Daawo Muuqaal laga duubay sida uu jawigu ahaa markii toogasho lagu dhaawacay Imran Khan

Qoraalka Muuqaalka, Imran Khan oo laga qaadayo goobtii lagu dhaawacay

Ra'iisal wasaarihii hore ee dalka Pakistan, Imran Khan ayaa lagu dhaawacay toogasho ka dhacday meel ay ka socdeen dibad-baxyo oo ku taalla bariga magaalada Lahore, ee dalka Pakistan.

Ma cadda inta uu gaarsiisan yahay dhaawaca soo gaaray Imran Khan .

Ra'iisul wasaarihii hore ayaa la arkayay iyadoo loo sii qaadayo isbitaal ku yaalla magaalada Lahore. Kaaliye sare oo xisbigiisa ka tirsan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ay ahayd "isku day lagu doonayey in lagu dilo", balse booliisku weli ma xaqiijin in uu ahaa bartilmaameedka.

Hogaamiye kale oo xisbiga ka tirsan, oo lagu magacaabo Yasmeen Rashid, ayaa sheegtay in Mr Khan ay xaaladiisa wanaagsan tahay. Booliiska ayaa soo bandhigay muuqaal muujinaya nin ay qabteen oo qiranaya dhacdadan islamarkana ay sheegeen inuu isku dayay inuu dilo RW hore. Ma cadda xaalada lagu qaaday waraysiga, balse waxaa ay ninkan booliiska waydiinayaan sababta uu rasaasta u furay, waxaanu ku jawaabay: "waxaa i marin habaabiyay dad, waxaan doonayay inaan dilo, waxaan isku dayay inaan dilo."

Muuqaal laga soo duubay goobta ayaa muujinaya Mr Khan iyo taageerayaashiisa oo iska sii dul dhacaya ka hor inta aan la maqlin rasaasta .

Muuqaal kale oo goobta laga soo duubay ayaa muujinaya Imran Khan oo miyir qaba oo faashad ay ugu duuban tahay lugtiisa midig oo gaari lagu sii qaadayo.

Imran Khan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ma cadda in Mr Khan si ula kac ah loo beegsaday sida uu sheegay mid ka mid ah gacanyarayaashiisa sare, iyo in kale. Xubno ka tirsan xisbigiisa PTI ayaa sheegay in afar qof oo kale ay ku dhaawacmeen toogashadaasi.

Ra'iisul wasaaraha hadda xilka haya Shehbaz Sharif ayaa cambaareeyay toogashada, wuxuuna amray in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo.

Mr Khan, oo 70 sano jir ah ayaa waxa uu hoggaaminayay isu soo bax lagu dalbanayay in doorashooyinka dalkaas dadajiyo. Xubno ka tirsan xisbigiisa PTI ayaa sheegay in afar qof oo kale ay waxyeelo soo gaartay, balse aysan jirin cid ku dhimatay.

Bishii aanu dhaafnay, guddiga doorashada Pakistan ayaa Mr Khan ka horistaagay inuu qabto xafiis dowladeed, taasi oo micnaheedu tahay in uusan doorashada ka qeyb gali karin.

Pakistan waxay leedahay taariikh dheer oo ku saleysan rabshado siyaasadeed oo uu dhiig ku daato.

Kiiskii ugu caansanaa, waa raisul wasaarihii hore Benazir Bhutto oo lagu dilay isu soo bax dadweyne sanadkii 2007-dii.