Ma bannaan tahay inaad u gacan qaaddo walaashaa ama haweeney qoyskaaga ka tirsan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada Soomaalida aad looga hadal hayay muuqaalka haweeney la sheegay inuu u gacan qaaday walaalkeed, oo sida la sheegay uga maaro waayay isticmaalka barta TikTok.
Haweeneydan ayaa muuqaal ay soo duubtay soo dhigtay barteeda Tiktok iyadoo wajigu ay kaga yaallaan nabarro badan, waxayna ku cataabeysay in la dilay.
Kolkii danbe, ayaa haweeneydii la sheegay in walaalkeed u gacan qaaday ay muuqaal jawaab ah soo dirtay, iyadoo sheegtay in aanu u gacan qaadin walaalkeed, balse bararka wajigeed ka muuqda uu yahay jirro si kale iyada u heysata.
Sheekadan dhab iyo dhalanteed, tii ay ahaataba, ma gar baa in haweenka loo gacan qaado, haddii ay ku kacaan fal ka careysiiya xubnaha qoyskeeda?
Waxaan la hadalnay Sheekh Cabdul Xayi Sheekh Aadan, bal inuu bayaaniyo waxa shareecada Islaamku ay ka qabto arrinta ah in loo gacan qaado haweenka.
Ma mamnuuc baa in dhangad lagu dhufto haweenka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sheekh Cabdul Xayi Sheekh Aadan, ayaa sheegay marka koowaad Islaamku uu ragga mas’uul uga dhigay qoyskooda.
Wuxuu intaa ku daray Sheekh Cabdul Xayi, in mas’uuliyadda ragga dusha loo saarey, laga doonayo in ay iyagu kasoo dhalaalaan.
“Dhammaantiin waxaa tihiin dad wax loo diray, waana la i idin weeydiinayaa, wixii la idiin diray,” ayuu yiri Sheekh Cabdul Xayi.
Sheekha, oo hadalkiisa sii wata, isagoo soo xiganaya xadiith laga wariyey Nabi Muxammad “NNKH” ayuu mar kale ku nuux nuux saday doorka ragga.
“Ruuxa ragga ah, waxa uu mas’uul ka yahay qoyskiisa, waana la weeydiinayaa. Ragga hadba maqaam ayey u joogtaa gabadha. Mar waa aabaheed, marna waa saygeeda, marna waa wiilkeeda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Sheekha CabdulXayi ayaa sheegay in diinta Islaamku haweenka ay ilaalisay, oo ay ku tilmaantay iney yihiin sharaf dhawrsan, oo lama taabtaan ah.
Sheekha, ayaa tilmaamay in la oggol yahay in marka hore la waaniyo haweeneyda, oo ay ku jirto asluub iyo is qadarin.
Maxaa laga yeelayaa haddii ay haweeneydu ku kacdo fal aan fiicneyn?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sheekh Cabdulxayi ayaa tilmaamay in shareecada Islaamka ay ilaaliso waxyaabo badan, gaar ahaan wuxuu carrabka ku dhuftay sharafka ruuxa Islaamka.
“Diinta Islaamka shanta arrimood ee ay usoo dagtay waxaa kamid ah ee “Maqaasidul Shareeca” loo yaqaano cirdhiga ama sharafka qofka oo la ilaaliyo” ayuu mar kale sheegay.
Sheekha, ayaa dhanka kale sheegay in haddii ay dhacdo in sharafkii ama xishoodkii ay ku xad gudubto haweeneyda, loo oggol yahay inuu tallaabo qaado ruuxii kale ee rag ah ee ka mas’uulka ahaa.
“Cirdiga gabadhaada, ama walaashaa haddii aanay ku socon anshixii, qofka ka mas’uulka ah inuu ka celiyo ayaa loo oggol yahay,” ayuu yiri Sh Cabdul Xayi.
Siyaabaha loo celinayo haweenka, ayaa shiikhu wuxuu sheegay in marka la suulinayo dhaqan xumida, uu nidaam u jideeyey Islaamku.
Cabdul Xayi, ayaa sheegay in Nabi Muxammad NNKH, uu mamnuucay kana digay in wajiga haweenka wax laga gaarsiiyo, isagoo lagama maarmaan ku tilmaamay in nidaamka tarbiyadda Islaamka si hagaagsan loo raaco.
Sheekha, ayaa tilmaamay in mararka qaarkood dadka mas’uuliyiinta ay talax tagaan, isagoo soo qaatay maah maahdii ahayd “Waayeel xanuunsaday, xil ma kaso”, oo uu ula jeedo marka ruuxa mas’uulka ah uu caradiisa xakameyn waayo, inuu markaa uu imanayo xad gudub.













