Jimicsiga oo la ogaaday in uu daweeyo xanuun dadka ku dhaca

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Jimicsiga ayaa faa'iido u leh bukaanada qaba xanuunada ku dhaca kala goysyada jirka, waxaana lagu tilmaamaa "daawaynta ugu weyn" ee xanuunka, sida laga soo xigtay urur arrimaha caafimaadka qaabilsan oo ka dhisan Ingiriiska.

Machadka qaranka ee caafimaadka iyo daawada ee UK ayaa leh: "Marka aad jimicsiga sameyneyso waxaad dareemi kartaa xanuun marka hore laakiin wuxuu kaa caawinayaa inuu yareeyo xanuunka cudurrada ku dhaca kala goysyada jirka"

Baaritaanno looma baahna si loo ogaado xanuunka ku dhaca kala goysyada jirka ama in bukaanka la siiyo xanuun baabi'iye xooggan balse waxaa lagula taliyay bukaannada jimcsi.

Cudurrada ku dhaca kala goosyada jirka waa mid ku sii badanaya dadka. Ku dhawaad 1.2 malyan oo qof oo ku nool UK oo ay da'doodu ka weyn tahay shan sano ayaa la daalaa dhacaya xanuunkan.

Cudurkan wuxuu ku dhacaa dadka qaar ee da'da ah , dadka qaar uu ku dhacay waxay isku arkeen astaamo fudud laakiin qaar kale waxay dareemaan xanuun aad u daran iyo barar taas oo adkeynaysa in qofka uu sameeyo jimicsiga.

Machadka qaabilsan caafimaadka ee Ingiriiska ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqa jireed uu yahay tallaabada ugu weyn ee lagu daweyn karo xanuunkan.

Waxay intaa ku dareen in habraacan cusub uu yahay mid bukaannada u xaqiijin doono in jimicsiga uu yahay tallaabada ugu muhiimsan ee macquulka ah ee lagu daweyn karo cudurrada ku dhaca kala goosyada jirka.

Dr Wendy Holden oo kasoo jeeda UK ayaa tiri: "Dadka intooda badan ma rumaysno jimicsiga waxayna u maleynayaan in jimicsigu uu dhaawici karo kala goysyada jirka, sidaa darteed tilmaantan cusub waa mid aad muhiim u ah.

"Waxaan rajeyneynaa in tani ay xoojin doonto caafimaadka bukaannada oo ay kordhiso kalsoonida naftooda inay ka caawiyaan inay ka hortaggaan xanuunka. "

Jimicsiga, muxuu naga caawiyaa?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Jimicsigu wuxuu dhisaa muruqa wuxuuna dadka ka caawin karaa inay ilaashadaan miisaankooda jirka si ay u xoojiyaan caafimaadkooda.

Dad badan ayaa ka fekeraa sidii ay u qaadan lahaayeen kaniiniga xanuun baabi'iyaha halkii ay sameyn lahaayeen jimicsiga, ciyaaraha, sida laga soo xigtay hay'adaha qaabilsan arrimaha caafimaadka.

"Jimicsiga wuxuu xoojiyaa murqaha, wuxuu daweeyaa cudurka, laakiin sidoo kale wuxuu hagaajiyaa tayada nolosha dadka," ayuu yiri Dr. Paul Crisp oo ka tirsan Machadka qaranka ee caafimaadka iyo daawada ee UK.

"Jimicsiga marka hore waxaa laga yaabaa inuu yara adag yahay, dadka qaarna wey ka walaaci karaan laakiin waxay u baahan yihiin in la taageero oo la siiyo macluumaad buuxa si ay u maareeyaan xaaladdooda mustaqbalka fog, ku lama talineyno inay qaataan dawooyinka xanuunka baabi'iya sida paracetamol. ama kuwo kale." ayuuu yiri Dr. Paul Crisp.

Dhakhaatiirtu waxay aaminsan yihiin in dawooyinkan xanuun baabi'iyaha ah ay leeyihiin faa'iidooyin aad u yar, taas oo macnaheedu yahay in aanay wax faa'iido ah lahayn, qaarna waxay leeyihiin saameyn la qabatimo muddo dheer ama xitaa waxyeello.