Sida uu madaxweyne Qoorqoor uga badbaaday weerarkii Al Shabaab

Xigashada Sawirka, Facebook
Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in is miidaamiye ka tirsan Al Shabaab uu saaka weerar ku soo qaaday halka uu ka degganaa deegaanka Laas – Gacameey oo u dhow Bacaadweyne madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Madaxweyne Qoorqoor wuxuu todobaadyadii u dambeeyey ku sugnaa furumaha dagaalka, gaar ahaan deegaannada Galgaduud.
Meelahaas waxaa ka mid ahaa jiidaha ceel Buur iyo deegaannada ku xeeran, isagoo ujeedadiisu ahayd inuu hago ciidanka dagaalka ku jira.

Xigashada Sawirka, .
Weerarka oo dhacay abaarihii 5:40 ee subaxnimo ayaa qofkaas oo waday gaari nooca Soomaalida u taqaanno Leyla Calawi wixii isku dayey, sida ay wararku nagu soo gaarayaan, inuu xoog ku jiiro ilaalada madaxweynaha, laakinse rasaas xoog leh oo lagu furay ayaa keentay inuu qarxo intii uusan gudaha u gelin dhismaha.
Qaraxaas ayey wararku sheegayaan inuu burbur u geystay qaybta hore ee dhismaha.
Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Galmudug oo BBC la hadlay waxay sheegeen ay rumaysan yihiin in bartilmaameedka uu yahay Madaxweyne Qoorqoor.
Waxay intaa ku dareen in aysan arrintan “cabsi gelin doonin, oo aysan niyad jabin doonin dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab”, oo madaxweyne Qoorqoorna uu halka ka wado hogaaminta dagaalka. Sidaasoo kale waxa hore u sheegay madaxweynaha Soomaaliya oo muddoo bil ka badan Galmudug dagaalka Al Shabaab.
Weerarkii saaka ayey wararku sheegayaan in mid mid ah ilaalada Qoorqoor uu gaari Cabdi bile ah ku hor gooyey gaariga is qarxiyey,isagoo ka hor istaagay inuu gaaro halkii uu doonayey inuu ku qarxo. TAlaabadaas waxaa ku dnhintay wiilka ka tirsan ilaalada qoorqoor ee hor istaagay gaariga qaraxa siday.
Khasaaraha soo gaaray dhinaca Galmudug ayaa la sheegayaa inuu gaarayo laba askari oo dhimasho ah iyo 12 dhaawac ah sida uu BBC u sheegay Maxamuud Axmed Maxamed, wasiir ku xigeenka caafimaadka ee Galmudug.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Warar madax banaan oo BBC ay heshay waxay sheegayaan in weerarkaas ay sidoo kale ku dhaawacmeen senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) iyo xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad) oo iyagana dhismahaas ku sugnaa.
Maxamuud Axmed wuxuu beeniyey in dhaawac uu soo gaaray mas’uuliyiintaas, wuxuuse ku gaabsaday "Dhabancad ayaa firir yar uu gacan ka xagtay”.
"Isbitaalka degmada Wisil ayaan ku suganahay, waxaana rajaynayaa in kuwa aan halkan wax looga qaban karin Xamar loo qaado sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu si raaciyey, wuxuuna sheegay in daawada ay isbitaalkaas ku yar tahay.
Wasiir ku xigeenku wuxuu meesha ka saaray in la sii ogaa weerarkaas inuu ku soo maqan yahay dhismaha uu deganaa Qoorqoor, wuxuuse sheegay in uu halka soo gaaray shalay.
Dhawaan ayey ahayd markii weerar qarax ah lagu qaaday duleedka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo xilligaas fariisin u ahayd madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Al Shabaab waxay hore u bartilmaameedsadeen madaxweynayaal xilka hayey oo uu ugu dambeeyey Xasan Sheekh Maxamuud.
Cabdullaahi Yuusuf Axmed

