Maxay tahay sababta maalgashadayaasha Itoobiya iyo Ereteriya ay u dooranayaan Rwanda?

Sarah Isaac ayaa ku tilmaantay doorashada Rwanda inay tahay "go'aan sax ah" markay ka fikirtay inay dalkeeda uga tagto si ay u ololayso.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Markii uu dagaalku ka qarxay gobolka Tigray ku dhawaad laba sano ka hor , Sarah Isaac waxay ku noolayd magaaladeedii Hawassa.

Sarah, oo waalidkeed ay yihiin Tigree, waa naqshadeeye iyo injineerad leh shirkad ka shaqeysa dhanka dhismaha.

Markii uu dhacay dagaalka dhiigga badani ku daatay, waxay BBC-da u sheegtay: "Waxaan go'aansaday inaan guuro, sababtoo ah waxaan doonayay inaan carruurteyda ku koriyo deegaan nabdoon oo xasilloon.

In kasta oo ay markii hore qorshaynaysay in ay Yurub u soo guurto, haddana waxa ay doonaysay in ay shaqo dibadda ah ka raadsato, sidaa awgeed waxa ay aaminsanayd in ay ka wanaagsan tahay in ay u guurto waddamada Afrika.

Marka loo eego fursadaha shaqo iyo ganacsi ee kala duwan, waxay door biday inay u guurto Rwanda halkii ay Yurub u wareegi lahayd, sababtoo ah waxay ogeyd inay Rwanda ay tahay dookheeda koowaad.

Waxay hadda ku hawlan tahay howlaha shirkadda dhismaha oo Kigali ku taal. Waxa kale oo ay magaalada ka furtay ganacsiyo kale , iyadoo dhamaan aadeegyada ku bixisa qiimo macquul ah. "Waxaan qorsheyneynaa inaan furno lganacsiyo kale dhowrka bilood ee soo socda," ayay tiri.

Intaas waxaa dheer, waxay qabataa ganacsiyo kala duwan oo online ah, maareynta munaasabadaha iyo shaqo raadinta.

Sarah Isaac ayaa ku tilmaantay doorashada Rwanda inay tahay "go'aan sax ah" markay ka fikirtay inay dalkeeda uga tagto si ay u ololayso.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ma aha oo kaliya kuwa hodanka ah kuwa doorta inay maalgashadaan Rwanda. Khubaro badan, oo ay ku jiraan Itoobiyaan iyo Eriteriyaan, ayaa sidoo kale si xirfad leh ugu hawlan dalka.

Tusaale ahaan, waxaa jira in ka badan 150 dhakhaatiir sare oo Itoobiyaan ah oo ka shaqeeya isbitaallada Rwanda.

Afrika, oo ka mid ah qaaradaha ugu saboolsan, ayaa muddo dheer lala xiriiriyay colaado, cudurro, nafaqo-xumo, iyo macaluul.

Si kastaba ha ahaatee, sanadihii ugu dambeeyay, ajaanib badan oo doonaya inay maalgashadaan ama ku qaataan hawlgabkooda si nabad ah ayaa Afrika u dooranaya meesha degayaan.

Xitaa dad badan oo Eriteriyaan iyo Itoobiyaan ah oo dibad joog ah ayaa doonaya in ay degaan dalalka Afrika oo ay guryo ka dhistaan mustaqbalka.

Rwanda waxa ay ka mid tahay wadamada ugu horeeya dhanka maalgashiga iyo nolosha.

Ilaa dhawaan, Rwanda waxaa lala xiriirinayay xasuuqii ka dhacay dalkaas dhowr iyo soddon sano ka hor.

Si kastaba ha ahaatee, dalku wuxuu noqonayaa mid ka mid ah dalalka sameynaya horumar wanaagsan iyo amni iyadoo aanay sameyn ku yeelan wixii uu dalku soo maray.

Maxay Itoobiyaanka, Eriteriyaanka iyo ajaanibta kale u dooranayaan Ruwaanda? Waa maxay kheyraadka ay Rwanda bixiso si ka duwan waddamo badan oo Afrikaan ah?

Waxa jira shuruudo kala duwan oo ka dhigaya waddan ku habboon nolol iyo maalgashi. Qaar ka mid ah kuwaas waxaa ka mid ah tayada, qiimaha nolosha, fursadaha dhaqaale, badqabka, amniga iyo kaabayaasha horumarsan.

Waa maxay maqaamka Rwanda, oo loo yaqaan 'Singabuurtii Afrika', ee arrintan?

Muhimaddu waa in la taxaddaro

Dalxiisayaal badan ayaa caddeeyey in Rwanda ay ka mid tahay dalalka ugu nadiifsan Afrika.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ruwaanda waxaa loo yaqaanaa dhul lehkumannaan hektar

Dalxiisayaal badan ayaa caddeeyey in Rwanda ay ka mid tahay dalalka ugu nadiifsan Afrika.

Marka ay timaado nadaafadda iyo wacyigelinta deegaanka, waxaa jira kuwa ku doodaya in Rwanda ay kaalinta koowaad kaga jirto liiska.

Bil kasat Sabtida ugu dambeysa, olole nadaafadeed oo loogu magac daray 'Umuganda' oo ka dhacay Kinyarwanda, qof kasta waxa uu ka qaybqaadanyaa deegaanka uu deganyahay, ololaha sumacadeed ee dhanka nadaafadda ee Rwanda.

