Sidee Xujeyda Soomaalidu u arkaan in kaalinta afraad ee Soomaaliya ka gashay waddammada u adeegay xujaydoodii

Xigashada Sawirka, Getty Images
Soomaaliya ayaa kaalinta afraad ka gashay abaalmarin ay bixiso wasaaradda Xajka iyo Cumrrada Sacuudiga ee Labbaytum loo yaqaan, taas oo la siiyo dalalka taageerada iyo adeegyda gaarka siiya xujeydooda.
Wasiir Muktaar Robow ayaa kaga dhawaaqay magaalada Makkah, isaga oo carrabka ku adkeeyay in aqoonsigan uu yahay natiijada dadaal weyn oo ay sameeyeen Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, iyada oo lala kaashanayo hoggaanka sare ee qaranka.
"Waxaa nala aqoonsaday inaan ka mid nahay wadamada ugu sarreeya ee bixiya adeegyo fiican xujeyda. Waxaanan arrintaas ku helnay abaalmarin, taas oo nalagu aqoonsanayo," ayuu yidhi Wasiir Robow, isaga oo intaas ku daray in guushani ay ka tarjumayso horumarka sii kordhaya iyo isbeddelka wanaagsan ee adeegyada loo fidiyo xujeyda Soomaaliyeed.
Wuxuu kaloo xusay in abaalmarintu ay tahay il farxad u ah dhammaan ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay muujineyso doorka muhiimka ah ee Soomaaliya ee hubinta daryeelka iyo fayoobida xujeyda Xajka.
Sheekh Mustafa Cali oo si weyn baraha bulshada looga yaqaan waxa uu ka mid ahaa sanadkan dadkii xajka tagay, si dhow ayuuna ula socday xaalada xujeyda Soomaalida.
"Sannadkaan xajku si wanaagsan ayuu noogu bilaabmay, sannadkan khasaaraha iyo dhimashaduba waa ay yarayd si guud, oo dawladda Sacuudigu si weyn ayay ugu hagar baxday" ayuu sheegay Shiikh Mustafe Cali.
"Dawladda Soomaaliya dadka meel fiican baa la dejiyey meel dhagaxtuurka iyo xaramka u dhaw ayaa maka la dejiyey, madiina meel masaajidka nebiga u dhaw la dejiyey. Marakaa dawladda Soomaaliya aad bay u dedaashay, markaa waxaan is leeyahay taas bay ku mutaysteen kaalinta ay galeen" ayuu sii raaciyey Sheekh Mustafa Cali
Sida oo kale waxa uu Mustafe sheegay, in basasku badnaayeen, taas oo sida oo kalena xujayda si weyn looga warqabay, xilli wada xidhiidhka oo dhanka whatsapp-ka goleyaal looga sameeyey uu sida oo kale dadka anfacday.
Mas'uuliyiinta Sucuudigu waxa ay sheegeen in khubaro qiimaysa qaabka iyo habka loo qoondeeyo ee ay waddammadaasi isugu dubariddaan tayada iyo hufnaanta adeegyada ay bixiyeen wadamada ka qaybgalay ay qiimeyn sameeyeen. Markii ugu horreysay, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxaa loo aqoonsaday inay tahay dalka ugu sarreeya ee bixiya adeegyada fulinta ee xujeyda.
Dr. Al-Rabiah ayaa shakhsi ahaan u soo bandhigay abaalmarinta "Labaytum" iyo shahaado aqoonsi, taas oo la guddoonsiiyey Alireza Bayat, madaxa Ururka Xajka iyo Xajka ee Iran.
Xajka sanadkan waxa uu marti galiyay in ka badan 1.6 milyan oo xujey, oo ay ku jiraan. Iyada oo la dhammaystiray cibaadooyinka ugu muhiimsan iyo soo noqoshada xujeyda ee Maka ilaa 12-ka Dhu al-Hijjah, oo xilliga xajku la soo gebagebaynayo.