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cabdullaahi Yuusuf Axmed - oo Soomaaliya madaxweyne kasoo noqday intii u dhaxaysay 14-kii bishii Oktoobar ee sanadkii 2004 ilaa 29-kii bishii Diseember ee sanadkii 2008 - ayaa labo jeer ka badbaaday isku day dil oo lagu damacsanaa in lagu khaarijiyo.
Qof kaxaynayay gaari ay ku jiraan waxyaabo qarxa ayaa 18-kii Sebteembar ee sanadkii 2006 isku qarxiyay bannaanka hore ee dhismaha fadhiga u ahaa baarlamaanka ee magaalada Baydhabo.
Qaraxaas iyo israsaasayn daba socotay waxaa ku dhintay 11 qof oo uu ku jiray madaxweynaha walaalkiis.
Hase yeeshee, Cabdullaahi Yuusuf oo xilligaas goobta ku sugnaa ayaa ka badbaaday weerarka.
Waxaa jiray weerar kale oo lagu qeexay isku day kale oo lagu beegsanayay madaxweynaha.
Koox la tuhusan yahay inay Islaamiyiin yihiin ayaa 1-dii bishii June ee sanadkii 2008 hoobiye ku weeraray diyaarad uu saarnaa madaxweynihii dowladdii ku-meel-gaarka ahayd, Cabdullaahi Yuusuf.
Balse ma jirin cid wax ku noqotay weerarkaas, diyaaraddana wax burbur ah kama soo gaarin.
Shariif Sheekh Axmed

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweyneyaasha la beegsaday waxaa kale oo ka mid ahaa Shariif Sheekh Axmed oo 31-kii bishii Jannaayo ee sanadkii 2009 xilka kala wareegay Cabdullaahi Yuusuf, hoggaanka dowladdana hayay ilaa 20-kii bishii Agoosto ee sanadkii 2012.
Dhow bil ka hor intii uusan xilka wareejin oo ku beegneyd 29-kii May ee sanadkii 2012, ayuu Shariif Sheekh Axmed ka badbaaday isku day dil oo lala damacsanaa.
Dablay la tuhunsan yahay in ay Al-Shababaab ka tirsanaayeen ayaa weerar ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo uu madaxweynuhu la socday, xilli ay marayeen duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sida ay tebisay warbaahinta maxalliga ah.
Ugu yaraan hal askari ayaa lagu soo warramay inuu ku dhintay weerarkaas, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.
Xasan Sheekh Maxamuud

Xigashada Sawirka, Facebook
Madaxweynaha hadda xilka haya ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhowr jeer isku dayo dil ka badbaaday intii uu xilka hayay dowrkii hore ee uu beddelay Shariif Sheekh Axmed.
Aragtida Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu daabacay wargayska "The Economist" ayuu ku sheegay saddex jeer oo uu ku sigtay in la dilo.
"Waxaan ka badbaaday ugu yaraan saddex isku day oo lagu doonayay in la igu dilo," ayuu yiri madaxweynaha.
Isagoo sii faahfaahinaya ayuu intaas ku daray: "Saddexda jeerba waxay ahaayeen waqtigii hore ee aan madaxweynaha ahaa [intii u dhaxaysay 16 September 2012 – 16 February 2017].
"Isku daygii ugu horreeyay wuxuu dhacay maalintii ugu horraysay ee aan xafiiska imid; midka labaad wuxuu dhacay anigoo u socda masjid ku dhex yaalla xarunta madaxtooyada; midka saddexaadna wuxuu dhacay anigoo ku jira safar aan ugu socday magaalada Marka, oo aan ka xoraynay Al-Shabaab."
Weerarka ugu horreeyay ee uu Xasan Sheekh ka hadlay, oo ahaa qarax ka dhacay hoteelka Jasiira, waxaa lagu beegay xilli uu madaxweyna la shirayay mas'uuliyiin shisheeye ah.
Waxaa mas'uuliuuunya goobjoogga ahaa ka mid ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Kenya, Sam Ongeri.
Waxaa la shaaciyay muuqaal laga arkayay madaxweynaha oo isagoo hadlaya ay jugta qaraxa dhacday, una muuqday inuu gabbaday.
Tan iyo markii Xasan Sheekh Maxamuud xilka loo dhaariyay markii labaad, waxa uu ku celcelinayay in uu Al-Shabaab dagaal la geli doono, uuna qorshaynayo sidii uu uga guulaysan lahaa.
Al Shabaab ayaa hore waxaa looga saaray deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyoi Shabeellaha dhexe.









