Waa maxay dhaqaale la'aanta soo wajahday shirkadda Hollywood?

Hollywood

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kumanaan ka tirsan TV-yada Hollywood-ka iyo kuwa filimada wax ka qora ayaa lagu wadaa in ay shaqo joojin sameeyaan maanta oo Talaado ah, ka dib markii wadahadallo iyo cabasho ku aaddan mushaaraadka ay u gudbiyeen istuudiyo yaasha waaweyn; aan la xallin.

shaqo joojintii ugu horreysay muddo 15 sano ah, ayaa la filayaa, in ay sameeyaan in ka badan 9,000 oo qoraa, ku dhawaad 98% xubnaha codbixinta ayaa qarka u saaran inay baxaan.

Waxa ay sababi kartaa bandhigyada habeenkii ee xilliga dambe oo joogsada saqda dhexe, halka bandhigyada iyo filimada soo socda ay wajihi karaan dib u dhac.

Sannadkii 2007, qorayaashu waxay sameeyeen shaqo joojin 100 maalmood ah, oo ay ku kacday ilaa $2bn.

Waqtigan, qorayaashu waxay isku Isbahaysiga Sawir-qaadayaasha iyo Soo saarayaasha Taleefishinnada ee magaceeda loo soo gaabiyo (AMPTP) oo u badan shirkadaha waaweyn, oo ay ku jiraan Disney iyo Netflix iyaga oo dalbanaya mushahar sare iyo qayb weyn oo ka mid ah faa'iidooyinka ka soo baxa qulqulka casriga ah.

Arrimaha ugu muhiimsan ee wada-hadallada ayaa ahaa sida ay qorayaashu lacag ugu heli lahaayeen bandhigyada kuwaas oo inta badan ku sii jira saaxada isla markaana la sii daayo muddo sanado ah.

Dhankooda, shirkadaha ayaa si wada jir ah u sheegay in ay waajib ku tahay in ay dhimaan kharashaadka cadaadisyada maaliyadeed awgeed, iyaga oo xusay sida guud ahaan lacagaha la siiyo qorayaasha ay u gaareen heerkii ugu sarreeyay abid oo dhan $494m sanadkii 2021-ka.

'Ma awoodo in aan is bixiyo'

Sida laga soo xigtay wariye Hollywood-ka ka warrama, kooxda cabashada gudbisay ee Writers Guild of America ayaa u sheegay in xubnahooda ay diyaar u yihiin inay soo doortaan haddii heshiis cusub la gaari waayo ugu dambeyn Isniinta.

Alex O'Keefe, oo ah qoraaga taxanaha The Bear, xubinna ka ah ururkaas, ayaa BBC-da u sheegay in kala bar dhammaan qorayaasha la siiyo lacagta ugu yar ee wax soo saarka.

Waxa uu sheegay in wax soo saarka hal abuurka asxaabtiisa qoraalka ay ka wanaagsan tahay sidii hore, balse taa badalkeeda qorayaasha la siiyo wax kayar intii hore.

"Qoraaga aniga oo kale ah, gaar ahaan kuwa da'da yar, qorayaasha madow, qoraayaasha asaliga ah, qorayaasha aan cadaanka ahayn waxay keeneen mawjada cusub iyo hal-abuurka geeddi-socodka.

"Laakin waxaan isku aragnaa anaga nafteena in aynaan ku noolaan karin meelaha qaar sida caasimadaha New York iyo Los Angeles, halkaas oo aan u baahannahay inaan joogno meelo loogu tala galay qorayaasha."

Hollywood

Xigashada Sawirka, Getty Images

O'Keefe oo hadalkiisa sii wada ayaa ayaa yiri, "Ma kala saari karo dhammaan qorayaasha inay yihiin saboolnimo ama shiid, laakiin waxaan dhihi karaa aniga naftayda waxaan koontadayda bangiga ku heystaa $6 doolar oo kaliya ,"

Waxa uu sheegay in markii isaga iyo asxaabtiisu ay ku guulaysteen Abaalmarinta Writers Guild of America ee ay ku heleen taxanaha ugu wanaagsan ee The Bear, in uu xafladda ku tagay isaga oo xiran suud ay u soo iibiyeen asxaabtiisa iyo qoyskiisu.

O'Keefe ayaa yiri "Marka hadda waxaa jira heer hoose oo weyn Hollywood dhexdiisa."

Ururka jilayaasha ee SAG-AFTRA iyo ururka agaasimayaasha ee DGA ayaa ka dhawaajiyay in ay garab taagan yihiin qorayaasha shaqo joojinta sameeyay.