa oo ku saabsan sida ay wax u dhaceen iyo in ay dad u eedoobeen arrintaan."

Waxa uu intaas raaciyay dadka rayidka ah, "waa in la ilaaliyo mar walba".

Muuqaal laga soo duubay goobta wax yar ka dib toogashada ayaa muujinaya dhaqaatiirta oo Eygi kula cararaysa ambalaas.

Jonathan Pollak oo u dhaq dhaqaaqa Yuhuuda Israa’iil, oo ku sugnaa mudaaharaadka, ayaa u sheegay barnaamijka Newsshour ee ka baxa BBC da qaybteeda dunida la hadashay ayaa sheegay inuu arkayay "askar dusha sare ka saaran guri oo qoryo soo taagayay".

Waxa uu sheegay in uu maqlay laba xabbadood oo kala mar ah, "oo ilbiriqsi ama laba uun ay u dhexaysay".

"Waxaan maqlay qof magacayga ku dhawaaqaya oo ii yeeraya, oo af Ingiriisi ku leh, 'na caawiya, waxaan u baahanahay caawimaad, waxaan u baahanahay caawimaad." Xaggooda ayaan u orday,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in uu markaas arkay Eygi "oo hoos jiifta geed saytuun ah dhulkana taalla oo uu madaxeeda dhiig xoog leh ka baxayo.

Askar

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Gacanta ayaan dhabarka ka soo galiyay si aan dhiigga uga," ayuu yiri. "Kor ayaan fiiriyay, waxaanan ogaaday in askarta iyo meesha aan joognay markaas aan wax gabaad ah u dhaxaynin. Halbowlaha ayaan ka taabtay, aad iyo aad ayuuna daciif u ahaa garaciisu."

Waxa uu intaa ku daray in banaanbaxii dhacay jimcihii uu ahaa kii ugu horeeyay ee Eygi ay kala qeybgasho Dhaqdhaqaaqa Wadajirka Caalamiga ah, oo ah koox taageersan Falastiin.

Gabadhaan haysatay dhalashada labada waddan ayaa loola cararay isbitaal ku yaala Nablus ka dibna waxaa la sheegay in ay dhimatay.

Dr Fouad Nafaa, oo ah madaxa cisbitaalka Rafidiya oo la dhigay Eygi, ayaa xaqiijiyay in muwaadin Maraykan ah oo kunrta da’aadda labaatameeyada in ay u dhimatay "xabad madaxa kaga dhacday".

War qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa lagu yidhi: “Intii lagu jiray hawlgal ay sameynayeen ciidamada ammaanka Israa’iil ee ku sugan aagga Beita, ciidamadu waxay rasaas ugu jawaabeen qof rabashad ooge ahaa oo dhagaxaan ku tuuray ciidammada khatarna ku ahaa iyaga.

“Ciidanku waxa ay eegayaan wararka sheegaya in qof ajnabi ah uu ku dhintay rasaas ka dhacday agga. Faahfaahinta la xariirta dhacdada iyo sida ay wax ugu dhaceen haweeneeydaba waxaan ku wadnaa dib u eegis.

Jonathan Pollak ayaa markii ay BBC du wareysanaysay waxaa wax laga weydiiyay hadalka IDF ay soo saarta ee tibaaxaya in ciidamada ammaanka Israel ay ka jawaabayeen dhagax lagu soo tuuray.

Waxa uu sheegay in meesha ay xoogaa isku dhacyo ah ka jireen, balse uusan dareensanayn in ay ahaayeen “ wax Khatar ku noqon karay askarta”.

Meesha ay joogtay "wax dhagax tuuris ah kama jirin", ayuu yidhi.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ka xumaaday “khasaaraha naxdinta leh”, halka madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ku tilmaamay falka Israa’iil mid waxashnimo ah.