Xuquuqda Dumarka: Haweenka Musliimnta ah ee ku tiirsan sharceeda Islaamka si ay u helaan sinnaan

.

Xigashada Sawirka, MIDDLE EAST MONITOR

    • Author, Fathi Mascuud
    • Role, Professor, Jaamacadda California

Shareecada Islaamku waa mid qof walba siisa xuquuqdiisa isla markaana si aad ah uga taxadarta eexda iyo qof jaclaysiga marka ay timaaddo xuquuq siinta qofka Muslimka ah iyo qof aan Muslim ahaynba.

Dalalka Muslimiinta ah - gaar ahaan kuwa looga dhaqmo diinta Islaamka - qofku marka uu sameeyo xad gudub noocuu doono ha ahaado intuu doonana ha la ekaade waxaa lagu xukumaa wixii diinta fartay in qofkaas la marsiiyo ama lagu ciqaabo.

Marka laga hadlo haweenka Muslimiinta ah, Diintu waxay siisay xuquuq aas-aasi ah inkasta oo mararka qaar bulshada dhexdeeda talax tag ka dhaco haddana mar walba bulshooyinka Muslimiinta ah way og yihiin in diinta Islaamku ay si weyn u ilaalisay waxa ay xaqa u leeyihiin haweenka Muslimaadka ah .

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Shareecada Islaamka iyo xuquuqda haweenka

Waxaa waraysi laga qaaday dad gaaraya 150 qof oo isugu jira dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka, hoggaamiyayaasha diinta, shaqaalaha rayidka ah iyo shaqaalaha samafalka, kuwaas oo ku sugan gudaha Soomaaliya.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kaliya dumarku "waa inay ka ogaadaan xuquuqdooda Qur'aanka," ayay raacisay. Qaybo ka mid ah bulshada sida Culimada ayaa ka caawiya haweenka in ay fahmaan xuquuqdooda ku salaysan shareecada Islaamka.

Inta badan waxaa jirta Oraah la adeegsado oo ay soo qataan dadka u olaleeya waxbrashada gabdhaha oo ah "Gabadh wax baratay waa bulasho waxbaratay". Ujeedka laga leeyahay Oraahdaan ayaa ah in gabdhaha lagu dhiirrigaliyo waxbarashada diini iyo maadi intaba. Nebi Muxammad NNKH, wuxuu dhiirrigaliyay waxbarashada rag iyo dumarba.

Marka ay timaaddo in haweenku ay kubadda ciyaari karaan ama ay jago u tartami karaan arrintaas waxay u baahan tahay in dib loogu laabto shareecda oo loo bandhigo Culimada diiinta sida wanaagsan u garanaya. Balse waxaa mar walba la og yahay in aysan diintu culeys ahayn oo ay ku dhisan tahay hab fudud oo naxariis ku dheehantahay.

Soo kabashada awoodda dumarka

Dumarku mar walba kaalin weyn ayay ku leeyihiin arrimaha masiiriga ah haddii ay tahay mid qoys iyo bulsho intaba, waana sababta ay u yihiin aas-aaska qoyska, oo iyaga la'aantood wax badan horumar lagama gaareen marka ay timaaddo meesha dadka u ah tiirka nolosha.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

La tashiga haweenka marka la gaarayo go'aamada muhiimka ah waa arrin mudan in la ogaado inay tahay wax weyn, sababtoo ah Nabi Muxammad wuu la tashan jiray xaasaskiisa taas oo muujinaysa sida shareecadu arrintaa muhiimadda u siisay.

Xiligii Nabiga NNKH dumarku door muuqda ayay ku lahaayen bulshada waxaana la xaqiijiyay haddii ay si dhab ah u fahmaan shareecda Islaamka in ay ku qancayaan halka ay diintu dhigtay xuquuqdooda.

Soomaaliya oo kaliya ma aha meelaha xuquuda dumarka ay shareecda Islaamku waynaysay ee waxaa jira dalal badan oo Muslimiin ah oo haweenkoodu ay sheegaan in waxa ay xaqa u leeyihiin uu qorayo Kitaabka Qur'aanka Kariimka ah.

____________________________________________________________________________________________________________________

Waxa qortay Fathi Mascuud oo ah Professor sharciga iyo siyaasadda ka dhigta jaamacadda California.