Daaman jabay, ilko daatay iyo $280 malyan: Maxaan kala soconnaa cayaartii feerka ee dhex martay Joshua iyo Jake Paul?

feerka Joshua iyo paul

Xigashada Sawirka, Getty Images

Labo meel ayuu ka jawbay daanka Jake Paul oo Miami kula feertamay Anthony Joshua. Youtuber-kan ayaa laga siibay labo ilig.

YouTuber-ka, oo sidoo kale horay ula feertmay Mike Tyson, ayaa lix wareeg u adkaystay feerka Joshua, oo laba jeer horyaalka miisaanka culus ee adduunka u soo qaaday. Dhowr jeer ayaa la riday ka hor inta aanu ku dhicin feerkii ugu darnaa ee kaga yimaada Joshua.

Paul, oo 28 jir ah, ayaa laba jeer lagu riday wareega shanaad iyo kan lixaad. Wuxuu sheegay dagaalka ka dib in uu "hubo in daankiisu jabay."

Paul ayaa Instagram ku qoray: "Qalliinku si fiican ayuu u dhacay, waad ku mahadsan tihiin dhammaan jacaylka iyo taageerada. Toddoba maalmood waxaan cabbi doonaa kaliya dareere." Sidoo kale wuxuu baraha bulshada soo dhigay sawir raajo ah oo muujinaya jabka soo gaaray daankiisa.

Paul, oo dhaawac awgiis uga maqnaa shirkii warbaahinta ee dagaalka kaddib, ayaa kaftan ku sheegay in uu wajihi karo feeryahanka kale ee Saul Alvarez.

"Jabka daanka waa wax ku badan ciyaaraha, gaar ahaan feerka," ayuu yiri Nekisa Bidarian oo maamule u ah Paul oo intaas u daray "Waqtiga bogsashada badanaa waa afar ilaa lix toddobaad."

Paul fursad yar ayuu u haystay in uu ka adkaado ninka aad uga khibrad badan, wuxuuna isku dayay in uu ka fogaado feerarka culus ee Joshua.

Dagaalka si weyn ayaa loo dhaliilay sababo la xiriira kala duwanaashaha miisaanka iyo farqiga weyn ee xirfadda farsamo ee labada feeryahan.

Paul, oo hore uga dagaallami jiray miisaanka fudud, ayaa sheegay in uu qorsheynayo in uu feerka ka nasto "muddo."

"Waxaan bogsiinayaa daankayga jabay, dib ayaan u soo laabanayaa anigoo la dagaallamaya dad miisaankayga ah. Hadafkaygu waa in aan ku guuleysto suunka horyaalka adduunka ee miisaanka dhexe. Nasasho yar ayaan qaadanayaa. Lix sano ayaan si aan kala joogsi lahayn u shaqeynayay," ayuu yiri.

Feeryahanka miisaanka culus adduunka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Feerka dhexmaray Anthony Joshua iyo Jake Paul wuxuu ahaa mid la yaab leh, waxaana laga daawaday Netflix.

IIlbiriqsiyadii ugu dambeeyay ee wareegga afraad ee feerka, garsoore Christopher Young ayaa ku dhawaaqay ereyo ay dad badan rabeen in ay dhahaan. Wuxuu isu keenay feeryahannada, wuxuuna ku adkeystay in ay si caddaalad ah u dagaallamaan.

Joshua wuxuu lahaa toddobaadkii oo dhan, "waxaa isaaran culeys feerka iyo kan habeenkii jimcaha ee Miami".

Ujeedka Pual waxa uu ahaa in uu "badbaado", wuxuuna ahaa ninkii toddobaadkan oo dhan ballanqaadayay in taariikh la yaab leh ay dhacso, wuxuuna ka gambanayay feerka.

Markasta oo ay isku dhawaadaan wuxuu Paul isticmaalayay xirfada lagdanka isagoo qabsanayay lugaha Joshua. Dhowr feer ayaa u dhacday Paul.

"Tani waa guul, balse ma ahan guul-wadareed," ayuu yiri Joshua oo intaas u daray dagaalka kaddib. "Wax badan ayaan u baahanahay in aan hagaajiyo. Kuma qanacsani."

Joshua wuxuu helay qaybtiisa lacagta abaal-marinta, oo la sheegay in ay gaareyso $280 milyan, balse marka laga fiiriyo dhanka isboortiga, tartankan wax macno ah ma laheyn.

Feeryahanka Paul

Xigashada Sawirka, .

Joshua wuxuu istaagay bartamaha halka lagu feertamo, wuxuuna dadweynaha u sheegay in uusan dan ka lahayn "sumcadii uu ka dhaxlay isboortiga."

Joshua oo 36 jir, waa feeryahan miisaanka culus oo hore ugu soo guuleystay bilado dahab oo olombikada ah, wuxuuna sidoo kale hore u soo noqday horyaalka feerka miisaanka culus.

Feerkan waxba kuma kordhin Paul maadama uusan waligiis heerkan oo kale uusan gaarin.

"Waxaan rabay in aan dhaqso dhulka dhigo balse markii aan arkay dhiiranaanta iyo geesinimadiisa iyo sida uu isugu dayayo intii karaankiisa, waan tixgeliyay taas" ayuu yiri Joshua.

Dagaalku wuxuu muujiyay in muuqaalka feerku isbeddelayo, halka buunbuuninta Netflix iyo soo jiidashada ganacsi ay wax weyn ka badaleen isboortiga.

Mustaqbalka Jake Paul muxuu noqon doonaa?

Paul mar walba waa nin aan la saadaalin karin. Inta badan wuxuu doonayaa in uu carqaladeeyo qaab dhismeedka ciyaaraha feerka.

Ka hor feerka Joshua, Paul wuxuu ahaa feeryahan ku dagaallama miisaanka fudud. Ururka feerka adduunka waxay sheegeen in ay Paul ku qiimeyn doonaan bisha Luulyo lambarka 14-aad.

Tani waxay ka dhigeysaa in uu hoos u dhacay hal darajo, sidaas darteed ku laabashada miisaankan ayaa u muuqada ikhtiyaarka ugu macquulsan haddii uu doonayo in uu ugu dambayn gaaro riyadiisa ah in uu u dagaallamo horyaal adduun.

Paul oo laga badiyay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maxaan ka ognahay Jake Paul?

Jilaagii hore ee Disney ee noqday YouTuber-ka iyo feeryahan, waxaa bartiisa bulsho ku taxan dad ka badan 55 milyan, taasoo micnaheedu yahay "lacag aad u weyn inuu sameynayo." sida ay sheegtay Forbes, hantida Paul waxaa lagu qiyaasaa $50 milyan oo doolar.

Wuxuu ku tababartaa bakhaar la beddelay oo qiimihiisu yahay 4 milyan oo doolar kuna yaalla dalka Puerto Rico. Waa xarun si buuxda u qalabaysan oo leh qolal soo kabasho iyo xarun jimicsi.

Paul horay ayuu uga hadlay go'aankiisa ah in uu dib u helo suunka horyaalka adduunka. Marka la eego saamayntiisa, tirada dhagaystayaashiisa iyo hantidiisa, waa in aan filannaa in mar kale lagu arko riigada lagu feertamo, xitaa haddii dagaalkiisii ugu dambeeyay mararka qaar u ekaa "riwaayad" ama majaajilo.