Jimicsiga: Farqi waqtiga ah miyaa u dhaxeeya ragga iyo haweenka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jimicsiga aroortii hore ayaa la sheegay inuu caafimaad u yahay haweenka doonaya inay is caateeyaan hoosna u dhigaan khatarta dhiigkarka.
Sida laga soo xigtay daraasad lagu sameeyay gudaha Mareykanka, jimicsiga jireed ayaa u wanaagsan caafimaadkaaga iyadoo aan la eegeyn xilliga ka mid ah maalintii ee aad sameyso, balse waqtiga maalintii ee aad natiijo fiican ka keeni karto jimicsiga ayaa u kala duwan ragga iyo haweenka.
Waxay daraasaddu sheegeysaa in haweenku ay baruur badan gubaan marka ay jimicsadaan subixii, halka ragguna ay miisaan badan iska ridaan marka ay jimicsi sameeyaan fiidkii.
Daraasaddan ayaa lagu saleeyay rag iyo haween ka qeyb qaatay oo baaritaan lagu sameeyay, sida ay sheegeen baarayaasha sameeyay daraasadda.
Farqiga hoormoonnada, jirka iyo xilliga hurdada ee haweenka iyo ragga ayaa dhammaanba door ku lahaan kara arrintan.
Daraasadda, oo ay ka qeyb qaateen 30 rag ah iyo 26 haween ah - oo dhammaantoodba ah kuwo firfircoon oo caafimaadna qaba, da'dooduna u dhaxeyso 25 iyo 55 - ayaa socotay 12 toddobaad waxaana lagula socday saameynta noocyada jimcisiga kala duwan.
Koox ka mid ah kuwa ka qeyb qaatay daraasadda ayaa jimicsi sameeyay muddo hal saac ah kahor 8:30 a.m., halka kuwa kalena ay isla jimicisgaas sameeyeen fiidkii, intii u dhaxeysay 6 p.m. iyo 8 p.m. Dhammaanba kooxahan ayaa raacay jadwal cunto gaar ah oo loo qoondeeyay.
Baarayaasha ayaa tijaabiyay cadaadiska dhiigga ee qof walba iyo baruurta jirka intii ay daraasaddu socotay, iyo sidoo kale firfircoonidooda iyo awooddooda bilowgii iyo dhammaadkii daraasadda.
Dhammaan dadka ka qeyb qaatay daraasadda ayaa waxaa soo hagaagay caafimaadkooda iyo firfircoonidooda intii ay socotay tijaabada 12-ka toddobaad, iyadoo aan la eegeyn waqtiyada ay sameeyeen jimicsiga.
"Waqtiga ugu habboon ee la jimicsado waa marka aad awooddo oo jadwalkaagana u suurto galeyso," ayuu yiri Dr. Paul Arcerio, oo ah hormuudka daraasadda isla markaana wax ka dhiga jaamacadda Skidmore College, New York.
Balse wuxuu soo jeedinayaa inay jirto arrin kale oo ah in xilliga ugu fiican ee la jimicsado maalintii ay u kala duwan tahay haweenka iyo ragga.
Hadda ama hadhow?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Marka la eego natiijada daraasadda, haweenka doonaya inay yareeyaan dhexda hoosna u dhigaan dhiigkarka ayaa looga baahan yahay inay jimicsi sameeyaan aroortii, sida uu sheegay Dr. Arcer
Tani waa muhiim sababtoo ah baruurta dhexda ama caloosha ayaa ku wareegsan xubnaha jirka, oo uu ka mid yahay beerka, halis ayayna sababi kartaa.
Si taa ka duwan, wuxuu sheegay in haweenka doonaya inay dhisaan murqaha iyo guud ahaanba caafimaadkooda ay jimicsi sameeyaan fiidkii.
Ragga tijaabada ka qeyb qaatay ayaa inta badan uusan saameyn ku yeelan waqtiga jimicsiga, iyadoo caafimaadkooda iyo firfircoonidoodaba ay hagaageen aroortii iyo fiidkiiba.
Balse jimicsiga fiidkii ayaa la sheegay "inuu u wanaagsan yahay ragga doonaya inay wanaajiyaan caafimaadka wadnahooda, iyo sidoo kale xaaladdooda maskaxeed," sida uu sheegay Dr. Arcerio.
Hagaajinta caafimaadka jirka waxaa ka mid ah yareynta khatarta xaaladaha sida cayilnaanta xad dhaafka ah, nooca labaad ee sokorta, cudurrada wadnaha iyo dhiig-furanka maskaxda.
Ma cadda sababta saxda ah ee ay u kala duwan yihiin waqtiyada jimicsiga ee u habboon ragga iyo haweenka, baarayaasha ayaana sheegay in loo baahan yahay in wax intaa ka badan laga ogaado.
Sida ay sheegeen baarayaasha, haweenka ayaa laga yaabaa inay baruur badan gubaan subixii sababtuna ay tahay in baruur badan ay ka saaran tahay caloosha.
Daraasadda oo lagu daabacay wargeyska Frontiers in Physiology, ayaa waxaa lagu sameeyay dad miisaankoodu uu yahay mid fiican, balse baarayaasha ayaa sheegay in sidoo kale tijaabada lagu sameyn karo dadka aadka u cayilan.
"Waxaa laga yaabaa inay aad uga faa'iidaan," ayuu yiri Dr. Arcerio.










