Waa maxay malaayiinta kaniini ee lagu saqraamo ee gacanta lagu dhigay

Xigashada Sawirka, Dubai Police
Booliska dalka Imaaraadka Carabta ayaa gacanta ku dhigay 13 tan oo kaniiniga amphetamine-ka ah oo si qarsoodi ah loo soo dhex geliyay alaab guri.
Dawada loo yaqaanno Captagon oo qiimeheeda lagu qiyaasay In kabadan $1bn (£810m) ayaa la helay ka dib markii saraakiisha lagu wargaliyay maraakiib konteenarro ah oo laga shakiyay.
Muuqaal ayaa muujinayay booliska Dubai oo jeex-jeexaya alwaaxyo xir xiran iyo albaabo kale oo lagu dhex qariyay 86 milyan oo kaniini ah.
Waxaa loogu magacdaray "daroogadii miskiinka", Captagon ayaa lagu soo warramayaa inuu kamid yahay daroogada ugu caansan ee dhallinyarada Khaliijka.
Sidoo kale waxa ay imaaneysaa iyadoo iibinta amphetamine-ka uu noqday dhibaato Bariga Dhexe oo dhan ah intii lagu jiray dagaalka dheer ee Suuriya.
Boolisku ma aysan sheegin halka laga shakisan yahay ee shixnadaha sharci darrada ah, hase yeeshee dawadan Captagon-ka ayaa la rumeysan yahay in laga soo saaray inta ugu badan gudaha Suuriya.
Xilligii uu aadka u xoogganaa dagaalkii sokeeye ee dalkaasi ayaa kooxaha hubaysan waxay dawada siin jireen dagaalyahannada taas oo ahayd mid ay aad u qabatimaan si ay u xoojiso geesinimadooda.

Xigashada Sawirka, EPA
Mareykanka, UK iyo Midowga Yurub ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad, qoyskiisa iyo xulafadiisa, oo ay ku jiraan kooxda xagjirka ah ee Xisbullah ee Lubnaan, in ay fududeeyeen oo ay ka macaashaan ganacsiga la xiriira daroogada. Waxay yiraahdeen taasi waxay siisay xukunka Asad dhaqaale aad u weyn xilli dhaqaalaha Suuriya uu burburayo. Dowladda Suuriya iyo Xisbullah ayaa beeniyay eedeymahaas.
Wadamada Khaliijka Carabta ayaa ka dib markii ay taageereen fallaagada isku dayaysay in ay xukunka ka tuuraan Bashar Al-Asad bilowgii dagaalka. Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in ay u badan tahay in qayb ahaan ay sabab u tahay dadaalkooda lagu joojinayo qulqulka daroogada gobol ahaan.
Faqriga sii xumaanaya ayaa la sheegay in ay ku qasabtay dad badan oo reer Suuriya ah in ay ku lug yeeshaan ganacsiga sharci darrada ah ee daroogadan awoodda badan ee Captagon-ka, taas oo qiimeheedu gaarayo balaayiin doollar.
In kasta oo ay jirto diidmo ka timid dowladda Suuriya, haddana wararku waxa ay muujinayaan shakhsiyaadka awoodda leh ee ganacsiga iyo millatariga ku lugta leh soo saarista iyo qaybinta daroogadan.
BBC-da ayaa daaha ka qaadday xiriirka ka ganacsiga daroogada ee madaxda sare ee Suuriya.
Booliiska Dubai ayaa sheegay in howlgal ballaaran oo ay sameeyeen ay ku qabteen shan konteenar oo ay ku jiraan 13-tan oo kaniini ah.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Muuqaal ay baahiyeen ayaa muujinayay askarta oo daba gal ku haysay konteenarrada oo ay la socdeen dadka laga shakisan yahay, sidoo kale waxay kala furfureen 651 albaab iyo 432 alwaaxyo xir xiran ah si ay u gaaraan gunta hoose ee halka u uku jiray maandooriyaha.
Koox caalami ah ayaa qorsheynaysay in dawooyinkan lagu qariyay konteenarro ay geeyaan Imaaraadka kadibna ay u qaadaan dal kale, sidaas waxaa yiri Maj Gen Eid Mohammed Thani Hareb, madaxa waaxda la dagaalanka muqaadaraadka ee booliska imaaraadka.
Mashiinka raajada iyo eeyaha booliiska ayaa ka caawiyay soo bixinta meelaha lagu qariyay, ayuu raaciyay.
Howlgalka ayaa waxaa lagu soo qab qabtay lix ruux oo eedeysane yaal ah.
Waxaa la aaminsan yahay in ay tahay mid ka mid ah soo gudbintii ugu weyneed ee abid la qabto.
14-tan oo kaniiniyada daroogada ah ee Captagon -ka oo lagu soo qariyay durbaanno la xir xiray ayaa lagu qabtay dalka Talyaaniga sanadku markuu ahaa 2020-kii, halka sannadkii hore Sacuudi Carabiya ay qabteen 46 milyan oo kaniiniga amphetamine-ka ah oo si qarsoodi ah lagu soo geliyay iyadoo lagu dhex qariyay shixnad bur ah.













