Sheekada nin aabe u ah 1000 caruur ah iyo wixii uu ku yiri BBC da oo la xiriirtay

Xigashada Sawirka, NETFLIX
Qoysaska qaar ayaa waxay ku doodayaan in la qiyaamay, halka isagu aaminsan yahay in wax qalad ah uusan samayn, shahwada uu ku deeqayna ay farxad u noqotay boqolaal ruux.
Jonathan Jacob Meijer oo ah 43 jir soo shaac baxay sanadkii 2017 kii kadib markii maxkamad ku taalla dalka Netherlands ay amartay in uu joojiyo shahwada uu ugu deeqayo xarumaha caafimaadka, maadaama dalkaas oo kaliya xilligaas aabe u noqday in ka badan boqol caruur ah, halka sharcigu uu xadidayo dalkaas wixii ka badan 25 caruur ah.
Kiiskiisa ayaa hadana waxa uu soo laabtay sanadkii 2023 dii, xilligaas oo la ogaaday in uusan raacin awaamiirtii maxkamadda.
Meijer waxa uu sii watay hawshiisii shahwo iibinta, madaxda dawladda Dutch kana waxay ku qiyaaseen xilligaas in uu aabe u noqday 1,000 caruur ah dunida oo dhan.
Dacwad laga geeyaya maxkamadda ayaa waxay muujisay in ninkaani si ula kac ah been ugu sheegay boqolala qoys, isaga ka been sheegay tirade caruur ee uu aabaha u yahay.
Haatan waxaa barnaamij cusub oo dukumentari ah oo ay sameysay Netflix ka soo muuqday haween kala duwan oo ka sheekeynaya sida loo qiyaamay.
Mid ka mid ah ayaa sheegtay in ay dareentay “in la qiyaamay, haatan caro iyo murugo dareemeyso” kadib markii ay ogaatay tirada caruur ah ee ninkaan dhalay.
Ninkaan oo ay BBC du isku dayday in ay la xiriirto si uu wax uga yiraahdo eedeymaha loo jeedinayo, ayaa diiday in uu waraysi bixiyo, waxa uuse sheegay in dad badan oo shahwadiisa qaatay “ay ku faraxsan yihiin”.

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Sida uu shahwada ugu deeqay
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ninkaan lagu magacaabo Meijer ayaa waxay ku deeqayay shahwadiisa muddo 17 sano ah. Inta badan waxa uu ugu deeqayay shahwadda si aan shaacsanayn, isaga oo si toos ah ula macaamilayay qoysaska halkii uu la macaamili lahaa xarumaha caafimaadka.
Gudaha Netherlands waxa uu dhalay 102 caruur ah oo ku dhashay deeqo uu siiyay ilaa iyo 11 xarumo caafimaad.
Maadaama laga mamnuucay in uu shahwo ku deeqay gudaha dalka sanadkii 2017 kii, waxa uu sii waday hawsha isaga oo bilaabay in uu dibadda u dhoofiyo.
Sanadkaas ayaa wax dacwad ka gudbiyay haweeneey iyo hay’ad taageereysay kuwaas oo sheegay in ficiladiisu ay halis u yihiin in xiriir galmo ay dhexmaraan isaga iyo ilmihiisa.
Iyada oo maxkamad la dhex joogo ayuu xiliigaas Meijer qirtay in uu leeyahay 550 ilaa 600 oo caruur ah.
Balse maxkmaddu waxay sheegtay in lagayaabo in uu aabe u yahay ilaa 1,000 caruur ah oo kala jooga dhawr qaaradood.
Balse ugu dambeyntii maxkamadda ayaa ka mamnuucday arrinta waxaana loo sheegay in hadii uu mar dambe sameeyo calaa cunug lagu ganaaxi doono $100,000 oo doolar.

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
“Ninka leh 1000 ka caruur ah”
Barnaamij dukumentari ah oo lagu magacaabo “Ninka 1000 ka cunug leh” ayaa waxa uu soo bandhigay waraysiyo uu la yeeshay qoysas badan oo ogaaday in ninkaan lagu magacaabo Meijer uu leeyahay in ka badan 100 caruur ah, taas oo ah arrin uu ka qariyay markii hore.
“Waxaan xanaaqsanahay sababtoo ah, xilligaas waxa uu ii sheegay in uu ugu deeqay shan qoys oo kaliya”, ayay tiri ka mid ah hooyooyinka oo lagu magacaabo Natalie, oo ay BBC du waraysatay.
Waxa kale oo ay sheegtay in waxa ninkanai sameeyay ay ogaatay uun warbaahinta.
“Cabsida ugu wayni waxay tahay in caruurtaasi ay kulmaan kadibna ay is jeclaadaan sababtoo ah way is aqoonsanayaan oo waxaa jira wax isku xira, mana ogaan doonaan in hal nini dhalay,” ayay tiri.
Balse ninkaan Meijer waxa uu leeyahay sheekada waxaa laga sameeyay dadka aan ku faraxsanayn oo kaliya shahwadii uu ugu deeqay ee ay jiraan qoysas badan oo abaal uga haya.
Waxaa kale oo uu BBC da u sheegay “in aanay waxba ka qaldaneyn” in boqolaal caruur ah la dhalo. Waxa uuna diiday suuragalnimada in laba cunug oo walaalaha ay xiriir samayn jacayl samayn karaan, maadaama uusan ahayn nin qarsoon.












