Sida aad dharkaaga u heysan karto muddo dheer

Dharka

Xigashada Sawirka, Flora Collingwood-Norris/ Rose + Julien Ltd

Mararka qaar waxaa dhici karta in aan ka helno quruxda iyo naqshadda maro aan soo iibsannay balse uu dhamaado innaga oo aan ka xiisa dhigin. Waxaa sidoo kale dhici karta in aad is weydiiso sideen maradan muddo dheer u isticmaali karaa ama tan iyo inta aan ka xiiso dhigayo?

Haddaba war wanaagsan! Waxaa jira qaabab la tijaabiyey oo kuu sahlaya in marada aad muddo dheer haysato weliba adiga oo u istcmaali kara sidii mid ka duwan kii hore.

Qaar innaga mid ah waxaa laga yaabaa in ay is leeyihiin ‘oo maan mar labaad soo iibsado’ laakiin waxaan ognahay in ay jiri karaa sababo badano o aysan taasi u dhici karin mar walba, waxaana ka mid ah in aadan haysan lacag aad kusoo iibsato ama aad maradii mar kale weydo iyada oo naqshaddii iyo midabkii aad rabatay ah.

Dib u qaabee

Hal shay oo dhar ah ayaa marar badan siyaabo kala duwan loo isticmali karaa dad kala duwanna ka faa’iideysan karaan.

Bandhigyo faashiyon oo lasoo bandhigay ayaa laga arkayey dirac caruureed oo laga sameeyay cambuur la isticmaali jiray xilliyadii 1750-meeyadii iyo sidoo kale xariir la isticmaalayey 1770 oo dib loo qaabeeyay – taas oo ay dadku bilaabeen in ay dib u xiiseeyaan.

“Dumarku waxay bilaabeen in ay baadi goobaan dharkii ay ayeeyooyinkood isticmaali jireen si ay ugu geeyaan harqaanka oo dib loogu qaabeeyo isla markaana la dhigo dharkii la xiran jiray 1840-meeyadii,” ayuu yiri Tobin oo ah khabiirka dharka ee Xarunta Qaranka ee Killerton House ee dalka Ingiriiska.

dhar

Xigashada Sawirka, Alamy

“Dumarku waxay bilaabeen in ay baadi goobaan dharkii ay ayeeyooyinkood isticmaali jireen si ay ugu geeyaan harqaanka oo dib loogu qaabeeyo isla markaana la dhigo dharkii la xiran jiray 1840-meeyadii,” ayuu yiri Tobin aah ah khabiirka dharka ee Xarunta Qaranka ee Killerton House ee dalka Ingiriiska.

Tolmo iyo dib u karid

“Muddo dheer ayaa dharka la haysan jiray sababtoo ah dharku qaali ayuu ahaa mana jirin dharka cusub ee hadda sida dhibka yar loo helo,” ayuu yiri Tobin. “Dadkuna waxay lahaayeen xirfadaha dharka iyaga oo ka barta qoyskooda iyo dadka dharka sameeyay.” Waxaana ka mid ah sharabaadada si taxadar leh loo qurxiyay, agabka dolmaha iyo koofiyada lagu hagaajiyay mudaca, baahida dharka loo qabo ayaa soo keenaysay shaqada naqshadeynta iyo tolista dharka ee Collingwood-Norris.

"Marka aan samayno dayactir muuqda, waxaan u dabaaldegnaa noloshii dharku lahaa, waxaanan samaynaa habka hagaajinta hal-abuurnimo iyo madadaalo," Collingwood-Norris ayaa u sheegay laanta dhaqanka ee BBC. "Waxay noqonaysaa maro qab lagu xidho."

Sii gudbi dharka qaaliga ah

dhar

Xigashada Sawirka, National Trust/ Steve Haywood

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tobin ayaa qaar ka mid ah Buldhada ku casuumar qaybta dharka qaddiimka ah ee bandhigga si ay u keenaan dhar ay muddo badan isticmaalayeen oo ay weli sii xidhaan.

Kim Collins oo dadka deegaanka ee Killerton ka mid ah kana shaqaysa dukaanka buugaagta ayaa ku deeqday cambuurkeeda quruxda badane e ah nooca ay xidhaan dumarka Afghanistan, kaas ay lacac ay uruursatay ku gadatay sannadkii 1974, kaas oo ay u xiratay xafladdii Glastonbury iyo xilliyadeedii ay uurka ahayd, waxaana isaga oo marar badan dib loo qaabeeyay oo loo tolay ay ku wareejisay gabadheeda Elizabeth.

“Dabacn qiime weyn ayuu ugu fadhiyaa iyada, iyo maadama uu ahaa cambuur qurux badan meysan rabin in ay iska tuurto,” ayuu yiri Tobin.

Siyaabo kala duwan u xiro dharka aad haysato

Qayb kale oo ka mid ah qaybaha muhiimka ah ee bandhigga waa "dharka isbeddelka lagu sameeyay" ee 1870-yadii, dhar bir ah, oo casaan qurux badan oo xariir ah, kaas oo dhererkiisu dhan yahay oo lala karo maro-gacmo-dheer oo suubban oo loogu talagalay xirashada maalinta ama mid luqun gaaban oo ah shalash habeenkii la xiran karo .

Diraca dhiggiisa casriga ah waxa uu ku yimaadaa qaab naqshadeyn farshaxan oo cajiib ah oo uu sameeyay Hendo, kaas oo ka kooban maro dheeman iyo xariir dib loo warshadeeyey ah, oo loo gashan karo sida maro ama sida lebbis leh jeexa qoorta dhabarka.

dhar

Xigashada Sawirka, Rose + Julien Ltd

Dhar ka samee waxyaabo aan la fileyn

Dagaalkii labaad ee aduunka, waxyaabaha dhaerka laga sameeyo si taxaddar leh ayaa la isugu jaangoyn jiray, iyada oo uu dhiirrei geliyey ololihii dawladda ee ahaa tulo oo kar, iyada oo filimaan laga samaynayo, filimaan iyo boorar lagu dhiirri gelinayo tolashada dharka.

Baarshuut-ka diyaaradaha looga boodo - oo loo dhisay si qurux badan oo xariir ee 1943-kii - ayaa si gaar ah loo raadsanayey. “Waxaa la ii sheegay in duuliyaha haddii uu soo dego oo uu geed ku soo dego xilliga dagaalku socdo, in ay iska degi jireen oo ay baarashuutkooda ka tagi jireen, kadibna dadka deegaanka ayaa bannaanka u soo bixi jiray oo soo saari jiray baarashuudka, waanay isticmaali jireen qaybaha jeexmay ama xumaaday mooyee," ayuu yidhi Tobin. "Ayeeyaday waxay ii sheegtay in aad suuqa madow ka heli karto baarashuud; waxaan ku arkay xayaysiisyo yar yar oo wargeysyada waagaas ah oo ogeysiisna in shixnad soo gashay oo la iibin doono."

Saas darteed in aad ka samayso shay aa nasal ahaan dhar ahayn, dhar la xiran karo waa fikir wanaagsan.