Gaalkacyo: Maxaa digada ariga doolar loogu kala gadanayaa magaaladaan?

hiisha

Sida ku dhigan sooyaalka taariikhda Soomaalida, waligeedba Soomaalidu waxay ahaayeen xoolo dhaqato, dhaqaale ahaana xooluhu waxay ilaa maanta yihiin kuwa ugu miisaanka weyn hantida ay Soomaalidu haysato.

Sida ay muujiyeen daraasadahu sidii beri miyigu u dhaqnaa hadda looma dhigna, waxaana loo sababeeyaa isbeddelka cimilada iyo abaaraha soo noq noqday oo saameeyey dhulkii xoolo daaqeenka ahaa.

Ka sakow cadka iyo caanaha xoolaha, xoolaha dhaqatada Soomaalidu wax intaa dhaafsiisan oo dheefa kuma qabin xoolaha basle dunidan casriga waxaa sii kordhay faa’iidooyinka ay leedahay waxkasta oo xoolaha qaybahoodu leeyihiin.

Digada xoolaha waxay ahayd wax la fogeeyo ama an si weyn loo isticmaalin dhulka Soomaalida haddese deegaano badan waxaa soo kordhaya in laga fahmay faa’iidada digada xooluhu u leedahay bacriminta beeraha.

Gobolka Mudug dadka oo ku foogan beeraha iyo kaydinta dhirta waxay hadda digada ka dhigeen mid qiimo yeellata oo xitaa la kaydsado.

Mustaf Cabdicasiis Xaarin, waa mid ka mida dadka ku howlan beeraha iyo dhirta , wuxuu BBC-da u sheegay in hadda shayga qiimo ahaan ay ka bixi karaan beeralaydu ee loo adeegsado in lagu bacrimiyo beeraha ay tahay digada xoolaha.

mustafe
Qoraalka sawirka, Musfate Xaarin, oo ka shaqeeya arrimaha beeraha iyo dhiraynta deegaanka

“Sida caadiga waxaa la isticmaala digada noocyadeeda kala duwan, nooca ugu fiican ee beeraha loo isticaamo wa tan lo’da, marka maadaama deegaankan ay lo’du ku yar tahay waxaan isticmaalnaa tan ariga oo xooggaa ka nafaqo yar”ayuu yiri Mustafe.

Wuxuu sheegay in digadu loo isticmalo in lagu bacrimiyo dhirta marka la abuuro, tan soo baxday iyo tan waaweyn ee beeraha ku taallaba waa loo adeegsadaa si loogu nafaqeeyo.

Qiimaha hadda lagu iibsado digada xoolaha

Bacriminta
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maadaama uu kordhay fahanka bulshada ee isticmaalka digada xoolaha in lagu nafaqeeyo beeraha oo ay barbar socdaan in dadku guryahooda ku beerayaan dhir ayaa sii kordhiyey muhiimadeeda waxaa iyada si is xig xigay u korortay qiimaha loorka ama kiishka digada ah ee magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda.

Qiimaha loorka ama kiishka digada xoolaha ayaa xilliyadii hore la kala siisan jiray ilaa soddon dollar basle hadda ayuu gaaray qiimo sare.

Mustafe ayaa sheegay in sidoo kale qiimaha oo kacay ay sababtay helida digada oo xooggaa yarataatay

“Maanta loorkii ama jawaankii digada ahaa wuxuu marayaa 55 ilaa 65 dollar inta u dhaxaysa, awal waxaan xasuustaa mararka qaar markii aan gaariga qaadanayo oo rabno inaan soo qaadano dadku waa noo yeeri jireen oo waxay dhihi jireen kaalaya qaata laakiin hadda markii la arko adigoo hiil ama digo qaadanaya qofkasta tiisuu ag istaaga wuxuu ku dhahayaa ma iga gadanaysaa, haddii kale ii dhaaf” ayuu BBC-da u sheegay Mustafe Xaarin.

Kaalinta ganacsiga ay ka gashay

Gawaarida

Ragga muruq maalka ah ee ku shaqaysta gawaarida loo yaqaan iska-rogooyinka ayaa xilliyadii hore kaliya ku tiirsanaa inay soo qaadaan ciida, dhagaxa iyo dhoobada laakiin hadda waxay heleen fursad ganacsi oo u soo korortay oo ah digada xoolaha.

Aadan Badal Maxamed, wuxuu ka mid yahay darawalada gadiidka soo qaada digada xoolaha wuxuu sheegay inay meelo fog fog ay ka soo qaadaan digada dalabadkeeda oo badan owgeed.

“Awal meelo dhow dhow ayan ka soo qaadi jirtay haddase waxaa ku maqnanaysaa maalin galinkeed, dhagaxa iyo ciidii iyadaa hadda nooga fiican iyada xoogga saarnaa” ayuu yiri Aadan.

Nooca loo baahan yahay

Darawal
Qoraalka sawirka, Aadan Badal, darawal ka shaqaysta hiisha xoolaha ee beeraha lagu bacrimiyo

Sida uu BBC-da u sheegay Aadan Badal nooc kasta oo diga ama hiisha xoolaha ma ah tan suuqa leh ee la gato waxaase jira nooc gaara oo looga iibsado faa’iidada ay beeraha u leedahay.

“Hiilkasta lama guree waa bahasha sanadaha joogtay ee madoobaatay ee roobabku heleen, baa la guraa, rag badan ayaa intii hiil loo diray inay keenaan bahal cusub oo markaa xoolaha laga guray” ayuu yiri Aadan.

Kobaca magaalooyinka ayaa sidoo kale qayb ka ah in dadku fahmaan in dhirtu qayb weyn ka qaadato bilicda iyo deegaanka, waxaa sida uu Musfate sheegay dadka doorbidaan inay guryahooda ku beeraan dhir badan.

Sida ay qeexayaan cilmi baarisyada beeraha, bacriminta beeraha waxaa loo kala saaraa kuwa dabiiciya iyo dad samee ah, digada ayaa ah tan dabiiciga ee ugu weyn ee loo adeegsado in lagu bacrimiyo beeraha.