Faahfaafin: Sidee maanta wax uga dhaceen xarunta xabsiga dhexe ee Xamar?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Warar dheerada ayaa ka soo baxaya is-rasaasayn ka dhacday gudaha xarunta xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku jiraan maxaabiis kala duwan.
Sida uu BBC-da u sheegay Afhayeenka Ciidanka Asluubta Gaashanle sare Cabdiqani Maxamed Khalaf, howlgalka ayaa la soo afjaray ka dib rasaas xooggan oo muddo saacad ka badan ka dhex socotay xabsiga dhexe ee Xamar.
Wuxuu afhayeenku sheegay in ragga dagaalamayey ay tiro ahaan dhammaayeen shan ka tirsan maxaabiistii ku xirnaa xabsiga.
Afhayeen Cabdiqani, ayaa sheegay in raggii dagaalamayey oo shan ahaa dhammaantood lagu dilay dagaalkii ka dhacay goobta.
Waxaa kale oo intaa ku diray in ciidamadda ay ka dhinteen saddex askari halka dhaawucu uu gaarsiisan yahay 21 isugu jira maxaabiis iyo askar. Saddeex iyo tobban ka mida tiradaas waa maxaabiista sida uu afhayeenku u sheegay BBC-da.
Sidoo kale wararka ayaa intaa ku daray in dadka dhaawaca uu ku jiro sarkaal ka tirsan qaybta baanbayda ee ciidanka Asluubta.
Wuxuu intaa ku daray in ragga dhintay ay hore ugu tirsanaayeen ururka Al-shabaab basle ma bixin faahfaafin intaas ka dheer.
Taliska Asluubtu wali war kama bixin sida raggan ay ku sheegeen maxaabiista ay ugu suura gashay in hub gacantoodo galo ka dibna ay ku dagaalamaan.

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Xigashada Sawirka, HIIRAANONLINE
Afhayeenka Ciidanka Asluubta oo an waydiinay ilaa hadda sababtaas ayaa BBC-da u sheegay in xogta faahfaahinteeda ay dib ka shaacin doonaan.
Qaar ka mida ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ee ku sugan kulanka manta ee Golaha ayaa soo hadal qaaday weerarka ka dhacay gudaha xarunta xabsiga dhexe ee Muqdisho.
Xildhibaan Jeesow oo hadal ka jeediyey barlamaankaa ayaa sheegay in iska horimaadka ka dhacay xabsiga uu ku abuuray walaac amni.
“Waxaan ka xumahay maanta in xabsigii dhexe la galay oo ay dhibaato badan ka dhacday,”ayuu yiri Jeesow.
Qaar ka mid ah ehelada maxaabiista ku xiran xabsiga oo warbaahinta maxaliga ee Muqdisho la hadlay ayaa dhankooda sheegay inay ka welwelsan yihiin waxaa ka dhacay Xabsiga.
Qaabkee ayay tahay in xabsiyada waawayn loo ilaaliya?

Xigashada Sawirka, SOCAIL
Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa ah kan ugu wayn ee ku yaalla caasimadda Soomaaliya.
Maxaabiista ku xiran qaarkood ayaa loo haystaa dambiya culus sida dil, halka kuwa kale loo soo xiray in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabab.
Korneel Ibraahim Cabdi Samad oo ahaan jiray taliyihii xabsiga dhexe xilligii dowladdii Kacaanka ayaa sheegaya in ilaalinta xabsiga ay u baahan tahay taxadar dheeraad ah.
Korneel Ibraahim ayaa farta ku fiiqay in ilaalada xabsiga ay u qeybsanto saddex qeybood oo wada shaqeeya.
"Xabsiga dhexe waxaa uu leeyahay saddex waardiye, waardiye albaabada, waardiye gudaha ah iyo waardiye kor la saaro," ayuu Mr Ibraahim.

Xigashada Sawirka, Korneel Ibraahim Cabdi Samad
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Korneel Ibraahim Cabdi Samad aya dhanka kale sheegay in askarta waardiyayaasha ee gudaha xabsiga ku jira ay mamnuuc ka tahay in ay hub sitaan loona baahan yahay oo kali ah in ay sitaan seeri iyo bodhadh.
"Waardiyaha gudaha waa ka mamnuuc in uu askariga qori qaato, kuwa gudaha waxay haystaan burar iyo seeri, haddii uu firimbigaa yeeriyo waa in askarta kor saaran uu dareenkooda soo jeedsadaa," ayuu yiri Korneyl Ibraahim.
Korneel Ibraahim Cabdi Samad ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan waxyaabo ay tahay in xabsiga dhexe iyo guud ahaan xabsiyada laga taxadaro oo laga hortago in la galiyo, sida hubka , mindi, sakiin iyo waxa la mid ah.
Waxaa uu intaa ku daray in maxabiista ay kala dambiya duwan yihiin islamarkana inta isku dambiga ahba meel lagu xiro si gaar ah-na loo ilaaliyo.
"Qola walba meel ayay leedahay, laga soo bilaabo dil ilaa xabsi daa'in ilaa 20 sano meel ayay leeyihiin,10 sano ilaa 5 sano ihyo wixi ka yar-na meel ayay leeyihiin, kuwa aan xukunayn ee gar-sugayaasha ahna meel bay leeyihiin," ayuu yiri.
Weerarkan mid la mida ayaa hore uga dhacay xabsiga dhexe ee Muqdisho sanadkii 2022-kii, ka dib markii maxaabiista iyo ciidamada ilaaladu ay dagalameen, taas oo dhalisay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.
weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay ilaa 10 ruux oo isugu jiray ciidanka iyo maxaabiistii ku xirnayd xabsiga.