Tani waxay keentay in ajaaniib badan ay Rwanda ka dhigaan dookhooda koowaad si ay u degaan ama u maalgashadaan.

Dalka waxa kale oo la tixgeliyaa marka ay timaado daryeelka caafimaadka, waxbarashada, iyo helitaanka hawlaha jir dhiska .

Dr. Yohanna Gebreyohannes, oo ah dhakhtar ku taqasustay dhalmada iyo haweenka kana tirsan isbitaalka King Faysal ee magaalada Kigali, ayaa xasuusata waayo-aragnimadeeda markii ugu horreysay ee ay u guurto Rwanda.

"Waxa aan arkay in Ruwaanda ay ii soo dhawaynayso sidii aan filayay, asxaabteyda aad bay ii fahmeen, aad bay ii caawinayeen, aad bay iisoo dhaweeyeen, waanu jeclayn, waddankeenana sidaas oo kale ayaan u rajaynaynaa," ayay u sheegtay BBC-da.

Qiimaha nolosha ee la dareemi karo ee dalka ayaa sidoo kale ka wanaagsan wadamo badan. Qaar badan ayaa ka marag kacaya in guryaha, cuntada, iyo gaadiidka ay yihiin kuwo la awoodi karo.

Heerar aad u sarreeya oo nadaafadeed ayaa lagu arkay goobaha qaxwada iyo maqaayadaha ka furan magaalooyinka Rwanda.

Heerkulka inta badan waxa uu u dhaxayaa 16 iyo 28 darajo Celsius. Tani ma aha mid aad u kulul ama aad u qabow, taas oo dalxiisayaashu ay yiraahdaan waa raaxo.

Ammaanka

Dad badan oo Eriteriyaan iyo Itoobiyaan ah oo Rwanda degay ayaa ka marag kacaya in uu yahay dal ammaan ah.

Waxa ay intaa ku dareen in aanay ka walaacin duullaan iyo fal-dembiyeed kasta, habeen iyo maalinba.

Wariyihii hore ee Itoobiya Metti Shewaye Yilma ayaa ku lug leh ganacsiga kafeega ee Kigali. Waxay BBC-da u sheegtay in ka sokow kafeega Rwanda iyo Itoobiya, cabitaankeeda kulul ee 'Shankofi', uu caan ka noqday deegaanka.

Markii ay qorshaysay inay maalgashato oo ay samesyay sahan, way wayday waddan kale oo la tartami kara Rwanda.

Sababta ugu weyn ee ay dalka u dooratay ayay ku sheegtay "nabad iyo ammaan".

Qaar badan oo Eriteriyaan ah ayaa ka marqaati kacay in aysan dareemin wax walaac ah oo khatar ah marka ay u soo wareegeen dalka.

Guud ahaan iyo gaar ahaan marka loo eego wadamo badan oo Afrikaan ah, Rwanda waxa hoseeya heerka dambiyada.

Howlaha ay dawladda Rwanda si hagar la’aan ah u waddo waxa ka mid ah siyaasadaha saaxiibtinimada leh ee maalgashadayaasha, dhiirigelinta cashuuraha iyo habraacya la fududeeyay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, waxay raacdaa siyaasad maalgashi oo dhiirigelin leh

Hanaan maalgashi oo degdeg ah oo dhiirigelin leh

Howlaha ay dawladda Rwanda si hagar la'aan ah u waddo waxa ka mid ah siyaasadaha saaxiibtinimada leh ee maalgashadayaasha, dhiirigelinta cashuuraha iyo habraacyo la fududeeyay. Tani ma aha oo kaliya in jawi wanaagsan loo abuuro maalgashadayaasha shisheeye laakiin sidoo kale waxay kor u qaadaysaa kobaca dhaqaalaha iyo horumarka dalkeeda.

"Waxay dhiiri gelin u tahay in uusan jirin nidaam adag, sida dalalka kale," ayay tiri Sarah Isaac, oo dooratay inay ka shaqeyso Ruwanda halkii ay ka shaqeyn lahayd Yurub.

Rwanda ayaa ka mid ah dalalka ugu fudud Afrika ee ganacsiga laga sameeyo, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Bangiga Adduunka.

Maalgashadayaashu waxay caddeeyaan inay si fudud u heli karaan diiwaangelinta ganacsiga, shatiga, bixinta cashuuraha iyo oggolaanshaha deegaanka si dhakhso leh oo hufan iyagoo isticmaalaya kaliya adeegyo hal goob ah oo qaadanaya dhawr saacadood oo keliya.

Laga soo bilaabo ha'ayadda socdaalka, waxaa jira shaqaale kugu soo dhaweynaya dhoola cadeyn, oo aan ku weeydiineeyn 'maxaad halkan u joogtaa?'

Iyada oo ay ka go'an tahay horumarinta dhaqaalaha, dawladdu waxay soo bandhigtay siyaasado aanay ugu dulqaadneynin oo ku saabsan musuqmaasuqa iyo abuurista jawi saaxiibtinimo leh oo ka caawiya maalgashadayaasha inay si fudud u horumaraan.

Rwanda ayaa kaalinta 43-aad ka gashay 180-ka waddan ee ugu musuqmaasuqa yar, sida ay sheegtay hay'adda Transparency International ee 2024-ka ee qiimaynta musuqmaasuqa.