Golden Dome: Waa maxay gantaalka casriga ah ee Trump?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweyne Trump iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkiisa ayaa sheegay in Greenland oo ay maamusho Maraykanku ay muhiim u tahay dhammaystirka guusha ee barnaamijka "Golden Dome" – oo ah gaashaan gantaalaha difaaca oo casri ah kaas oo loogu talagalay inuu Maraykanka ka difaaco cadawga sii kordhaya ee tiknoolajiyadda sare leh.
Fikraddan ayaa markii ugu horreysay lagu dhawaaqay amar madaxweyne sanadkii hore, kaas oo loogu baaqay in la sameeyo "Iron Dome for America" iyada oo laga jawaabayo hanjabaado "musiibo" keeni kara oo noqday kuwo "ka xoog badan kana murugsan" muddo ka dib.
Isaga oo garab taagan Trump oo ay ku sugnaayeen xafiiska Oval Office 20-kii May, xoghayaha difaaca Pete Hegseth ayaa sheegay in nidaamku keliya yeelan doono lakabyo badan oo ah "dhulka, badda iyo hawada sare, oo ay ku jiraan dareemayaasha hawada sare ku rakiban iyo kuwa gantaalaha dhexda ka qabta".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Trump ayaa intaas ku daray in nidaamkan uu awood u yeelan doono inuu dhexda ka qabto gantaalaha "xitaa haddii laga soo rido dhinacyada kale ee adduunka, iyo xitaa haddii laga soo rido hawada sare," iyadoo qaybo kala duwan oo barnaamijka ka mid ah ay ku yaallaan meelo fog fog sida Florida, Indiana iyo Alaska.
In kasta oo maamulku aanu bixin faahfaahin gaar ah oo ku saabsan doorka ay Greenland ka ciyaari doonto nidaamkan, haddana waxa loo malaynayaa inay qayb ka noqon karto nidaamka digniinta hore.
Hadda, Saldhigga Hawada Sare ee Pituffik ee ay Maraykanku maamulaan ee ku yaalla Greenland waxaa ku yaal dareemayaal markii hore loo rakibay si ay u ogaadaan gantaalaha ballistic-ga ah ee Maraykanku ka cabsi qabay inay ka yimaadaan dhinaca Arctic-ga haddii Dagaalkii Qaboobaa ee lala galay Midowgii Soofiyeeti uu isku beddelo mid gacan ka hadal ah.
Khubarrada ayaa ka digay in nidaamyada difaaca ee hadda jira ay yihiin kuwo aad u liita haddii Maraykanka ay soo weeraraan Shiinaha iyo Ruushka, kuwaas oo labaduba haysta hub ballaaran oo ka kooban boqolalal gantaal.
Si kastaba ha ahaatee, nidaamka cusub wuxuu noqon doonaa mid aad qaali u ah. Xafiiska Miisaaniyadda ee Koongareedka ayaa ku qiyaasay kharashka ku baxaya qaybta hawada sare oo kaliya inuu gaarayo $542 bilyan (£404 bilyan) muddo 20 sano ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kumannaan qof ayaa mudaaharaad ka dhigay qorshaha Trump ee Greenland ee jasiiradda Arctic, iyo sidoo kale Denmark.
"Greenland waxaa iska leh Greenlanders" Mudaaharaadyo ayaa ka dhacay magaalooyin badan oo ka tirsan dhulka Denmark oo ay ku jirto caasimadda Nuuk.
Dadweyne aad u badan ayaa sidoo kale lagu arkay Copenhagen.
Dhanka kale, Madaxweyne Trump ayaa shalay ku dhawaaqay canshuuro cusub oo lagu soo rogay dalal badan oo badeecadaha u dhoofiya Mareykanka, taasoo bilaabaneysa 1-da Febraayo.
Trump ayaa sheegay in kuwani ay sii jiri doonaan ilaa "waqtiga heshiiska laga gaarayo iibsashada Greenland oo dhameystiran iyo tan Mareykanka"
Qoraal uu ku qoray baraha bulshada, Trump wuxuu sheegay in dalal ay ka mid yihiin Denmark, Norway, Sweden, France, Germany, UK, Netherlands, iyo Finland "laga qaadi doono 10% canshuur ah" marka ay badeecado u diraan Mareykanka.
Kowda Juunyo, tan waxaa la kordhin doonaa 25%, ayuu ku qoray Truth Social.
Xusuusin, taariifadu waa canshuuraha laga qaado badeecadaha la soo dejiyo, waxaana inta badan dowladda siiya shirkado keena badeecado shisheeye.













