Sida looga falceliyay hooyo Masaari ah oo sheegtay in ay iibineyso carruurteeda

Hooyo carruurteeda u soo bandhigtay in laga iibsado, duruufo dhaqaale darteed

Xigashada Sawirka, Screenshot from the video

Muuqaal ku faafay baraha bulshada ayaa muujinaya hooyo Masaari ah oo afar carruurteeda u bandhigaysa in la iibiyo sababo la xiriira nolol adag, waxaana taasi ay kicisay welwel isqabsaday baraha bulshada. Falcelintu waxa ay u dhexeysay danqasho iyo dhaleeceyn ku saabsan qaabka ay gargaar u dalbanayso hooyadaasi, halka mas'uuliyiinta Masarna ay soo farageliyeen si ay xal ugu helaan xaaladda haweeneydan.

Muuqaalka, hooyada lagu magacaabo Amiira, ayaa carruurteeda markii ay soo bandhigaysay tiri "Afartan carruur ah waa la iibinayaa ama waxaa loo wareejinayaa kuwa aan carruurta lagu mannaysan." Waxay sharraxday in laga saaray gurigii ay deggenaayeen, isla markaana aysan haysan hooy iyo il dhaqaale midna.

Hooyadu iyada oo ilmeyneysa ayay ka warrantay halganka ay sanado badan ku jirtay si ay u daryeesho carruurteeda kaddib markii seygeedii hore uu ka tagay.

Waxa ay sidoo kale warbaahinta maxalliga ah u sheegtay in ay duubtay muuqaalka xilli xaalku ku adkaa, kaddib xilli ay sugaysay fulinta amar maxkamadeed oo looga saarayo guriga ay deggenayd, sababo la xiriira in seygeedii hore uusan bixin kirada guriga ee ay iyada iyo carruurteedu ku noolaayeen.

Haweeneydu markii dambe waxa ay ka raaligelisay bulshada muuqaalka faafay, waxayna adkaysay inaysan carruurteeda ka tegi doonin qiimo kasta ha ahaadee. Waxay sheegtay in duruufaha nololeed ee aadka u adag ay ku qasbeen inay duubto muuqaal oo ay carruurteeda soo bandhigto.

Danqasho iyo caro

Dadka adeegsada baraha bulshada ayaa si weyn uga falceliyay muuqaalka, iyada oo dad badan ay muujiyeen danqasho ay ka danqanayaan xaaladda afarta carruur ah, isla markaana ay ku baaqeen in mas'uuliyiintu ay si degdeg ah tallaabo u qaadaan si loo badbaadiyo carruurta iyo hooyadood.

Qaar kale ayaa iyaguna u arkayay tusaale ka mid ah xaaladda haween badan oo la furay ama agoomo haysta, kuwaas oo sidoo kale u baahan in duruufahooda la tixgeliyo, lana siiyo guryo iyo shaqooyin ku habboon, maadaama ay yihiin kuwa mas'uulka ka ah korinta carruurtooda.

Sida ku cad xogta hay'adda dhexe ee tirakoobka iyo abaabulka dadweynaha ee sannadka 2021, haweenku Masar waxa ay mas'uul ka yihiin in ka badan 30% qoysaska, malaayiin haween ahna waxa ay qaadaan mas'uuliyadda kharashaadka maalinlaha ah iyo daryeelka ubadkooda.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Muuqaalka ayaa sidoo kale la kulmay dhaleeceyn iyada oo qaar ay u arkayeen hooyadu isku dayayso inay ku kasbato falcelin iyo caan bax iyada oo wax u dhimaysa carruurteeda.

Qaar kale ayaa ku talinayay in masuuliyiintu ka jawaabaan lana xisaabtamaan hooyada si aan muuqaal lamid ah mar kale u soo bixin

Mid kamid ah dadka isticmaala Facebook ayaa ku baaqay in lala xisaabtamo hooyada kaddib markii ay carruurteeda gelisay xaalad nafsi ah oo adag oo saameyn taban ku yeelan karta caafimaadkooda, isaga oo rumeysnaa in saboolnimadu aysan cudurdaar u ahayn in carruurta la iibiyo.

Adeegsada kale oo facbook muuqaal kaga faaloonaysa ayaa tiri: "Marnaba kuu danqan maayo, sababta oo ah waxaad carruurtaada u geysatay dhaawac aan waligiis bogsan doonin, waxa ka sii daran marka ay koraan oo ay arkaan muuqaalkan uu burburinayo maskaxdooda." Waxay si caro leh isu weydiisay: "Qof kasta oo duruufo adag mara ma carruurtiisa ayuu iib geeyaa?"

