Ragga dalkan oo la sheegay inay ka hor geeriyoodan haweenka, maxaase sababay?

UK

Xigashada Sawirka, Getty Images

Bishan dhexdeeda dowladda England ayaa la-talin ka bilaabi doonta istaraatiijiyadda caafimaad ee ragga dalkaas. Tallaabadan ayaa in muddo ah la sugayay, sida ay khubarrada sheegeen, iyadoo ragga ay aad uga hor geeriyoodaan dumarka. Balse ma caafimaadkoodaa liita – maxaase laga qaban karaa?

Andrew Harrison wuxuu ka howlgeli jiray xarun caafimaad oo ragga ah oo ku taalla xarunta dhalinyarada ee Bradford markii uu maqlay garaaca albaabka. Albaabka dhankiisa ayuu u jeestay, balse cidna maysan joogin. Kadib wuxuu maqlay magaciisa oo lagu dhawaaqayo. Wuxuu arkay nin dhalinyaro ah oo daaqadda taagan oo weydiisanaya cinjirka galmada.

"Dabaqa koowaad ayaan joogay," ayuu yiri, isagoo dib u milicsanaya sheekada oo dhowr sano kahor dhacday. "Ninka wuxuu kasoo booday tubbo bannaanka dhismaha ah sababtoo ah ma uusan rabin inuu soo maro qeybta soo dhoweynta uuna wax weydiisto."

Arrintaas waxay siyaabo badan u muujineysaa caqabadaha ragga ka heysta caafimaadka – waa isku darka dabeecadaha u bareeridda khataraha iyo kalsooni la'aanta iyo xirfadaha lagula macaamilayo waaxaha caafimaadka.

Geerida xilli hore

Gudaha UK, ragga waxay u badan tahay inay sigaar cabaan, khamri cabaan, daroogo isticmaalaan iyagoo sidoo kale qabi kara kolostarool sare iyo dhiigkar.

Kuwaasi waa waxyaabaha ugu badan ee qeybta ka qaadanaya in raggu ay ka cimri gaabnaadaan dumarka - afar sano - ku dhowaadna 60% waxay u badan tahay inay kahor da'da 75 sano u geeriyoodaan xanuunnada wadnaha, kansarka sambabbada, xanuunnada beerka iyo shilal.

Prof Alan White, oo wax ka aasaasay ururka aan faa'iido-doonka ahayn ee Men's Health Forum isla markaana xarun caafimaad oo ragga u gaar ah ka furay Leeds Beckett University, ayaa sheegay in arrinta ay u baahan yahay in loo qaato si dhab ah.

Wuxuu xanuunkii safmarka ahaa usoo qaatay tusaale, isagoo sheegay in 19,000 rag ka badan haween ay u dhinteen Covid. "Halkee ayay wax ka khaldameen?"

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wuxuu sheegay inay aad u fududdahay in loo aaneeyo caafimaadka liita ee ragga ee hab-nololeedkooda, isagoo ku dooday "inay intaas aad uga qaro weyn tahay."

Wuxuu sheegay inay jiraan sababo dhanka abuurista ah – hannaanka difaaca ragga aad uma awoodo iska caabbinta caabuqa. Balse, si la mid ah sheekada ninka da'da yar ee raadinaya cinjirka ay muujineyso, waxay sidoo kale ka marnaan karaan xirfadaha lagu helo adeegyada caafimaadka.

Prof White ayaa yiri: "Raggu waa kuwo caafimaadkooda ka warqaba, taasi maaha in la yiraahdo ma yeelan karaan xirfado ay caafimaadkooda uga hadlaan ayna wax uga qabtaan calaamadaha. Caafimaadka ragga waa mid aan degganeyn laga soo bilaabo sanadahooda dhalinyaronimada ilaa ay ka gaaraan da'da 40meeyada guud ahaan – qaar badan ayaa sanado jooga iyadoo aan xirfadle caafimaad arkin.

"Haweenku way uga duwan tahay. Inay helaan adeegyada ilmo kala korinta, baaritaanka makaanka iyo haddana ilmo dhalidda waxay la micno tahay in haween badan ay si joogto ah xiriir ula leeyihiin waaxaha caafimaadka si ka duwan ragga."

Baraarujin

Ragga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Balse intaasi midna micnaheeda maaha in raggu aysan dan ka lahayn caafimaadkooda, sida uu qabo bare sare Paul Galdas, oo ah khabiir caafimaadka ragga oo ka tirsan York University. "Raggu way hadli doonaan wayna doonayaan la talin, balse inaad sameyso waa inaad ku saleysaa ficillada iyo wax qabadka."

Wuxuu sidoo kale qeyb ka qaatay in barnaamij lix toddobaad soconaya oo caafimaadka maskaxda ah la sameeyo iyadoo la kaashanayo waaxda caafimaadka dalkaas ee NHS.

Haatan waxaa cayaartoydooda da'da yar u adeegsada naadiga kubadda cagta ee Leeds United.

Ragga ayaa la siiyaa taageero si ay u fahmaan sida dabeecaddooda ay u saameyso xaalkooda, waxaa lagu dhiirrigeliyaa inay la socdaan dhaqamadooda ayna yeeshaan hadaf waxqabadyo caafimaad.