Dhibaatada ay warshadaha dharka ee Shiinaha ay ku hayaan dawaarlayaasha Soomaalida
Cismaan Axmed Abo oo loo yaqaan (Oskar) waxa uu muddo afartan sano ah ku shaqaysanayay harqaan oo waxa uu toli jiray dharka.
Burburkii Soomaaliya ka dib waxa uu xirfaddiisa dawaarlenimada la aaday Maraykanka oo uu hadda ku nool yahay, halkaasoo uu muddo uga shaqeysanayay.
Balse sida ganacsiyada kale ee caalamka ayaa waxaa Oskar saameeyay warshadaha dharka ee Shiinaha, taa oo sababtay inuu joojiyo dhar tolidda oo uu qudhiisa dhar diyaarsan ka soo dhoofsado Shiinaha.
Cismaan Oskar ayaa noolashiisa dawaarlennimada waxa uu uga warramay weriye Siyaad Siciid Saalax.