Weerarrada ay Al-Shabaab maanta dib u billowday ma waxay khatar gelinayaan amniga Itoobiya?

Ciidanka Itoobiya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Saakay waxaa mar kale qarxay dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada Liyu Booliska ee Dowlad-deegaanka Soomaalida. Wararku waxay sheegayaan in uu dagaalku weli socdo, mana jirto faahfaahin ku saabsan khasaaraha labada dhinac.

Al-Shabaab ayaa markii hore weerar hoobiyeyaal ah ku billowday weerarka, kaddibna waxaa xigay dagaal toos ah oo ka dhacay deegaanka Aato oo ka tirsan gobolka Bakool.

Waa markii saddexaad oo bil gudaheed ay deegaannada xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhacaan dagaallo ka dhashay weerarro ay qaadday Al-Shabaab.

Isbuucan dhexdiisa ayay xubno ka tirsan kooxdan iyo ciidanka Liyu booliska ku dagaallameen deegaanka Feerfeer ee gobolka Hiiraan, oo u dhow gobolka Shabeelle ee dhinaca Itoobiya.

Markii dambe waxaa dagaalka qayb ka noqday militeriga Itoobiya, labada dhinacna waxay sheegteen inuu mid walba khasaare gaarsiiyay midka kale.

Horraantii bishan Luulyo ayay ahayd markii ay isku dhaceen Al-Shabaab oo ujeeddadoodu ay ahayd inay u tallaabsato dhanka Itoobiya iyo ciidamada Dowlad-deegaanka Soomaalida.

Al-Shabaab

Xigashada Sawirka, AFP

Xildhibaan Maxamed Xuseen Geeddi oo xubin ka ah baarlamaanka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Liyu booliska ay ku sugnaayeen meesha uu dagaalku ka dhacay.

"In badan ayay madaafiic ku garaacayeen, kaddibna ciidankii lugta ayaa galay. Runtii ciidan badan ayaa joogay oo ciidankeenna SNA-ga qaybta gobolka Bakool ka tirsan iyo ciidanka Liyu booliska ee Dowlad-deegaanka Soomaalida.

"Runtii si fiican ayaa la isaga caabbiyay, waa la soo eryay oo xagga gudaha ayaa loo soo eryay haddana goobihii ciidanka ma ahane ilaa 10 kiiloo mitir oo dhanka gudaha ah ayaa loo soo eryay," ayuu yiri.

Al-Shabaab wali kama aysan hadlin arrintan.

Wararka madaxa bannaan iyo xogta laga heli karo dadka deegaanka ayaa ah mid aad u xaddidan.

Waxaa soo baxaya warar aan la xaqiijin karin oo sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya ay qayb ka ahaayeen dagaalka saaka.

Meesha uu saaka dagaalka ka dhacay ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Meesha uu saaka dagaalka ka dhacay ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliya

Dagaalkan ugu dambeeyay ayaa yimid xilli uu dhowaan Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaaliya, Mustafa Cumar, wacad ku maray in ay Al-Shabaab kula dagaallami doonaan gudaha Soomaaliya.

Al-Shabaab ma waxay Itoobiya ku haysaa halis aan dhammaad lahayn?

Colaad sanado badan jirtay ayaa ka dhaxaysa kooxdan hubaysan ee saldhiggeedu uu yahay Soomaaliya iyo dowladda Itoobiya.

Itoobiya ayaa go'aansatay in ay militerigeeda u dirto gudaha Soomaaliya sanadkii 2006-dii, xilligaas oo sababtu ay ahayd si looga hortago kooxaha Islaamiyiinta ah oo ay xukuumadda Addis Ababa u arkaysay inay khatar ku yihiin amnigeeda.

Xilligaas waxaa gudaha Soomaaliya ku dagaallamay ciidamada Itoobiya oo caawinayay dowladdii kumeel-gaarka ahayd ee uu hoggaaminayay madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Midowgii Maxaakiimta Islaamiga ah.

Go'aankaas ayaa horseeday in mucaaradka Itoobiya ay si wayn u dhaliilaan dowladda, Soomaali badanna waxa ay ka hor timid tallaabada Itoobiya oo ay u arkayeen duullaan.

Ciidanka Liyu Boolis

Xigashada Sawirka, Bogga Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sidaas awgeed, howlgalkaas militeri oo socday muddo labo sano ah waxa uu soo afjaray maxkamadihii Islaamiga oo xilligaas sii xoogaysanayay.

Waqtigaas dowladda Itoobiya waxa ay sheegtay inay "gaartay ujeeddadeeda", hase yeeshee, waxaa tallaabadii ay qaadday ku sii xoogeystay Al-Shabaab oo sii jiray burburkii Midowga maxkamadaha kaddib.

Ka badbadis ma noqonayso in la dhaho Itoobiya waxa ay Al-Shabaab ka hor istaagtay inay galaan dalkeeda, iyadoo adeegsanaysa istiraatiijiyado badan, marka laga reebo inay qayb ka ahayd ciidamada AMISOM.

Haddaba, maadaama ay waddamada Reer Galbeedku ku mashquulsan yihiin arrimo kale oo iyaga u gaar ah, Al-Shabaab oo hadda weerarro ku haysa xudduudaha Itoobiya ma waxay yeelatay halis sidii hore ka badan?

"Al-Shabaab dhankooda uma aha weerar yar in ay gudaha Itoobiya u galaan 80 kiiloo mitir ayna la wareegaan maamulka dhulka buuralayda ah iyo gobollada Oromia," ayuu yiri Faysal Rooble, oo falanqeeya Arrimaha Geeska Afrika.

"Hoggaanka gobolka waxa ay sheegi karaan in ay riixeen Al-Shabaab, balse ma sheegi karaan in ay burburiyeen iyagoo dhan. Itoobiya waxay ahaan jirtay mid weerarta Al-Shabaab, hadda waxa ay noqotay dhinaca isdifaacaya," ayuu yiri.