Shiinaha oo war hor leh kasoo saaray dhoolatuska militeri ee ka dhanka ah Taiwan

Dhoolatuska militeri ee Shiinaha

Xigashada Sawirka, EASTERN THEATRE COMMAND/REUTERS

Qoraalka sawirka, Dhoolatuska militeri ee Shiinaha

Shiinaha ayaa sheegay in uu sameynayo dhoolatus hor leh oo militeri kaas uu ka fulin doono badaha Yellow iyo Bohai kadib dhoolatus militeri oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka waday deegaannada ku hareereysan jasiiradda Taiwan.

Dhoolatuskan militeri ayaa ka dambeeyay markii Shiinaha uu ka carooday markii Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay booqasho ku tegtay halkaas.

Taiwan ayaa ku eedeysay Shiinaha in uu wado duullaan ka dhan ah jasiiradda oo uu Shiinaha u arko inay ka tirsan tahay dhulkiisa.

Axaddii, nin si weyn uga faalooda arrimaha militeriga Shiinaha ayaa sheegay in Shiinaha uu dhoolatus militeri oo joogta uu si toos ah uga sameyn doono goobaha ku xeeran Taiwan.

Shiinuha waxa uu Taiwan u arkaa gobol ka go'ay oo ugu dambeyntii hoos iman doona maamulka Beijing. Laakiin Taiwan waa jasiirad iskeed madaxbanaani ugu dhawaaqday oo isu aragta in ay ka duwan tahay dhul weynaha Shiinaha.

Haddii madaxda caalamka ay aqoonsadaan Taiwan waxay arrintaas si dhab ah uga careysiineysaa Shiinaha.

Iyadoo Shiinaha uu si isdaba joog ah uu dhoolatus militeri uga fulinayo agagaarka Taiwan kaas oo la filayo in uu soo gabagabeeyo Axadda ayaa maamulka badaha Shiinaha wuxuu sheegay in tiro dhoolatus militeri ah ay ka sameynayaan goobo kale.

Badda Yellow-waxay u dhexeysaa Shiinaha iyo gacanka Kuuriya-waxaana lagu waday in halkan ay ka bilaabmaan dhoolatusyada militeri ee Shiinaha ee maalinlaha ah laga bilaabo Sabtidii ilaa bartamaha bisha August iyadoo dhoolatuska uu qeyb ka yahay gantaallo toos ah oo la ridayo.

Dhoolatuskan ayaa la filayay in la soo afjaro duhurnimadii Axadda, laakiin Shiinaha iyo Taiwan midkoodna ma xaqiijin gunaanadkooda.

Si kastaba ha ahaatee, wasaaradda gaadiidka ee Taiwan, ayaa sheegtay in inta badan shirkaddeeda diyaaradda iyo howlaha marakiibta ay si tartiib tartiib ah dib ugu bilaaban karaan duhurnimada Axadda.

Waxay intaa ku dartay in diyaaradaha laga weecin doono goobaha uu Shiinaha ka sameynayo dhoolatuska militeri.

Gudaha Taiwan, dadku waxay si weyn uga falceliyeen ficillada Shiinaha afartii maalmood ee la soo dhaafay uu ku waday halkaas.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay boqolaal dad ah oo ku damaashaadayay xaflad wayn oo habeenkii sabtida ka dhacday mid ka mid ah jasiiradaha ka baxsan Taiwan ee u dhaw xeebaha Shiinaha.

Waa farriin si wadajir ah oo ku socota xukuumadda Beijing, waxay u egtahay in hanjabaadda Shiinaha aysan shaqeyneyn.

Dhoolatuska militeri ee Shiinaha maalmihii lasoo dhaafay ka waday agagaarka Taiwan

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dhoolatuska militeri ee Shiinaha maalmihii lasoo dhaafay ka waday agagaarka Taiwan
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hadalka Mareykanka

Wasaaradda difaaca ee Taiwan, ayaa sheegtay in maraakiibta iyo diyaaradaha Shiinuhu ay hawlgalo ka fuliyeen marin biyoodka Taiwan Sabtidii, iyadoo qaarkood ay ka gudbeen Khadka Dhexe ee labadda dhinac u dhaxeeya.

Diyaaradaha dagaalka ee Taiwan, ayaa dhowr jeer u digay kuwa Shiinaha, ee kasoo tallaabay hawada Taiwan.

Ciidamada Taiwan ayaa intaa ku darey in dhoolatuskaasi uu ahaa mid u dhigma weerar lagu soo qaaday jaziiradda.

Maamulka Beijing kama aysan hadlin dhoolatusyadii ugu dambeeyey, balse waxaa la filayaa inay sii wadaan dhoolatuska military, ee hawada iyo badda ee Taiwan illaa maanta oo Axad ah.

Xukuumadda Washington, ayaa ku eedeysay Shiinaha inay sii kordhinayso xiisadda u dhaxeysa labadda dhinac.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad, ayaa daandaansi, iyomas’uuliyad darro, ku tilmaamay dhoolatuska military ee Shiinaha.

Xiiisadan iminka ugu dambeysa ayaa ka dhalatay safarkii ay madaxa aqalka wakiilada Mareykanka, Nancy Pelosi, ku gaartay jasiiradda Taiwan.

Shiinaha ayaa sheegay in socdaalka, Pelosi, “ay dhab ahaantii khatar galineysay” nabadda iyo xasiloonida marin biyoodka Taiwan.

Shiinuhu waxa uu Taiwan u arkaa gobol kamid ah dhul weynaha Shiinaha.

Balse, Taiwan waa jasiirad iskeed isku maamusho, isla markaana isu aragta inaysan qeyb ka ahayn dhulweynaha Shiinaha.

Jaziiraddu waxay leedahay dastuur u gaar ah, hoggaamiyeyaal si dimuqraadi ah loo soo doortay, iyo illaa iyo 300,000 oo ciidamo ah.

Dalal yar ayaa jasiirada Taiwan u aqoonsan dal madax bannaan, kuwaasoo la macaamila.