Qaar kale ayaa ku baaqay in la xalliyo dhibaatada qiimaha guryaha oo sarreeya oo ay tahay mushkiladda asalka in la xalliyo, halka qaar kalena ay ku baaqeen in dib loo eego sharciga kirada qadiimiga ah, gaar ahaan wax-ka-beddelladii dhowaan lagu sameeyay oo Baarlamaanka ansixiyay bishii Luulyo ee la soo dhaafay, kuwaas oo horseeday koror kirada ah isla markaana kiciyay cabsi ku saabsan malaayiin qoys oo laga saari karo guryahooda.

Jawaabta mas'uuliyiinta

Wasiirka Shaqada Maxamed Jabraan ayaa ku sheegay wareysiyo telefishin uu bixiyay inuu la xiriiray hooyada, kana codsaday inay u soo dirto dukumiintiyadeeda rasmiga ah si loogu diyaariyo fursad shaqo oo ku habboon iyo gargaar dhaqaale oo degdeg ah. Wuxuu intaas ku daray in "Masar aysan ka tegin carruurteeda," isaga oo xusay in "jawaab degdeg ah" laga bixiyay xaaladda hooyadaasi.

Agaasimaha fulinta Sanduuqa Guriyeynta Bulshada iyo Taageerada Maaliyadda Amaahda, Mai Abdel Hamid, ayaa sheegtay inay la socoto kiiska hooyada, iyada oo adkaysay inay jiraan xalal lagu maarayn karo dhibaatada Amiira, isla markaana ay ka shaqeynayaan xaqiijinta xasillooni joogto ah oo loo helo hooyada iyo carruurteeda.

Waxaynu isku daynay inaan la xiriirno Golaha Qaranka ee Carruurta iyo Hooyada si aan faallo uga helno dhacdadan, balse wax jawaab ah kama helin illaa waqtiga warbixintan la qorayay.

Taageero nafsi ah oo loo fidiyo carruurta

Dr. Sawsan Al-Fayed, oo ah bare Cilmi-nafsiga ka dhiga Xarunta Qaranka ee Daraasaadka Dembiyada iyo Bulshada, waxay aaminsan tahay in dhacdada carruurta la iibinayo ay tahay kiis gaar ah, aysanna ahayn arrin baahsan, isla markaana hooyadu ay u duubtay muuqaalka si ay u hesho gargaar dhaqaale maadaama ay saaran yihiin cadaadis dhaqaale iyo mid bulsho, ayna gaartay ujeeddadii muuqaalka.

Waxa ay adkaysay baahida degdegga ah ee loo qabo in carruurta la siiyo taageero nafsi ah oo degdeg ah, iyada oo loo marayo barnaamijyo hay'adeed, si loo yareeyo saameynta taban ee nafsiyeed ee ka dhalatay duubista muuqaalka, loona xoojiyo xasilloonida maskaxda, gaar ahaan marka la eego xaaladdooda bulsho iyo baahiyaha aasaasiga ah ee aan la daboolin.

Xaalad Nugul

Qiimaha nolosha Masar ayaa sare u kacday labadii sano ee la soo dhaafay, kaddib markii sicir-bararka sanadlaha ah uu gaaray heerkii ugu sarreeyay laba sano ka hor, isaga oo diiwaangeliyay 38% bishii Sebtembar 2023, taas oo timid kaddib wax-ka-beddel lagu sameeyay sicirka sarrifka iyada oo ay jirtay dhibaato lacageed oo qalaad oo dalka saameysay. Intaas kaddib, sicir-bararka sanadlaha ah ayaa hoos u dhacay bilihii la soo dhaafay, isaga oo gaaray 12.5% bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

Qiyaaso rasmi ah ayaa muujinaya in tirada dadka Masaarida ah ee ka hooseeya xadka saboolnimada uu kordhay labadii sano ee la soo dhaafay, taas oo ka dhalatay xaalado dhaqaale oo ay mas'uuliyiintu ku tilmaameen "kuwo gaar ah."

Daraasado dhaqaale ayaa qiyaasaya in heerka saboolnimada dalkaasi Masar uu gaarayo ku dhowaad 30% guud ahaan, halka uu ka gaarayo 55% qaar ka mid ah deegaannada miyiga, taas oo ka dhigaysa qoysas badan inay ku dhibtoodaan daboolidda baahiyahooda aasaasiga ah iyada oo mushaharradu hooseeyaan, inkasta oo dhawaan la kordhiyay mushaharka ugu yar.

Heerka shaqo la'aanta Masar ee sannadkan sii dhammaanaya 2025 ayaa la saadaalinayaa inuu u dhexeeyo 6 ilaa 7 boqolkiiba, iyada oo malaayiin qof aysan ku jirin suuqa shaqada ama ay ka shaqeeyaan waaxda aan rasmiga ahayn iyada oo aan la helin daryeel bulsho oo ku filan.