Maxaan ka naqaan xildhibaannada la sheegay inay ku dhaawacmeen weerarkii Laas – gacameey?

Qaybdiid & Dhabancad

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in shaqsi ka tirsan ururka Al-shabaab uu saaka weerar ismiidaamin ah kusoo qaaday halka uu ka degganaa deegaanka Laas – Gacameey oo u dhow Bacaadweyne madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Halka uu weerarka ismiidaaminta ah ka dhacay waxaa sidoo kale ku sugnaa mas’uuliyiin katirsan dowladda federaalka ee Soomaaliya, waxaa kamida xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo la sheegay in uu dhaawac fudud kasoo gaaray weerarkaasi iyo sidoo kale xildhibaan Cabdisalaan xaaji Axmed Dhabancad oo sida aan xogta ku heleyno uu isaguna soo gaaray dhaawac fudud.

Haddaba maxaan ka naqaan labada mas’uul ee ka kala tirsan labada gole ee barlamanka ee ay dhaawacyadu soo gaareen?

Qaybdiid

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxa uu 1948-kii ku dhashay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, hase ahaatee waxa uu ku wax ku bartay Magaalada Muqdisho.

Sanadkii 1964-kii, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxaa loo qaatay Ciidanka Soomaaliya, halka sanadkii 1979-kii uu qaatay Darajada Xidigle.

Sanadkii 2007 ilaa 2009-kii, waxaa loo dallacsiiyay S. Guuto, wuxuuna ahaa Taliyaha Police-ka Soomaaliya, isaga oo 2009-2010-kii loo dalacsiiyay S. Gaas, wuxuuna isla waqtigaas ahaa Wasiirka Macdanta & Biyaha.

Qeybdiid waxa uu sanadkii 2012-kii ilaa 2015-kii ahaa Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Xildhibaan qaybdiid ayaa kusoo biiray golaha aqalka sare ee Soomaaliya sanadkii 2017-kii xilligaas oo loo doortay senetar kamida golaha aqalka sare ee Soomaaliya.

Dhabancad

Xigashada Sawirka, Google

Sidoo kale xildhibaan Cabdisalaan xaaji Axmed Dhabancad wuxuu muddo dheer oo konton sano gaaraysa ka shaqaynayey hawlaha diplomaasiyadda. Marka dhinacaas laga yimaado waa aabbe iyo siyaasi.

Xilkii ugu dambeeyey ee uu qabto ayaa ahaa inuu kamid ahaa mas’uuliyiinta ugu sarraysa wasaaradda arrimaha dibadda.

Muddo dheer wuxu danjire ka ahaa dalka Pakistan. Sanooyinkii u dambeeyey wuxuu u badnaa dhinaca siyaasadda.

Markii uu 2021-kii ku guulaystay xildhibaan-nimada ayaa loo doortay inuu noqdo mas’uulka sida ku meel gaarka ah u sii qabanaya xilka inta uu golaha baarlamaanka ka yeelanayo guddoomiye maadaama da’ ahaan uu ahaa xildhibaanka ugu da’da weyn golaha shacabka.

Wuxuu maamulayey doorashadii uu ku soo baxay Sheekh Aadan Madoobe, wuxuuna xilka ku wareejiyey guddoomiyaha cusub.

Wuxuu ku hadlaa luqadaha Ingiriisaka, Talyaaniga iyo Carabiga.

Al-shabaab

Xigashada Sawirka, Google

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Jeneraal Cabdi Qaybdiid iyo Senator Cabdisalaan Dhabancad ayaa ka mid ahaa mas'uuliyiin ka tirsan golayaasha federaalka oo todobaadyadii u dambeeyey ku sugnaa jiidaha hore ee dagaalka u dhaxeeya dawladda federaalka iyo maamullada oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Kooxda Al-shabaab ayaa saakay waaberigii gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ku weerartay madaxweynaha Galmudug, Qoorqoor iyo masuuliyiin kale oo ku sugnaa degaanka Laas-gacamey oo katirsan degmada Bacaadweyne ee koonfurta gobolka Mudug.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ayaa ka hor tagay weerarkan ka hor inta uusan soo gaarin goobta ay ku sugnaa masuuliyiinta.

Ciidamo katirsan madaxtooyada Galmudug ayaa ku geeriyooday weerarka, halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay taliyaha ciidanka Daraawiishta Galmudug.

Dhaawaca labadaas mas'uul ayey wararku sheegayaan in uusan darnayn, laakin wasiir ku xigeenka caafimaadka ee Galmudug Maxamuud Axmed Maxamed, wuxuu BBC u sheegay in aysan jirin dhaawac soo gaaray mas'uuliyiintaas wuxuuse ku gaabsaday "Dhabancad ayaa firir yar uu gacan ka xagtay”.

Dadka weerarakaas ku dhaawacmay ayaa la filayaa, sida uu wasiir ku xigeenku sheegay, in loo duuliyo magaalada Muqdisho.